SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Gabadh ayaan ahay Curyaamad ah,balse Xilo Janno ayaan noqday!

Waa Gabar Diin iyo iimaan leh oo Ammaan Dumar ay ku idishahay, base Aadanaha lama helo Ruux ka dheregsan Wanaag oo idil, ileen qof walba Cillad lagama waayo Gabadhani waa Curyaan oo ilaahay ma siinin Lugahii Quruxdeeda Dhamays tiri laheyd, balse waa Ruux Qadarka Aaminsan oo ku Faraxsan Abuurista ilaaheey.

Waa Gabar dhistay Nafteeda oo wax baratay, waxay tiri:- markasta wax ayaan ka Welweli jiray oo Maskaxdayda ku soo noqnoqon markii aan u baahdo Rafiiqii Aduuyada igula Matanoobi lahaa sidii aan u Kasban lahaa, lkn wax kastaa waa Qaddarka Rabbi, Gugeygu waa waa is Gurayaa yididiilada Mustaqbalkaygu wuu soo Dhawaanaayaa.

Waxay tiri Maalin maalmaha ka mid ah Aniga oo saaran Gaarigeygii Curyaanka oo Maraaya meel aad u Buuq badan oo Ciriiri ah, oo aan heysanin Cid ii gargaarta ayaa dadku kala Naxariis badane waxaa i Caawiyay Wiil aad u Naxariis badan, wuxuu i geeyay ilaa Gurigeygii lakiin Abaalkiisa ma gudi karin, Alle ha daayee Wiilkii waan is baranay waxaa ilaahay Dhexdeena ka Unkay jaceyl oo Xagiisa ka Biloowday, anigana Beerkeyga ayuu ilaahey Kalgaceyl ku beeray, haddaba muddo markii aynu Haasawaha Rafiiq ku ahayn ayaan ku Heshiinay inaan Rug iyo Reer wadaagno, ilaaheyna wuu inoo Fududeeyay oo waa noo sahlay, wuxuu noqday Seygeygii.

Alxamdulillaah Ninkeygu wuxuu noqday Raga kuwa ugu mudan, oo Naxariis iyo Asluub ku caan ah wuxuu ii sameeyaa Caawinaad kasta oo aan u baahdo, waad garan kartaa Ruux Naafo ah waxyaabaha loo qabto ee uu u Baahan yahay, xitaa wuu i Xambaaraa mar-marka qaar, waxaan galay Nolol ka Macaan teydii hore, wax kale maan qaban kareynin, sidaan Awal ilaahey ugu Mahadnaqi jiray inuu iga dhigay Ruux Curyaamad ah ayaan hadana ilaahay ugu Mahad naqaa inuu i siiyay Seygii ugu Wanaagsanaa iyo Rafiiqii aan u baahnaa ee aan ilaahay ka baryi jiray. Waxey Nolosheenu sidaa ahaataba waxaa ilaahay na kala siiyay ilmaheygii Curadka oo ahaa Wiil.

Habeen habeenada ka mid ah iyadoo ay Habeen barkii tahay oo Gurigeena wada Hurudna ayaan waxaan soo toosay Seygaygii aan jeclaa oo Qoslaaya , waan yaabay, markii uu kala joojin waayay Qosolkii ayaan taaabtay oo aan toosiyay, wuu soo Fadhiistay isagoo Dhoolo Cadeynaaya markaas ayuu iiga waramay Qisadan.

Wuxuu igu yiri:- Waxaan ku Riyoonaayay oo waxaa ii yimid Nin aad u Dhar cad oo wejigiisu aad u Nuuraayo, wuxuuna igu yiri:- Ku Bishaareysta Lamaanihiina waxaa tihiin Ahllu janno, oo sidee ayaan ku noqonay Ahllu janno, wuxuu iigu jawaabay:- Adiga wuxuu ilaahey Sowjad kaaga dhigay Gabar Curyaan ah oo u baahan Samir badan, ilaahay uguma aad Caroonin oo waad ugu Shukrisay, taas ayaanad jannada ku galeysaa,iyadana Laba jeer ayay Samirtay:

1- Waxey ilaahey ugu Shukrisay in Alle ka dhigay Ruux Lixaad la’.

2- Waxey ilaahey ugu Shukrisay iney heshay Nin la Guursado kii ugu mudnaa. Iyaduna sidaas ayey ku jasbatay jannada, Haddaba sidaas ku Bishaareysta.

(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII).

W.Q:- Macoow Ustaad.

No comments:

Post a Comment