SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Khadra Cumar Qardaas halyeeyed loo baahan yahay in ay haweenka Somaliland ku daydaan.

Iftiinkacusub.com: Dumarku waa Laf-dhabarta nolosha Aadanaha ,waana asaasayaasha iyo kabaayasha ay ku taagan tahay Dunidan aynu ku noolnahay,waanay adag tahay la'aantood in ay nololi ay ka jirto,sidaa awadeed waxa ay u baahan yihiin Haweenkeenu in aynu dhiiri galino.

Khadra Cumar Qardaas waa gabadh u dhalatay Somaliland,waana gabadh hadh iyo habeenba u taagan takulaynta iyo tabantaabinta dadka tabalaysan ama jilicsan.Khadra Cumar waxa ay wakhti aad u badan ay nolosheeda u hurtay , sidii ay uga gacan gaysan lahayd gacan qabashada dadka baahan sida caruurta iyo haweenka.

Khadra Cumar waxa ay muddo aan lasoo koobi karin ay ka shaqaynaysa in ay mar walba ay ka fikirto sidii ay wax ugu qaban lahayd dadka iyagu aan isbixin karin dhinaca dhaqaalaha,iyada oo kaalin muglahana kasoo qaadatay Abarahii dalka ka dhacay.

Hadaba Khadri waxa ay maanta ka hirgalisay duleedka bari ee magalada Hargaysa, gaar ahaan deegaanka Beeralayda ah ee Ceel'lahelay Dugsi ay ugu talagashay in ay wax ku bartaan Caruurta deegaankaasi Ceel'lahelay oo aan hore u lahayn Dugsi kan oo kale ah.

Khadra Cumar Qardaas waxa ay sheegtay in ay dhismaha Dugsigan ay ugu talashay in ay Waqaf iyo Ilahay dartii ugu bixisay,iyada oo ula niyootay Abaheed Allah ha u naxariistee Cumar Jaamac (Qardaas) oo ka mid ahaa odayashaa iyo waxgaradkii Hargaysi ay wakhtiyada qaar ay lahayd,Ilahayna waxa aynu uga baryaynaa in camalkaa fiican ee ay la timi in uu ka aqbalo.

Deegaanka laga hirgaliyey Dugsigan Waqfiga ah ayaa dadka ku nooli waxa ay noqdeen kuwo si qalbisan usoo dhaweeya dugsigaasi loogu deeqay,Khadrana waxay Ilahay uga baryeen in uu dhaqalahii iyo khalashkii ay ku bixisay in mid ka badan Ilahay faraqa uga buuxiyo , Waalid keedii ay ula niyootayna uu noqdo ajar iyo xasaan u socda oo aan waligii ka go'in.

Khadra Cumar waxa ay madarasadan masuuliyadeeda ku wareejisay Ururka khayriga ah ee Tabantaabo ,oo isagu ah mid ka hawlgala deegaamada Sabawanaag ilaa Hargaysa.Ururkaasi Tabantaabo oo ah mid u guntaday waxqabadka iyo taakulaynta dadka baahan iyo horumarinta deegaanka Sabawanaagba.

Khadra Cumar Qardaas oo markii Dugsigaasi xadhiga laga jaraayey si gaar ah ula hadashay dadka deegaanka ku nool,ayaa waxa ay ku boorisay in ay caruurtooda wax baraan si ay hadhawna iyagana(waalidka) u anfacaan waqaf kan oo kalana ay ugu sameyaan.

Gudoomiyaha ururta Tabantaabo Mudane Xasan Koosaar Maxamed oo isagu ah masuulkii Khadar Cumar kala wareegay gacanku haynta Dugsiga,ayaa ka hadlay xafladii iyo furitaankii dugsiga ,ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ay haboon tahay in dadka deegaanku ay caruurtooda ay keenaan si wax loogu baro,isaga oo dadka deegaanka u dhashayna gaar ahaan haweenka ku booriyey in ay Khadra Cumar kaga daydaan horumarinta deegaanka.

Waxaa dadka u dhashay deegaanka iyo cidkasta oo danaynaysa in ay wax ku soo kordhiso Dugsigaasi iyo dhamaan dagmooyinka Cadaadlay iyo Sabawanaag,waxaa loo baahan yahay in ay fadhiga ka kacaan oo ay gacmaha isqabsadaan.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment