SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxkamada sare ee ciidamada oo mar kale xukun dil ah ku riday askarigii dilay Wasiir Siraaji.

Muqdisho: Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa mar kale xukun dil ah ku riday Askarigii ka danbeeyay dilkii wsasiir howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya Cabaas Siraaji, kaasoo racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda Darajada koowaad ku riday 19-kii bishii June.

Axmed C/llaahi Cabdi oo 29 jir ah oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud, islamarkaana uu ahaa ninkii toogtay Wasiir Cabaas Siraaji ayay Maxkamadda sare laashay racfaankiisa, iyadoo ku xukuntay dil toogasho ah taasoo ka dhigay in ay ku raacday go’aankii hore ee maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May, kaddib markii laga toogtay gaari ay saarnaayeen Ilaalada Hanti dhowrkii Guud, waxaana dilkiisa ka dhashay buuq siyaasadeed oo ugu danbeyntii xilkiisa uu ku waayay hanta dhowrkii guud ee dowladda Dr Nuur Jimacaale oo lagu eedeeay in ay ilaaladiisu dileen wasiirka.

No comments:

Post a Comment