SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Habaarkii Martida!

Marti la eeday leyl-dhexaad timi hadduu luun ka rogi waayo: Waa casarliiq, cadceedduna godkeeda ayay baalka lasii gelaysaa. Haweenku waxay ku hawlan yihiin in aan adhiga iyo maqashu isku baxsan ama is jaqin. Wiilkii geela eegayayna dhengedda ayuu soo saaraa isaga oo ugu heesaya:

Haleel hilinnada

Hagaagsan u baydh

Yaad habaabine

Innammada roonroon midkoodna waxa loo diraa awrta oo sidii loo bartay aan meel dheer laga doonin. Qof kale oo xoolo-hunno ahna qoryo xaabo ah soo ururintooda ayaa lagu qaybshaa, iyadoo lagu dardaarayo inuu buulallooyinka ka baydho illeen waa maqaariibe. Xilligan oo kale reer miyigu waxay yidhaahdaan waa cawadaran bilowgeed, waxayna ka feejignaadaan bahal soo dhabbacda iyo tuug soo dhukusa labadaba.

Goortaas gaaban ee aan kuu sawiray, ayaa afadii reerku waxay dhanka galbeed ka maqashay bulaan iyo hugun rag. Waa bulaan soo dhowaanaya kolba. Haddii ay jeedaalisayna, saa waa wadaadkii la wada yaqaannay oo xertiisiina horkacaya. Geed aan fogeyn oo karoodka ah ayay degeen. Gogol wixii loo heli karayey iyo waxay siteenba intay seefka isugu qabteen ayay halkaa salaaddii maqrib ku oogeen. Way salaamanaqsadeen, markaasay halkoodii ku salawaadeen. Kaddibna reerkii iyo xoolahoodiiba way u nabaadiino-xidheen.

Odaygii reerka dembaabay oo goorahanba shallaadka baxaya u dhegtaagayey, markii lagu wargeliyey in Aw Hebel iyo xertiisii caawa reerka soo martiyeen, waxa uu afadiisii ku yidhi: "Naa awrtii buu doonay dheh!" Tolow ma diraac dabadheeraatay bay ahayd? …. Mooji.

Waxa dhaqanku ahaan jirey in martida habeenkaas loo loogo, hadday culimo yihiinna subaxa waa loo xidhi jirey.

Markii aasku madoobaaday ayaa kuray caano loo soo dhiibay dhankii culimada soo abbaaray. Haddii ay reerka tooydeenna, waxay weydiiyeen: ‘Aabbe ma joogaa?’ Saa wuxuu yidhi: ‘Maya, awrtii buu ku maqanyahay.’ Wadaadkii xerta watay oo halhayskiisu ahaa "DEYRAN" ayaa madaxa ruxay. Wax uu qoonsadayba, inta qub lagu yidhi oo uu buraashaddiisii afka ku gororiyey ayuu yidhi: ‘Awrtaannu kuu dirray dheh’

Ugu danbayn sheekadan oo la yaqaan wadaadkii iyo reerkii ay dhexmartay labadaba, waxa la sheegaa in ninkii reerka lahaa habeenkaa ka dambow uu dibbood noqday oo awrta la hoyan jirey, inta uu reerkiisa usoo hoydayna ay fara-ku-tiris ahayd.

Deyran!

W/Q: Shaafici Qaasim Nuur

No comments:

Post a Comment