SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Dawlad ka werwersan cimri dherarka dadkeeda oo sii kordhayaa!

Iftiinkacusub.com: Cimri dhererku waa waxa kaliya ee Aadanahu isku wada raacsan yahay in uu yahay wax wanaagsan,qofkasta oo nooli ,waxa uu jeclaan lahaa in Dunidan loo daayo ,oo aanu waligiis laga kaxaynin ama aanu ka dhimanin.

Soomalidu waxa ay ku ducaysataa Ilahayoow cimriga noo dheere,taas oo ay uga jeedaan rabitaanka iyo jacaylka ay u hayaan in ay dunida waxbadan si joogaan,balse ma la socotaa oo ma og tahay, in Dalka Jabaan madaxdeedu ay aad uga xunyahiin cimri dheerida dadkooda oo sii siyaadaysa.

Waxa ay ahayd in ay ku farxaan,hadiiba ay dadkoodu wakhti badan cimrigoodu sii jiraayo,balse waxa ay ku doodayaan ,wakhtigaasi dheer ee ay dadku noolanayaan ee aanay hore u dhimanaynin,waxaa hoos u dhacaaya oo khasaare ku imanayaa dhaqalahii dalka.

Japaan iyo qayrkood toona ma aamin sana ,in Ilahay SW uu isagu Dunidan maamulo,isla markaana uu jaan-gooyo ,waxkasta oo noole ah oo Dunida korkeeda jooga ama ku nool.

Dalka Jabaan ayaa waxa uu ka mid yahay ,wadamada aanay dadkoodu hore u gaboobin,iyada oo dadka Reer Jabaan lagu qiyaaso in ay gadhaan cimri ahaan 100-120 sano,halka ay dawladaha Afrika dadku ay ku idladaan wax ka yar 70 sano.

Dadka iyo Hay'adaha iyagu aqoonta dheeraadka ah u leh korodhsiimada iyo cimri-dhererka Ibna-aadmiga, ayaa waxa ay soo sareen wakhti hore ,qoraal cadaynaaya in dalka Jabaan sanadka 2050 ,dad lagu qiyaasay Hal Milyan oo qof ay Boqol jirsan doonaan, isla markaana aanay gaboobi doonin,warbixintaasi oo dhamaan dawlada Japaan warwar ku abuurtay kana cadhaysiisay.

Cimriga iyo da'da uu qofku gaadhi doono Ilahay ayuunbaa og , hadana caqliga iyo saadaasha dadka arimahan aqoonta u lihi waxa ay cadaynayaan, in cimri dherarka qofka ay ka qayb qataan, hadba cuntooyinka uu isticmaalaa caynka ay yihiin iyo Jimicsiga uu sameeyo.

Wakhtiyadii hore dawlada Dalka Japaan waxa ay siin jirtay dadka cimrigoodu 100 sano uu gaadho,hadyad ka samaysan Qalin suuradiisu u eegtahay ama ay ku xardhan tahay waxyaabo ka turjumaaya Farxad.

Hadaba wakhtigan xaadirka ah markii ay bateen dadkii iyagu cimrigoodu gaadhay ama oo ka kordhay 100 sano,ayaa waxa ay dawladu Abaal-marintii ka dhigtay mid ka yar intii hore,sababta oo ah ayay yidhaahdeen, dadkii oo intii ay markii hore ahayeen kasii batay,gaadhayna tiro 20,000 Kun oo Qof iyo in ka badan.

Markii baadhis lagu sameeyey ,waxyabaha sababta u ah in dadkan reer Japaan cimrigoodu 100 sano iyo in ka badan in uu gaadho ,ayaa waxa la ogaaday in ay yihiin dadka Dunida ugu cususta badan Kaluunka ama waxa loo yaqaano Malayga.

Guntii iyo gaba-gabadii ,hadaynu nahay Soomali ,sidee ayay inoola muuqataa in ay dawladi ka xumaato cimri dhererka dadkeeda ,iyada oo ka fikiraysa dadkaasi wixii ay cuni lahayeen iyo dhaqalahii ku bixi lahaa ,wakhtigaasi dheer ee ay jiri doonaan, iyaga oo dadkaasi ahaa kuwii markii hore dalkooda iyo dadkoodaba soo dhisay.

Hadii aynu nahay dadka Soomalida ,sidee ayay kuula muuqataa, haddii maanta dhul yawga ay dadka Soomalidu ay degan yihiin , dawladaha ka jiraa ay soo saraan amaro iyo qawaniin mamnuucaysa in cimri-dhereka dadka uu yahay mid xaraan ah.

Waxyaabaha kale ee iyaguna dunida layaabka ku ah ayaa waxa ka mida,in dawladaha qaar ay soo saraan qoraalo iyo cadaymo ay ku muujinayaan, in dalkoodu uu yahay mid aanay dadkiisu aanay dhimanin,taasi oo ay uga jeedaan in 80% ay dadkoodu cimri ahaan ay gadhaan 100-120 sano ,taasi oo ay u arkaan in ay tahay dhaqaale burbur dalka kusoo fool-leh.

Wadamada Dunida qaarkood dadka ku nooli , waxa ay la cimri yihiin nolosha Sadax qof oo Soomali ah,waxa aad arkaysaa qof cimrigiisu uu yahay 120 sano ama uu ka badan yahay,oo hadana ka xoog badan labaatan jirka Soomalida.

Hadaba maxay ayaad is odhan kartaa ,hadii dawladaha qaar maanta ay ka qaylinayaan dadkayagii ayaa cimrigoodu dheeraaday,qaarkalana ay ku doodayaan waxaa nagu yaraatay dadkii dhimanayey,maxay ayaad Soomalida u malaynaysaa oo iyada Dhimashada,cudurada,Gaajada,darxumadu ay dugaashatay dockastana ay uga wareegtay.

Inkastoo aynu nahay Dad Muslim ah,aamin sanahayna in qofna aanu dhaafayn xiligii loogu talagalay Gabaw iyo Geeriba,hadana saw kulama fiicna in aynu dadkaasi dhinaca aqoonta iyo caafimaadka aynu kaga dayano dawladahaasi,si ay u yaraato waxyaabaha keenaaya in nolosheenu kusoo koobnaato 60-70 sano.

Islaamka laftiisu waxa uu aamin san yahay, in Cuntooyinka iyo hadba inta uu qofku jimicsi sameeyaa ay qayb laxaadle ka tahay caafimaadka jidhka,Sadaqada iyo xidhiidhinta ehelka oo la joogteeyo ,ayaa iyada lafteedu qayb ka qaadata cimri dhererka sida uu Nabigeenu CSW uu inoo sheegay.
 
Balse inaga intaasi oo nafaqo xuma ah waxaa inoo Dheer ,Qaad aynu nolosheenii uu dhan ku baabiinay inaga oo aan haysan cunto inagu filan oo nafaqo leh.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment