SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh : Cidkasta oo wax Takoortaba iyana waa la Takooraa!

Iftiinkacusub.com: Soomalidu tayadeeda iyo taagteeda waxa ay ku ogaatay markii dad badani ay dibadaha uga soo baxeen dalkoodii ,qofkasta iyo qabiilkasta oo wax ismoodi jiray ,markii uu yimi Qurbaha gaar ahaan Yurub ,Ameerika iyo wixii la halmaala, waxa uu noqday waxuu ahaa, waxaanu noqon waayey wixii uu ismoodaayey.

Haddii markii aynu dalkii iyo dadkeenii dhex joognay aynu isu haysanay dadka Dunida ku nool kuwa ugu Laandheeraysan, uguna sharafta iyo karaamada badan,markii qorbaha loosoo baxay waxa ay nu dad badan oo Dunida ku nooli inoo arkeen, in aynu nahay dad liita,fool xun,madoow ,aqoontooda waxbarashana ay aad u liitato,waxa taasi daliil u ah qisadan ila akhriso.

Gabadh Somaliyeed ayaa waxa ay magangalyo ka dalbatay dalka Holand,gabadhaasi markii ay dadkeedii iyo dalkeedii ay dhex joogtay waxa ay ahayd, gabadh sharaf iyo karaamo ku leh deegaankeeda,waxa aanay ahayd gabadh ay xushmeyaan isla markaana ay xaq-dhawraan odayasheedu,dhalinyaradeedu iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwani.

Gabadhii iyada ahayd ,waxa dawladii Holand ay geeysay ,goob ay ku noolaato ,lagu hayo dadka magangalyo doonka ah,waxa la siiyey Guri markaasi iyada nolosheeda oo kaliya ku filan,waxa kaloo loo qoray dhaqaale yar oo ay ku maarayn karto nolol malmeedkeeda.

Gabadhaasi iyada ahi waa gabadh Carmal/Garoob ah oo ay nin hore oo Soomali ah ay soo kala tageen.Madamaa ay gabadhu ku nooshahay xarun dad badan oo magan-galyo doon ah lagu hayo,waxa ay isbarteen nin dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dhalasho ahaan dalka Turkiga Muslimna ah.

Ilahay amarkii ninkii Turkiga ahaa iyo gabadhii Soomaliyeed ee qabka waynayd waa ay is guursadeen,waxa ay ku wada noolayeen qolkeedii yaraa ee iyada la siiyey,madamaa aanu ninkan Turkiga ahi uu yahay nin aan wadanka sharci ku lahayn,waxa uu noqday mid ay noloshiisa oo dhami ay ku tiirsan tahay gabadhaa Soomaliyeed; waxaanay isu noqdeen sidii caadadu ahayd nin iyo xaaskii.

Gabadha Soomaliyeed iyadu waxa ay u arkaysay in ay guursatay oo kaliya nin Muslim ah isla markaana gayaankeeda ah,balse may ahayn gabadh la socota ama ka warhaysa quudhsiga iyo iihaanada lagu hayo dadka ay ka midka tahay ee inta badan ka yimaada wadamada Afrika iwm.

Muddo ka bacdi ayaa dadkii ehelka u ahaa ninkii Turkiga ahaa ,ayaa waxa ay maqleen in uu inankoodii uu Guursaday naag Afrikaan ah ama sida ay hadalka udhigeen naag Madoow oo Adoon ah,kadibna waxa ay ku tashadeen in ay inankoodii raadiyaan,kana soo kaxeeyaan naagtan madaw ama afrika kasoo jeeda la sheegaayo in uu Guursaday.

Dadkaasi ehelka u ah ninkan Turkiga ah, maaha kuwo aamin san ama ay ka dhaadhacsan tahay in ay isguursan karaan ama nolol wada wadaagi karaan dadka kasoo jeeda Turkiga iyo dadka iyagu midabkoodu uu yahay madaw ee inta badan ka yimaada qaarada Afrika.

Markii ay dadkii ehelka u ahaa ninkii dhalinyarada ahaa ee Turkiga ahaa ay u yimadeen ayaa waxa ay ka codsadeen, iyaga oo aan xataa gabadhii Soomaliyeed aan salaamin ,in uu sida ugu dhakhsaha badan oo naagtan madaw u furo iyaga, oo qaarkoodna ay aamin sanyihiin in aanu jirinba meher usu qaban kara labadan qof.

Ninkii dhalinta yaraa waxa uu isku deyey in uu dadkiisa ka dhaadhiciyo in ay gabadhani ay tahay mid Muslim ah,balse waxa loogu jawaabay in aanay suura gal ahayn in uu naagtan Afrikaanka ah uu qabo ama uu lanoolaado, taasi oo ay u arkayeen in ay magacooda iyo sharaftoodaba ay ku tahay dhagxumo iyo meel ka dhac.

Waxa sidoo kale iyana goobtii ninkeeda lagula hadlayey timo oo ka hadashay gabadhii Soomaliyeed ,iyada oo ka codsatay dadkii ehelka u ahaa ninkeeda guursaday in ay iyada iyo ninkeeda isu dayaan madamaa ay yihiin labaduba dad Muslim ah sharci ahaana isu banaan,taasi oo gabi ahaanba lagu inkiray ,iyada oo la diidaayo guurka gabadhaasi madaw.

Wax badan ayuu is adkeeyey ninkii dhalinyarada ahaa,waxaanu go'aan saday in aanu gabadhan meelna uga dhaqaqayn isla markaana aanu furayn,taasi oo la odhan karo waxaa ku kalifayey oo kaliya in aanu haysan sababkale oo uu dalkan Holand ugu noolaado ,madamaa uu yehey nin aan markaasi wax sharciya aan ku lahayn wadanka uu joogo.

Dadkii ehelka u ahaa ninka Turkiga ah ,markii ay arkeen in uu diiday in uu gabadhan Madaw ka tago,waxa ay go'aan sadeen in ay iminka ka laabtan ,kadibna habeenkii labaad ayaa waxa ay sidii Tuugta uga soo dhaceen Daaqadii guriga ,kadibna waxa ay si xoog ah u kaxaysteen ninkii dhalinyarada ahaa ee iyaga ka dhashay ;ayaamo ka bacdina waxa ay u masafuriyeen wadankiisii Turkiga ,sababta ugu wayn ee ay sidaasi u yeeleena waxa ay ahayd ,iyaga oo u arkaayey in uu inankoodii ka guursaday dad aanay isguursan ama aanay is gayin.

Halkaasi ayay gabadhii Somaliyaad iyada oo aan la furin isla markaana aan la qabin ay ku nin wayday,sababta ugu wayn ee ninkeedii looga kaxaystayna waxa ay ahayd,in loo arkay in ay tahay gabadh kasoo jeeda dad markaasi iyagu ay u arkayeen in ay guurkooda ka hanwayn yihiin,mana aha wax lala yabo ,sababta oo ah ,Soomalida lafteedu dad walalahooda oo ay isku dhaqan iyo dhiigba yihiin ayay quudhsi iyo takoor ku sameeyaan,markaa ma jiro wax diidaaya in wax Quudhsade isna la Quudhsado.

Akhriste bal waxa aad iswaydiisaa ,haddii ay kugu dhici lahayd arintaasi, adiga oo isu haysta in aad tahay nin/gabadh Qabiil layaaqaano ka dhashay ama laandheera ah, maxay ayaad dareemi lahayd ,saw isumaad aragteen in aad tahay qof Muslim ah oo hadana la quudhsanaayo lagana gardaran yahay.

Hadaba Soomalidu inta aanay cidkalaba aanay gaadhin ama aanay ka dhib sheegan , quudhsiga iyo qadarin la'aanta ay kala kulmeen wadamada dibada,waxaa fiican in ay iyagu horta ay dib usugu noqoto oo ay ogaadaan in ay jiraan ,dad la dhiig ah,la deegaan ah,dhaqan iyo dhulba ay wadagaan isla markaana aan ka muuq iyo aragti duwanayn oo hadana noloshoodii dhan ay Quudhsi ku dhamaysteen.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment