SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxay Diintu ka qabtaa banaanbaxa ama mudaharaadka?

Kama qarsoonna arday kasta ee runta doona inaysan bannaaneen mudaharaadyada, maxaa yeelay culimada waaweyn ee Islaamka waxay yiraahdeen ma bannaana, sidaas darteed waxaan u arkay inay waajib tahay inaan soo uruuriyo, aniga oo aad u soo koobayo fataawaha culimada waxay ka yiraahdeen banaanbaxa, si ay u ogaadaan Muslimiinta arinkaas aan la socon.

Sheekh al-callaama Maxamed Naasirud-diin al-Albaani –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Mudaharaadka waa wax nooga yimid dibadda oo waddamada reer Galbeedka ee Gaalada ah iyaga ayaa lagu yaqaanay inay banaanbaxaan, sidaas darteed mudaharaadka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Diinteena noo diidday inaan uga dayano Gaalada.

Sheekh al-callaama CabdiCaziiz ina Baaz –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Nebi Maxamed naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee iyo Asxaabtiisa Eebbe ha ka raali ahaadee weligood ma aysan banaanbixin ama ma aysan mudaharaadin.

Sheekh al-callaama Muqbil al-Waadici –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Waxaan Muslimiinta uga digayaa inay mudaharaadaan ama ay ka qaybqaataan banaanbax.

Sheekh al-callaama Maxamed ina Saalix al-Cutheymiin –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Mudaharaadyada waa wax bidco ah, oo lama aqoon xiligii Nebiga n.n.k., xiligii Khulafada Raashidiinta iyo xiligii Asxaabta Eebbe ha ka raali ahaadee.

Wuxuu sidoo kale yiri: Haddii cidda lagu mudaharaadayo Muslimiin yihiin, Muslimiintaas waxaa ku filan in lagu waaniyo Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiis n.n.k. sidaas ayaa wanaag ugu jirto Muslimiinta, haddiise cidda lagu mudaharaadayo gaalo yihiin, Gaaladaas ma kala jecla haddii lagu mudaharaado iyo haddii kaleba, Mudaharaadkana wax uu soo kordhinayo ma jiro oo xaaladda wax uu ka beddelayo ma jiraan, sidaas darteed waxaanu u aragnaa inuu mudaharaadku yahay waxaan bannaaneen.

Sheekh Saalax al-Fowzaan -Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri:

Mudaharaadka ka mid ma aha waxyaabaha Muslimiinta ay sameeyaan mana aysan garan jirin Muslimiinta waagii hore.

Sheekh al-callaama Axmed ina Yaxye an-Najmi –Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri:

Mudaharaadka ama banaanbaxa ma aha wax Islaamka uu garanayo mana qirayo ee waa wax bidco ah oo ka mid ah waxyaabaha Gaalada ay sameeyaan, iyaga ayuuna nooga yimid oo Gaalada wixii ay sameeyaanba ma ku dabadayannaa?.

Wuxuu sidoo kale yiri: Islaamka kuma guuleysto in la mudaharaado ama la banaanbaxo ee Islaamku wuxuu ku guuleystaa Jihaadka ku dhisan Caqiidada saxda ah iyo siduu jideeyay Maxamed ina Cabdullaahi nabadgelyada Eebbe iyo naxariistiisa korkiisa ha ahaatee. Rususha iyo dadkii raacay waxaa lagu imtixaanay dhibaatooyin badan lamana farin inay dulqaataan mooyee yacni sabar, siduu Eebbe Qur’aankiisa ku leeyahay:

{استعينوا بالله واصبروا إنّ الأرض لله يورثها من يشاء من عباده والعاقبة للمتقين} [ سورة الأعراف : 128] .


Sheekh CabdiCaziiz ar-Raajixi –Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri:

Mudaharaadka ka mid ma aha waxyaabaha ay Muslimiinta sameeyaan ee waa wax dibadda nooga yimid, waxaana mudaharaadka laga yaqaanay waddamada reer Galbeedka ee Gaalada ah.

Waxaa soo diyaariyay

CabdiRisaaq Maxamed Cilmi



No comments:

Post a Comment