SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa in uu Qoslaa Qof Kasta oo Neyjeeriyaan ahi.

Bulshooyinka dunnida waxaa bedela u fikira isla markaana xaalkooda nololeed kor u soo qaada hadba masuuliyiinta hogaaminaysaa bulshooyinkaasi. Qoraalkan kooban igula wadaag, habka uu Madaxweynahaa Nigeria, Muhamaddu Buhari uga hawl galay sidii dadkiisa uu uga soo saari lahaa faqriga & aqoon la’aanta.

Bilawga ollolihiisii madaxnimo-ba Buhariga Nigeria, wuxuu yidhi waxan rabaa in aan dadkayga Nigeria ka soo saaro faqriga saamaynta xun ku yeeshay. Markii xilkaasi loo doortay wuxuu la yimid mashruuc uu ku magacaabay "A Smile for every Nigerian" – Waa in uu qoslaa Nigerian kastaa. Madaxweyne Xigeenka Nigeria ayaa dhawaan ka waramayay mashruuca oo labo sanno jirsaday.

Mashruucan waa mid lagu maal gelinayay dadka saboolka ah ee dalka Nigeria, kaddib markii ay aqoonsadeen in xanuunka Faqriga ee bulshada Nigeria haysta in aan la iska indho tiri Karin – isla markaana faqrigu yahay mid xakamaha ku sii haynaya Nigeria haddaan laga hawl galin sidii meesha looga saari lahaa.

Wuxuu mashruucani ka kooban yahay AFAR qaybood; N-Power, CCT HGSF & GEEP. Hoos ka eeg sawirada Mashruuca.

MASHRUUCA N-Power: Waa mashruuc shaqo abuur oo lagu abuurayo dhaqaale aqoon ku salaysan. Mashruuc lagu hawl gelinayo dhalinyarada Nigeria iyadoo la barayo farsamo & aqoon ay ku noqdaan kuwo xalin kara mashaakilaadka bulshada haysata & kuwo ku tartami kara suuqa adduunka.

Marka laga yimaado aqoonta, farsamada & gunnada dhalinyartaasi ay helayaan dalka waxay ku celinayaan oo waajib ah in ay wax baraan ardayda dugsiyada hoose, in ay la taliyaan beeralayda si loo dar-dar geliyo wax soo saarka beeraha & in ay bixiyaan wacyi gelin dhanka ka hortaga xanuunada ah. Ku simaha Madaxweynaha Yemi Osinbajo oo dhawaan ka hadlayay xuska sannad guurada labaad mashruucan ayaa wuxuu sheegay guulaha mashruuca; Wuxuu mashruucu hawl galiyay 200,000 oo dhalinyar ah. 175,000 dhalinyar ah oo farsamo & aqoon la hubiyay la barray oo hadda hela gunno ay ka helaan hawlaha ay qaranka u hayaan.

Sannad kan waxaa qorshe ah in 300,000 oo dhalinyar ahi ay nidaamka ku soo biiraan. Dhalinyaradaasi waxaa mid walba la siiyay Computer & tabobaro is daba jog ah oo ay ku gudan karaan waajibaad kooda. Madaxweynuhu wuxuu yidhi, wuxuu mashruucani si heer sarre ah u kordhiyay tirada ardayda dugsiyada hoose soo galaysa ee fursad u helay in wax la barro. Kaydinta xogta & wacyi gelinta ee goobaha caafimaadka ayuu kor u qaaday & beeralaydii oo helaya talooyin ku aadan falashada beeraha.

Mashruuca Conditional Cash Transfer (CCT): Waa mashruuc ay dawladdu si toos ah u maal galiso nolosha dadka ugu faqiirsan isla markaana aad ka u nugul ee bulshada ka midka ah ayaa lacaga toos ah la siiyaa oo dhan N5,000. Lacagtaasi dadka la siinayo shuruud ayay ku xidhaa dawladdu ah in ay bedelaan hab dhaqankoodii hore, sida in ay talaalo joogto ah qaataan & in caruurtoodu si joogto ah dugsiyada & goobaha waxbarasho u tagaan.

Mashruucan wuxuu illaa hadda gaadhay 26,000 oo qof oo ka kala tirsan 84 deegaan oo ka kala tirsan 9 dawlad goboleed. Madaxweyne Yemi Osinbajo wuxu sheegay in kor loo qaaday hab nololeedkii dadkii ka faaiidaystay mashruucan dhanka caafimaadka, saxada & waxbarashada caruurtooda – wuxuu sidoo kale xusay in sannad kan ay ka faaiidaysan doonnaan 400,000 oo qof.

MASHRUUCA Home Grown School Feeding (HGSF): Waa mashruuc wax lagaga qabanayo nafaqo darada & waxbarasho la’aanta caruurta dugsiyda dhigata – wuxuu cunto lacag la’aan ah siiyaa caruurta dugsiyada hoose ee dawladda ku jirta. Madaxweyne Osinbajo wuxuu sheegay in 25 Milyan oo cunto la qaybiyay dalka oo dhan, in ka badan HAL milyan oo caruurta dugsiyada hoose ee dawladda ku jirta ayaa la quudiyaa maalin kasta – wuxuu mashruucu abuuray 12,000 oo shaqo oo cunto qaybinta & maamulideeda la xidhiidha.

Madaxweyne Osinbajo wuxuu xusay in mashruucu kor usoo qaaday xaadirka ardayda ee dugsiyada & ka qayb galka waxbarashada ee ardayda. Wuxuu mashruucu suuq u abuuray beer falatada dalka Nigeria oo cuntada caruurta la siinayo laga soo iibsado, taasi oo kor u qaaday noloshii beeraladay isla markaana ku dhiiri gelisay in ay laban laabaan wax soo saarkooda. Sannadkan waxaa la kordhin doonaa tirada ardayda ka faaiidaysanaysa mashruucaasi.

MASHRUUCA The Government Enterprise & Empowerment (GEEP): Waa mashruuc daymo lagu siinayo ganacsata yar yar iyo haweenka. Waa mashruuc ku xidhan mashruuca weyn ee dalka Nigeria ka socda ee soo kabashada dhaqaalaha dalka. Osinbajo, Ku simaha madaxweynaha Nigeria ayaa sheegay in qorshuhu yahay in mashruucan ay ka faaiidaystaan 1.23 Milyan qof ka hor April 2018 ka. Laga soo bilaabo November 2016 waxaa uu mashruucan ka faaiidaystay 57,962 qof oo ka socda 28 gobol – dadkaasi 56% waa dumar helay daymihii dawladu bixinaysay.

Waxaa sidoo kale dadka lacagaha la dayminayo la barayay habka loo kobciyo ganacsiyada & hab ka loo maamulo xisaabaad ka si loogu diyaariyo sidii ay isaga soo celin lahaayeen daymahaasi. Wuu mashruucani suuro galiyay in la diiwaan galiyo 26,924 shirkadood oo ay ku xidhan yihiin 3.16 milyan qof.

Madaxweyne Buhari oo la dhacsan saamaynta barnaamijkan ayaa yidhi "Waa cad yahay hiigsigayagu, wakhti aan dheerayn waxaanu ka muujin doonnaa wajiyada dadka Nigeria qosol & rayn rayn kor u qaada noloshooda & ta dhaqaalaha dalkayagaba".

Maxaa kuu baxay boowe, rag shaqaystay.

W/Q.Cabdirashiid Ibraahim

 

No comments:

Post a Comment