SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaable: Suufi sheegay in uu helay Jab dhagax ah oo kasoo faliidhmay Xajaral Aswadka Kabcada Makka,dadkana ku wacdiyey in ay ku dawaafaan.

Iftiinkacusub.com: Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban,in badan ayaa waxa aynu maqlijirnay nimanka Suufiyada layidhaa oo hadba gad cusub lasoo baxaaya,taasi oo ay uga jeedaan in ay ku raadsadaan shilimaad yar, isla markaana ay ku baabiyaan kuna bahdilaan Diinteena Islaamka.

Wakhti badan ayaa waxa aynu ka warhaynay in dhulka ay Soomaldu degto dhamaan meelkasta, lagu siyaaran jiray sheekh iyo shariif lagu sheegi jiray in uu yahay Wali Ilahay oo soo daahiray.

Maqaamyadaasi iyo quubuurahaasi oo badan kooda looga jeeday, ku shaqaysi iyo shilin raadis,taasi oo ay dhinac socotay in dadka lagaga haleeyo Diintooda suuban ee uu Ilahay Nabi Muxamed CSW uu usoo dhiibay.

Hadaba haddii aad hore u maqashay, ama aad utaqaanay ,niman Suufiyo ah oo markaasi dadka ku wacyi galinaaya in Qabuuraha iyo qabriyada dadkii dhintay la baryo,maanta waxaa soo if-baxday Suufiyo cusub oo iyadu la timi qorshe ka duwan kuwii hore.

Suufiyadani waxa ay dadka usoo bandhigeen in ay helaan, isla markaana ay hayaan , faliidh wayn oo sida ay sheegeen kasoo faliidhmay dhagaxa Barakaysan ee yaala magalada Barakaysan ee Makka al Mukarama.

Sida wararka suufiyada laga soo xigtay uu sheegaayo,waxa dhagaxan laga helay sida ay ku waramayaan dad markaasi goobta joogay ,gobolka Gaalguduud,sida uu sheegay sheekha isagu kaartadan lasoo baxay ,ayaa waxa uu sheegay in uu helay sida uu hadalka u dhigay,dhagax uu mudaba ku raadjoogay ,sheekhan ama Suufigan oo lagu magacaabo Sheekh Shariif Dhuub.

Hadaba waraysiyadii laga qaaday sheekh Shariif Dhuub ayaa waxa uu sheegay in uu mudaba raadinaayey jabkan iyo dhagaxan kasoo faliidhmay dhagaxa wayn ee Xajaral-aswadka Makka yaala.

Sheekha ayaa waxa uu dadka deegaanka u sheegay ,gaar ahaan kuwa markaasi degan Tuulada lagu magacaabo Gabbuun,in ay dhagaxan ka baraykastaan isla markaana ay sidii kabcada ku wareegaan,isaga oo ku booriyey dadkaasi ,in ay kaga badbadaan waxa uu ugu yeedhay Abaaraha iyo dagalada markasta kusoo noqnoqda.

Suufigaasi markii la waydiiyey sida uu ku ogaaday in faliidhkani ama dhagaxani uu yahay mid kasoo faliidhmay dhagaxa wayn ee Kabcada yaalla,ayaa waxa uu ku jawaabay ,in ay arintaasi tahay mid ay iishaaradu qabatay ,wakhtigan xaadirka ahna in laga faalodaa aanay haboonayn.

Arimaha noocan ahi marka ay dhacayaan ha u malaynina in ay yihiin kuwo markaas ku eeg oo kaliya afkaarta kutidhi ku teenta ah ee suufiyada,waxa inta badan arimaha noocan ah dabada ka riixa ama sii buunbuuniya ,dadka madaxda ah ee iyagu jooga goobahaasi isla markaana aan aqoonta iyo garashada toona aan u lahayn Diinta Islaamka.

Ninkan isagu suufiga ah xiliga uu deegaankaasi ku sugnaa ,waxaa si toos ah u gacan siinaayey dadka iyagu madaxda ah ee markaasi ka tirsan maamulka ka dhisan gobolkaasi gaalguduud.

Waxyabaha iyagu layaabka leh waxaa ka mid ah, in ninkan Suufiga ah markii uu deegaankaasi soo gaadhay isla markaana uu ka dhawaajiyey arimahan khuraafaadka iyo beenta ah,ayaa waxaaba gacan siiyey dadki iyagu deegaankaasi deganaa, kuwaasi oo ugu deeqay Suufigaasi baadilka iyo xaqdarada ku samaynaaya diinta Xoolo markaasi uu dhaqdo.

Waxa kaloo uu Suufigaasi dadkii deegaankaasi ku amray in ay halkan/dhagaxan ay sanadkasta yimadaan iyaga oo danbi dhaaf iyo maqfuro ka radsanaaya,una niyoonaaya Xajkii waynaa ee Kabcada,madamaa ayuu yidhi suufigu ,aynu haysano jab Dhagax ah oo kasoo faliidhmay Kabcada dhagaxa yaala.

Waxyaabaha kale ee iyaguna layaabka leh waxaa ka mid ah in ninkaasi Suufiga ahi ,uu tuuladan uu dhagaxa ka calmaday uu ku sheegay in ay tahay xarun iyo maqaam ay awliyada ilahay dawafaan,isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay ,in aanay makaankan marnaba ka maqnaanin labada sheek ee Cabdilqaadir Jilaani iyo Sheekh Aways al-qaadiri.

Sheekhan isagu Suufiga ah ayaa intii aanu deegaanka ka anbabixin ,ayaa waxa uu goobtii ku qalay Awr,taasi oo markaasi ku sheegay Wanqashii Kabcada yar, madamaa ayuu yudhi Suufigaasi aynu haysano Faliidh Kabcada baraykaysan inooga yimi.

Arimaha noocan ahi maaha kuwo la sahashan karo,waa khataro iyo dhibaatoyin loo gaysanaayo Diinta Islaamka,waana arin u baahan in sida ay tahay looga hortago,iyada oo Suufiyada sidan oo kale u fikirayaa ay yihiin kuwo markaasi mashaariic aad u fog kusoo qaatay Burburinta Diinta Islaamka.

W/Q: Khadar Ibarim Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment