SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay Sababta goobaha caafimaadka ay Raggu ugu yar yihiin ,Dumarkuna ugu badan yihiin?

Iftiinkacusub.com: Goobkasta oo caafimad hadaad tagto ,waxa aad ogaanaysaa in ay markasta ay Dumarku Ragga kaga badan yihiin,taas ma la odhan karaa,Raggu maaha kuwo ku dadaala daryeelka caafimaadkooda.

Suura gal miyey tahay in ay Ragga iyo Dumarku ku kala adkaysi badan yihiin ,xanuunada guud iyo kuwa gaarka ah,maaha arimaha aan ka hadlayaa xanuunada inta badan Dumarka u gaarka ah,balse xanuunada Ragga iyo Dumarkaba ka dhaxeeya ,ayaa markasta waxa aad ogaanaysaa in ay Raggu yihiin kuwo aad ugu yar booqashada iyo u-tagitaanka dhakhtarka.

Hadii aad maanta booqato xarumaha ay fadhiistaan dhakhatiirta ku shaqada leh Ilkaha ,waxa aad markaaba arkaysa ,in dhamaan dadka isdawaynayaa ay u badan yihiin ama 99% ay yihiin Dumar ama haween.

Sidoo kale hadii aad booqato ,xarumaha lagu daaweeyo xanuunada guud ee dadka ku wada dhaca ,waxa aad ogaanaysaa in iyagana ay dumarku u badan yihiin, taas awadeed su'aasha la iswaydiinayaa waxa ay tahay, waa maxay sababta ay Raggu u tagi layihiin xarumaha la isku daaweeyo,maxaase ka horjooga?
 
Goobaha inta badan lagu daaweeyo dadka iyagu markaasi ka cabanaaya,xanuunada iyo durooyinka Jinka ,dadka u badan ee daawada u raadsadaa waa dumar,talaw ragga Jinku miyaanu ku dhicin?

Waxyabaha kale ee iyaguna layaabka leh waxaa ka mida, in Caruurtu ay tahay mid ka badan dhinaca isdaawaynta ragga ,sababta oo ah waxaa inta badan caruurta gacanta ku hayo Hoyooyinka,taasina waxa ay u sahashay in markasta caruurta ay cafimaadkooda ay ka fikiraan.

Waxa kaloo la ogaaday in booqashada goobaha buukaanadu ay yalaan dadka booqdaa ay u badan yihiin Haween,taas lafteedu waxa ay ku tusaysa in ay yihiin Raggu kuwo aan jeclayn booqashada goobaha caafimaadka,waana mida keentay in ay naftooda caafimaad u raadsadaan isla markaana ay booqdaan dadka iyaguna bukaanka ah ee Isbitaalada jiifa.

Hadaba sababta keentay in Raggu aanay goobaha caafimaadka ku badnaanin,ayaa waxa la leeyahay,Ragga waxaa ku badan ad'adayga iyo qalafsanaanta,waana mida ay dumarka kaga duwan yihiin,taasina waxa ay sababta in ay naftooda ilabaan,halka ay Dumarku naftooda uga roonyihiin.

Ma la odhan karaa, Raggu inta badan ma jecla jiljileeca iyo jiifka badan,taas awadeed ayaa qalafsanaan aan loo baahnayn ay naftoodii ku ilaabeen;sidoo kale miyaan loo qaadan karin in uu Raggu inta badan ka baqdo in xanuuno lagu sheego.

Dabeecada Ninka waxaa ka mida ,in marka uu dhakhtar u tago, waxa uu markasta jecel yehay faraxna galiya, in aanu dhakhtarku wax cuduro ah ama xanuuno ah aanu ku sheegin, balse Dumarku waxa ay jecel yihiin ayaa layidhaa ,in markaasi xanuuno lagu sheego si ay daawo ugu raadsato.

Waxa kaloo dhici karta madamaa uu ninku yahay kan isagu reerka u shaqaynaaya,in aanu marnaba iska dhaadhicin in uu xanuusanaayo,ilaa heer uu gaadho in uu kici kariwaayo,waxa aad waxbadan maqlaysaa Soomalida gudaheeda ,nin aad cafimaad qab ku ogayad oo lagu leeyahay si kadisa ah ama lama filaan ah ayuu u geeriyooday.

Waxyabaha kale ee marag madoonta ah waxaa ka mida,in aad aragto nin saxiibkaa ah oo aadan habeena xanuun ku arag,balse halmar uun dhakhtarka lagula cararay,marka aad waydiiso xanuunkani sida uu u hayo,waxa laga yabaa in uu kuu sheego in uu mudaba lasoo tiicaayey xanuunkan,hadana uu soo ritay.

Waxyabaha Dumarkeena u cadada ah waxaa ka mida,in ay markasta oo ay arkaan in ninkeedu ama Abaheed iwm,oo markaasi xanuusanaaya ,waxa ay kula taliyaan in uu dhakhtar tago,balse Ragga waxaa aad ugu yar in ay sidaasi oo kale ay yeelaan.

Ragga waxaan kula talin lahaa ,caafimaadku waa qaali,hadii aad cafimaad waydana waa ay adkaanaysaa sida aad nolosha Dunida wax uga qabsataa,Cudurkuna waxa uu ku fiican yahay inta aanu kusoo ridan in wax laga qabto,sidaa awgeed waa in aynu ku dayanaa Dumarkeena oo iyagu markasta ka fikira cafimaadkooda.


W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

 

1 comment:

  1. Dumarka Soomaalidu cudur ma hayo ee nafsiyan ayay u bukaan. Waxay dareemayaan inaan la danayneen markaa jiljilayc, jiman, jirro iyo dhakhtar ayay ku raadinayaan attention ka ninka ama aabbaha.

    ReplyDelete