SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ganacsade Xaaji Gaabow oo Lix Wiil ee uu dhalay maanta lagu Dilay Muqdisho duleedkeeda.

Wararka dheeraad ah aya kaasoo baxaya dil Lix wiil oo uu dhalay ganacsade lagu magacaabo Xaaji Gaaboow oo maanta barqadii ka dhacay deegaanka Calamada ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Wiilasha ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dad ka soo laabtay Aaska qof dumar ah taasoo ay qaraabo dhaw ahaayeen.

Dad ku sugnaa goobta uu falkan ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan oo gaadhi watay ay yimaadeen goobta uu Aaska ka dhacayay kaddibna halkaa ku toogteen dhalinyaradan oo sida la sheegay wada saarnaa hal gaadhi.

Mid ka mid ah dhalinyaradan la dilay ayaa la sheegay in isagoo dhaawac ah uu isku dayey in uu ka baxsado goobta hasse ahaatee kooxda weerarkan fulisay ayaa kaga daba-tagey dhulka Kenyta ah ee deegaanka Siinka dheer kadibna halkaasi ayay ku dileen.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobtaas ka baxsaday, lamana oga illaa hadda cida ay ahaayeen iyo sababta ay u laayeen Wiilasha uu dhalay ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Gaabow.

Goobta uu dilkan foosha xun ka dhacay ayaa sidoo kale la sheegay iney tahay goobtii sanado ka hor lagu weeraray laguna laayey dhakhaatiir ajnabi ah oo u dhalatay dalka Siiriya.


No comments:

Post a Comment