SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Afarta kooxood ee ay u qaybsamaan siyasiyiinta beesha Dhulbahante.

1. Kooxda koowaad waxaa la yidhaahdaa Asal Somaliland, waxayna aaminsan yihiin (yihiina) aasaasayaashii Somaliland ilaa bilawgii cahdiga lagu kala saxeexday magaalada Burco, waa Koox markasta ahaa faraarada Hangoolka iyo caarada Waranka Somaaliland lagu difaaco, waa koox u dhiganta dhinaca qadiyada Somaliland reer Burco iyo Boorame.

Kooxdani waa tan ugu deegaanka balaadhan SS iyo Cayn. Kooxdan iyo taageerayaashoodu waa kuwo doonaya inay ku waaraan Somaliland ilaa inta ay Xukuumada hadba jirtaa ay (haduu doono Madaxweynuhu reer Laascaanood ha ahaadee) xuquuqdooda muwaadinimo dhowrayso.

Kooxdan waxaa ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Wasiirka Arimaha Gudaha mudane Faratoon, Kornayl Mahdi Cambaashe, Xildhibaan Indho Indho, Xildhibaan Koore, kuwo qarsoon iyo qaar kaloo badan.

2. Kooxda labaad waxaa hogaaminaya Wasiirka Caafimaadka

Mudane Xaglatoosiye, waxayna Somaliland kaga mid noqdeen heshiis ay wada galeen ururkii siyaasiga ahaa ee SSC iyo xukuumadda Somaliland.Ururkani wuxuu aaminsanaa in SS iyo Cayn xoog lagu xoreeyo iyadoo aanay cadayn cidda laga xoraynayaa, waxayna aakhirkii isu bedeshey in wixii tabasho ah wada hadal lagu dhameeyo. Waxaa jirey caqabado ay kooxaha kale la qabaan oo ah is indho buuxin la’aan iyo kala qaybsanaan baahsan oo deegaanka dadka kasoo jeeda lagu ibtileeyey.

3. Kooxda Sadexaad waxaa la yidhaahdaa Khaatumo, waa mid ay taageeri jireen intii kasoo horjeesatey Nabaddii uu u holaday urur Siyaasadeedkii SSC, waxaa hogaamiya Siyaasiga caanka ah ee Cali Khaliif Galaydh.Dr Galaydh oo ilaa bilawgii Khaatumo aan markeliya loo ogolaan inuu Siyaasadiisa ka midho dhaliyo, welina ay jiraan kuwo hortaagan inuu himiladiisa ka gungaadho, wuxuu had iyo jeer tijaabiyaa Gacmo Gaboobey inuu isla helo mudacyo afkood si uu nabad iyo horumar u gaadhsiiyo deegaanka Khaatumo oo aan xuduud iyo taageerayaal cayiman lahayn.

Sadexda kooxoodba iyagoo isu arka inay kala danyihiin,hadana waxay ka simanyihiin horumar jacayl, colaad nacayb iyo sidii xuduudaha Somaliland loo dhamaystiri lahaa, waxayna wadaan iyagoo aad u kala feejigan qorshe midaysan oo malmal loogu doonayo Maska Buuhoodle ku jira. Sadexduba way isla garteen, wayna isla qaateen in Dublamaasiyad iyo Ergo aan Awood Ciidan Ka dambayni aanay taariikhda hore u shaqayn.

4. Kooxda Afraad waxaa la yidhaahdaa Difaaca Buuhoodle xitaa hadii lagu bakhtiyayo, waxayna xaqal Qaad ka helaan Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya.Waxay dan u arkaan qorshahooduna kusoo ururayaa, xasaradda ah in weli Calan buluug ahi ka taagnaado xitaa guri qudhana ha ahaadee dhulkii la odhan jirey Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Ingiriisku qofka Adeerkaa dhalo iyo Kan Eedadaa dhasho wuxuu u yaqaanaa ‘cousin’, adigu magac u bixi. Wacnaan lahaydee dadkaygoo marna dhinaca Aabaha u Abtirsada marna dhinaca Hooyada.

Waxaa la sheegayaa in budhtuurka kooxda Difaaca Buuhoodle oo xaalkiisu iminka marayo "maxaan yeelaa" aanu aaminayn Sadexda kooxood ee kale, laakiin laga yaabo haduu cid uun aaminayo inuu baastooladiisa u dhiibi lahaa Dr. Xaglatoosiye oo awelba markay Buuhoodle isku arkaan ay eedyar isweydaaranjireen.

Bashiir Tarabbi Oogle,

bogleh69@gmail.com

No comments:

Post a Comment