SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Waar Khamiiskii halkeed kaga timi?

Iftiinkacusub.com: Sidiisaba Aadanahu waa mid is-rogrog badan, noloshana ku wajaha sida dabaysha oo marka dhan kaaga imanaysa; Haddi aan Ilahay Quluubtaada deganaasho iyo sugnaan aanu u yeelin halis waxa aad ugu jirtaa isbadalo aad u dhibaato badan.

Waxaa dhici karta adiga oo jidka saxa ah haysta,toobiyahuna aanu kaa khaldanayn hadana in wax ku *sul-dareeyaan,kadibna aad karkaarka waydaarato.Taasi maaha mid lala yaabo waa jidka nolosha oo aan markaliya aan lahayn sugnaasho.

Bal qisadan yaabka leh ila akhriya:-

Nin dhalinyaro ah wakhti aad u badana dhix dabaalan jiray mawjadaha nolosha ee aan fiicnayn,markastana ay qaadi jirtay jibada iyo fudaydka dhalinyaranimadu ay leedahay,ayaa idamka Ilahay waxa uu noqday mid soo hanuuna,cagta iyo cidhibtana la hela ama saara jidkii qumanaa.

Ninkaasi dhalinta yari waxa uu Ilahay garan siiyay in aanu dhinacna uga leexan ,jidka toobiyaha ah ee aan qalqalooca lahayn,waxa uu fahmay qadarka Ilahay in uu kasoo baxay god madaw oo cabsi badan,waxa uu ogaaday in uu usoo baxay Iftiin iyo Naacaw qabaw oo ay noloshiisu dareentay in badana uu la'aa.

Waxa uu ahaa ninkan dhalinta yari nin saaxiibal muqayil ah,sigaarkana daaba hadalkiisa,waxa uu la saxiib ahaa dhalin-yaro ku ibtiloowday balwada Jaad iyo Sigaarka oo ay u dheer tahay dan'laawo nimo iyo mashaqaystayaal.

Ninkii dhalinta yaraa,waxa uu go'aan saday in uu dhamaan noloshan oo dhan uu badalo,waxa uu raacay oo uu ka mid noqday wadaadada/xarakada Tabliiqa loo yaqaano,waxa uu la jaan qaaday Tabliiqii,waxa uu noqday mid maalinkasta iyo habeenkastaba xaadira kulanada iyo is-wacdiga markasta Masaajidka lagu hayo.

Ninkii dhalinta yaraa waxa uu xataa badalay nidaamkiisii dhar-xidhashada,waxa uu ku suntanaaday dharka iyo labiska ay inta badan qaataan Wadaadadu gaar ahaan Tabliiqu,waxa uu aroor iyo galaba ku labistaa Khamiis ama dhar Baakistaani,wax dhibaato ahna maaha in uu xidho waayo waa dhar ay leeyihiin dad Muslimiin ahi,Muslimkuna sidiisaba waxa dhaqan iyo caado u ah waxkasta uu fiican.

Ninkii dhalintayaraa ee Ilahay soo hanuuniyay,waxa uu isaga dab-qaaday Masaajid ilaa Masaajid,waxa uu Khuruuj ama socdaal u baxay afartan casho iyo in ka badan,sida inta badan Tabliqiiyiinta u caadada ah.

Ninkii isaga ahaa oo nuurka ka baxaayo aad yabayso , dadaal iyo yidi-diilana ugu jirta in uu mar uun noqdo sheekh ama Tabliiq wayn oo laga haybadaysto,ayaa waxa soo hujuubay Ibliis oo wada ciidankisii xooga lahaa.

Waxaa maalin maalmaha ka mida Wiilkii isaga ahaa u yimi niman ay saxiibo yihiin,kaftan iyo qosol ka bacdi waxa ay ka codsadeen in maanta oo ay Jimce ay tahay in uu waxoogaa yar la xafladaysto"calashaan la Qayilo.

Dhankasta oo ay kaga yimadaanba,inkasta oo uu aad isu adkeeyaba aakhirkii waxa uu ku tashaday in uu maanta lasoo yara qayilo isaga oo isla hadlaaya ayaa waxa uu niyada iska yidhi"Ilaahay waa danbi dhaafe ,allay leha waxyar kasoo qacsii Qaadkii maanta, kadibna halkaagi kasii wado Tabliqiyeyn-taadii,saaxibadaana maanta fadhiga kusoo wacdi".

Waxa ay saxiibadii usoo qadeen waxoogaa Jaad ah oo aan sidaasi u badnayn,madamaa wakhti aan ka badnayn ilaa laba Bilood uu qaadkii iyo hawshiisii uu ka maqan yahay,ma jecla in lagu arko goobaha Jaadka iwm lagu iibiyo,waayo waxaa looga bartay isaga oo si xawli ah u Tabliiqaynaaya dadkana wacdiinaaya.

Qaadkii lasoo qaaday,waa isaga iyo rag ay saxiibo yihiin oo ay muddo isu bohol yoobeen,saxiibadii iyagu dhankooda maanta aad ayay ugu farax san yihiin in saxiibkoodii ay kala xidhiidh furmeen uu maanta waa halkii reer Jabuutigee uu la Barjaynaayo.

Ceebiba haday taagan tahay'e ,waxa ninkii tabliiqa ahaa la fadhiisiiyay Maqaaxi ay dadku isugu yimadaan,balse maaha meel laga yaqaano ninkan isaga ah ee Tabliiqa kasoo yara goostay maanta.

Waxa uu ka xishooday in uu ku Qayilo Khamiiskii uu ku Tabliiqaynaayey,kadibna waxa uu gashaday Garan yar iyo Macawis,waxa uu jilibka u laabay Qayilaad tii u danbaysay,waxoogaa Muusig ah iyo cajalad ay Khadra Daahir ka heesaysana waa loogu tuuray,Ilayan waa nin muddo kooban hawshan iyo qaabkeedaba ka maqnaaye aad ayuu u xiiseeyay fadhigii iyo farxadii markaasi isaga uga muuqatay.

Nimanka Tabliiqa ah waxa ay caado u leeyhiin in ay goobkasta ay galaan,haday Maqaaxi tahay iyo hadii ay Guri tahayba waxa dhici karta in ay kugu soo garaacaan iyaga oo dantaada wada,doonayana in aad Masaajidka iyo Salaada u raacdo.

Ninkii dhalinta yaraa ee Tabliiqa ahaa,ayaa isaga oo Farta iyo Suulka isku garacaaya,la haystana Heesta markaasu u daaran, Takhsiintuna cirka u marayso,ayaa waxaa markaliya soo galay koox Tabliqiyiina oo doonaaya in ay wacdiyaan dhalintan makhayada fadhiya.

Naxdin iyo amakaag,waxa markaliya indha isku dhuftay dhalintii Tabliiqa ahayd iyo wadaadkii yaraa oo firdhadka ahaa ,ninkii tabliiqa markaasi watay ayaa waxa uu si yaable u eegay saxiibkisii Tabliiqa ahaa oo takhsiintu u dheertahay ,waxa kaloo uu arkay in aanu khamiisklii gashanayn ,halkii wax kale laga eegaayay ayaa waxa uu ku yidhi :

"waar mee khamiiskii" ninkii dhalinyarada ahaana waxa uu ugu jawaabay isaga oo naxsan "Sheekh Alxamdu-lilaahi dheh hadiiba aad Gadhkii iigu timi"!

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment