SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Kaadidii Geela ee aan cabbay maxaan kala kulmay?

Iftiinkacusub.com: Wax badan ayaad waxa aad maqasheen iyada oo la leeyahay Kaadida Geelu waa daawo waana lagu cafimadaa ;hadaba aniga ayaa cabbay isla markaana dhamay kana dhargay ee u dhug-yeesha qoraalkaygan.


Sida aad badankiinu aad ka warhaysaan inta badan dadka Reer magaalka ahi ma wayaan waxoogaa calool xanuun ah ama cabashooyin dhanka caloosha ah,taasina waxaa ugu wacan cuntooyinka aad ka u faraha badan ee noocba-nooca ah iyo fadhiga oo markasta inagu badan.

Anigaygan idinla-hadlayaa, waxa aan in muddo ahba ka caban jiray caloosha,dhakhtarkasta oo aad markaasi u tagtaana waxa maragmadoon ah in uu ku odhanaayo Gaastarii ayaa ku haya,waana halhays lagu yaqaano dhakhatiirta wadankeena joogta.

Calool xanuun iyo waxoogaa juuc-juuca ayaan isaga taag waayey akhristayaal,kadibna waxa aan go'aan saday bal in aan ka warkeeno daawada ay Kutubahu ku sheegeen in laga helaayo Kaadida Geela.

In Kaadida Geelu ay tahay Daawo waxa inta badan kusoo Arooray Axaadiis Nabigeena CSW suuban laga soo wariyey,kuwaasi oo cadaynaaya in ay Kaadida Geelu ay yahay mid haddii shuruudaheeda la raaco lagu daawoobaayo.

Aniga oo ka duulaaya kalaamkaasi dayibka ah ee Nabigeena suuban CSW laga soo wariyey,ayaa waxa aan habeen habeenada ka mida aan go'aan saday in aan Masalaha u qaato xarun markaasi uu Geel joogo.

Ha ii malaynina sida dadka qaarkii in aan ahay nin ay Geel la'aani ay hayso,ama ka warwaraaye halkii uu ka heli lahaa Geel uu maarkaasi u caano doonto iskuna dabiibo Kaadidooda.

Intii aanan safarka dhulka Miyiga ah aanan ugu bixin ,ayaan waxa aan aqoon dheeraad ah kasii waraystay kuna booqday Masajidkiisa sheekha aanu saxiibka nahay ee Sh Maxamed Cumar Dirir,Sheekhuna waxa uu igu baraarujiyey iguna boogaadiyey in go'aan kaygaasi uu yahay mid aad u fiican,isaga oo markaasi wixii iga dhinnaa ee dhanka farsamada iyo qiyaasta laga qaadanaayo ama laga cabaayo Kaadida Geela sharaxaad badan iga siiyey.

Markii aan urur saday dhamaan wixii macluumaad iyo cilmi ah ee ku saabsan cabitaanka DAAWADA/Kaadi Geela ee aan uga baahnaa Magalada,ayaan waxa ay isu diyaariyey sidii aan markaasi ugu safri lahaa dhankii iyo Kobtii aan markaasi islahaa Geel ayaa kaa xiga.

Maskaxdayda waxaa markiiba kusoo dhacday Deegaanka Daroor ee ismaamulka Somalida Itoobiya,intii aanan Hargaysa ka tagin ,waxa aan raadiyey cid bal aan garanaayo oo Ehelka ah,madamaa arintu Geel iyo dhul Miyaga ah ay gashay, waa saacadii ama xiligii uu sida saxa ah loogu baahnaa in Qabiilka la adeegsado.

Waxa aan soo ogaaday intii aanan wali Hargaysa ka bixin, in Deegmada Daroor galbeedkeeda uu DAAQAAYO "waa sida ay hadalka u dhigeene" Geel markaasi ay leeyihiin Raaska aan ka dhashay,waxba idinka qarin mayee ""aan farwaawayn idiinku sheego ""*ISAXAAQ CARRE".

Intaasi oo macluumaad ah markii aan si sax ah u urursaday,ayaan waxa aan raacay Gadhigii markaasi i gaynlahaa Degmada Daroor,Daroor in badan ayaan maqlay balse safarkani waa kii iigu horeeyey ee aan ku tago.

Waxa aan goor aroornimo ah aan soo gaadhay Deegaankii degmada Daroor, markii aan gaadhiga ka dhaadhacay,ayaan waxa aan sidii badawga isu dhex istaagay Daroor,waayo cid aan ka aqaana ma jirto;waxa aan sitaa oo markaasi safarkayga qayb wayn ka ah Agab/alaab ka kooban Gogol,Buste,Toosh,Tooray iwm ,waxa kaloo iyana sidii xertii dacalka ii sudhan Kitaab yar oo markaasi ka waramaaya sida salaada loo tukado,kaasi oo aan ugu talagalay in Geeljiraha aan xogtiisa hayo isla markaana aanu fooda isdari doono in aan ku wacdiyo.

Waxba yaan hadal idinku daalinine waxa aan Degmadii ka dhex helay markiiba dad badan oo i garanayo"" waa ina hebel hebal ayaa hareerayhayga ka yeedhay " sidii nimankii markaasi Sucuudiga ka iman jiray ayaa la isoo dhaweeyey,Allah Reer miyigu gobsanaa marka aad halkooda ugu tagto.

Isla habeenkiiba nin laba Lugoodla ah ayaa la igu daray,waxaan filayaa in uu ahaa Cabdi Fagadhe oo ku magac dheer (Godane) Daroor ayaanu uga baxnay jahada Galbeed, Lug ayanu u laba lugoodiney,aakhirkii waxa aanu gaadhnay goobtii uu Geelu u hoyanayey ee la magac baxday Axamaale,ninkii garanayaa wuu garanayaa.

Xiliga ama saacada aanu markaasi galnay waa Duhurkii,cadceedu aad ayay u kulushahay,sida lagu yaqaano Xerada Geela xiliyadan oo kale cidi ma joogto,marka laga reebo waxooga Nirgo ah oo markaasi dhashay oo ka yuusaaya halkii ay ku xaraysnayeen ,Nirgahaasi oo lagaba yaabo in aanay jirin cid ilaalisa,hadiiba aanu meel aan sidaasi uga durug sanayn aanu jiifin/hurdin Geeljire xalay ciyaar guday oo Milaygii hore ee saaka xerada soo gaadhay.

Gobanimada Geeljiraha,ninkii ila socda waxa uu markiiba u guntaday sidii uu Aardaaga Geela meel kamida iigu hagajinlahaa igaana diyaarin lahaa halkii aan Masalaha dhigan lahaa, markii aan arkay sida sharafta iyo karaamada leh ee uu isaga kay xilqaamay Geeljirahii aanu ehelka ahayn,ayaan waxa aan xasuusay in ay naga gobsan yihiin Geeljirahu haddii aanu nahay reer magaalka,waayo ""waa kee ninka reer magaalka ah ee nin Geeljira ah oo magalada ugu yimi sidaasi iyo si ka fiican ugu hagar baxayaa "" xaasha waxba yaan lays xasdin gobanimo waa Geeljire iyo Miyi/baadiye.

Wakhtiyar ka bacdi oo markaasi kuba dhaw saladii Makhrib ,waxa xeradii kusoo fol yeeshay Geel Ololaayo(maaha Geel gubanaaya)Ololku waa reenka iyo dareenka codka ee Geelu leeyahay xiliyada qaarkood.

Waxa iyana Yuus iyo dhawaaq bilaabay Nirgahii ,kadib markii ay Nirig kastaaba ay aragtay ama ay urisay Hashii iyada dhashay ama lagu Sidkay,isusoo wada geeyoo codadkii layaabka lahaa ee Geela kasoo baxaayey aniga wax macno ah iimay samaynayn,balse waxa aan hubaa ragga qaarkii xaaladaasi ama jawigaasi in ay dareemi lahayeen xasuus aad u farabadan.

Waxaa xeradii Geela aanu isugu wada nimi dhamaan Raggi markaasi Geela hayey ama raacayey,tooyasho ilayn Tolbaa leh,waa kuma ninkani iyo waa ina hebel ayaa ka dhacday,wali waxa aan ku suntanahay ina hebel ,oo ma jirto cid aniga markaasi si gaar ah ii garanaysaa,summada iyo taarikada laygu haybsanayaa waa tii Awawgay Aar Faarax IHN iyo Aabahay.

Geeljiraha intii aanan u sheegin ujeedada iyo arinta aan halkan u imi,waxa aad moodaa in ay iga warhayaan ,maaha in ay cidi iiga warantay sababta aan Geela usoo gaadhay,balse waxa ay ogyihiin inbadana soo martay,in ay daawo iyo deganaan ay usoo doontaan sida ay u yaqanaan reer magaal Calool Qushqushay.

Geela aan markaasi dhexjooga hadii aanan qaldanayn waxa uu ka badan yahay Laba boqol oo neef,Geela badankiisu waxa aan is odhan karaa waa mid markaasi caano leh,inkastoo aanan ku hagaagin xiligii Geela canahiisu ugu fiicnaa, hadana aniga waxa uu iila muuqday Geel laga helaayo caano Badan , balse Geeljirahu waa uu ka wabinaayey, waxaanay jeclayeen in aan xiligan aan hada imi kasoo yar-horeeyo.

Layaabka aan Xerada Geela kula kulmay waxaa ka mid ahaa,in aanay haba yaratee aanay jirin wax la cunaa,kaliya lagu nool yahay ama Geeljirahuba uu ku nool yahay Caanaha,sadaxda wakhtibana ay dhamaan ama ay cabbaan Caanahaasi,taasi oo waxoogaa aad moodo in ay aniga niyad jab igu riday,balse ragraga ayaa joogee waxa ay si kaftana ii yidhaahdeen ""ma waxa aad rabtaa oo aad wali raadinaysaa cuntadii aad ku calool qushqushtay "alay'lahe iyaba waa gar'e toodii iyo taladoodii ayaan qaatay,rag iska dhig iyo hays nacasayn ayaa la'igu guubaabiyey anna yeelay.

Intaasi waa qaabkii iyo hanaankii aan ku tegay Xerada Geela, Iminkana aan idiin soo bandhigo wixii nakala qabsaday aniga iyo cabbistii Kaadida Geela.

Waxa la iisoo lisay la iina keenay Caanahii oo Xoorka aad yaabto,waxa sidoo kale iyana la isoo hordhigay Jabcad yar ama weel markaasi lagu soo dhibqiyey Kaadidii Geela,Geeljirahu isaga ayaaba cidwalba uga aqoon badan qaabka iyo habka Kaadidan loo cabaayo iyo waliba Geel iskuma jiree kuwa ay tahay in Kaadidooda la isku daweeyo.

Qaalin laba jir ah hadii aanan Ilaw sanayn ayaa Kaadideedii lay keenay,waxa aan fikir ahaan aamin sanaa in hal Koob oo Kaadi Geel ah aan cabaayo ama aan qudhqudhiinaayo,balse nimankii Geeljiraha ahaa ee iyagu aqoonta iyo waaya'aragnimada u lahaa isku daawaynta Kaadida Geela waxa ay ii sheegeen, in halkii Dhiil ee caano ah ay haboon tahay in lagu daro qiyaastii hal Fur Cagadeed (caagadaha dawada laga cabbo)oo Kaadida Geel ah.

Intaasi markii aan Bisinka u qabtay,bilawgii horayba waxa aan dareemay iiganasoo uray Kaadidii in ay isku dhadhan iyo isku damcad ay yihiin ,Kiniinka loo yaqaano Falaajiga ama Kaabsoosha inta badan Caloosha loo cuno.

Waxa aan Geeli la joogay laba todobaad,waxa aan isu arkay in aan ahay nin Geeljiroobay,madamaa aanan labadaasi todobaad aanan arkin afkana aanan galin waxaan ahayn Caano Geel.

Maxaa iska kay badalay:

Runtii xiligaasi wax wayn ayaa iska kay badalay,calooshaydii waxa ay noqotay mid aad u fududaatay,waxa ugu horaynba iga tagay sanqadhahii iyo dareenkii aan markasta Caloosha ka maqli jiray.

Waxa iga yaraaday Wiswiskii iyo yalalugadii aan la xanuusan jiray,waxa dhamaanba iga joogsaday Matagii iyo lalabo aanan afkaba qaadi jirin iyo Casiraadii.

Waxa aan noqday qof waxbadani ay iska badaleen caafimaadkiisii,waxa nadiif noqotay isla markaana xalantay Calooshii,waxa aan aamin sanahay in 60% aan wakhtigaasi cafimaad aan ka helay cabistii iyo isku daawayntii Kaadida Geela.

Waxyaabaha aan xasuusto, idinkana aan idin baraayo waxaa ka mida,hal koob oo ah kuwa aynu Shaaha ku cabno oo Kaadida Geela ah,waxa ay Qadhaadhayn kartaa ama ay dhadhankooda badali kartaa, si dhab ahna aan u arkay, hal Foosto oo Biyo ah.

Sidaa awgeed hadiiba ay kugu soo dhacdo in aad Kaadi Geel dawo ka raadsato , waa in aad iska ilaalisaa qiyaasta aad qadanayso inta ay leeg tahay.

Waxa aan caafimaadkaasi aan wakhtigasi helay uga mahad celinayaa Ilahay SW, waxa kaloo iyana aan u mahad naqayaa Geeljirahii kalinta laxaadka leh ka qaatay soo dhawayntii Gurigooda iyo gacantoodii furnayd.

Waxa kaloo iyana aan halkan mahad balaadhan uga celinayaa,tababushahii iyo dhiirigalintii ay i siisay Xaajiyadayda Amina Cali Yusuf oo la'aanteed aanay ii suura gasheen wakhtigaasi in aan hawshaasi oo dhan aan qabto.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

1 comment: