SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxay u dhimataa Shinidu marka ay wax qaniinto?

Iftiinkacusub.com: Marka hore Ilahay ayaa mahad balaadhan iska leh,kaasi oo ii fududeeyey in qoraalkan idiin soo gudbiyo, idina garansiiyey in aad idinkuna akhridaan.Nabadgalyo iyo naxariisi waxa ay u ahaatay Nabigeenii CSW suubanaa ee Muxamaed.

Shinidu sideedaba waxa ay ka mid tahay ,xayawaanaadka yaryar ee uu Ilahay SW uu ugu talagalay in ay munafacaad iyo wax tar ay soo galiyaan Dunida.Shinidu waxa ay ka mid tahay xayawaanka yaryar kuwooda ugu munaafacaadka badan,waxaanay inoo samaysaa Malabka oo ah shayga Dunida ugu macaan.


Naflay kasta oo Ilahay SW uu abuuray ha yaraato ama ha waynaato ,waxa ay leedahay hab iyo aqoon ay iskaga difaacdo cidkasta oo markaasi dibada kasoo weerarta,Shinudina waxa ay ka mid tahay Xayawaanka yaryar ee leh difaaca Qaniinyada aadka u kulul.

Hadaba waxa aynu in badan aragnay ,in Shinidu marka ay cid markaasi iyada cadaw ku ah ay qaniinto,in aanay wax badan sii noolaalin ee ay halkaasi iyaduna ku dhimato,arintaasi oo waxbadan aan laga aqoon waxyabaha sababaaya in ay dhimato marka ay wax qaniinto.

Hadaba waxaa baryahii danbe la ogaaday, sababta keenaysa in ay Shinidu dhimato markasta oo ay wax qaniinto,kadib markii Sawiro laga qaaday iyada oo wax qaniinaysa,lana ogaaday sababta ka danbaysa in Qaniinyada ka dib ay dhimato.

Waxa sida sawirada ka muuqata la xaqiijiyey ,in Shinidu markasta oo ay wax qaniinto,ay goobtii ay qaniintay ama daloolisay ay kaga tagto wax loo yaqaano MICI ;hadaba waxaa loo kuurgalay in Micidaasi marka ay ku muddo halkii ay la rabtay,isla markaana ay damacdo in ay kor u duusho,waxa si toos ah loo arkay in Micida ay ku moday Qofka iyo Mindhiqirkeedu ay isku xidhan yihiin,waana sababta keenaysa in markaaba ay dhimato.

Waa mucjiso Rabaani ah oo aynan ka sheekayn karin,waana wax lala yaabo oo maskaxdeena iyo garaadkeena ka wayn.Hadana iyada oo ay sidaasi tahay ,waxaa jira in wadamo badan ay isku daweeyaan Micideeda ,kuwaasi oo dadka qaba xanuunada Qalalka iwm daawo uga dhiga in ay Shinni qaniinsiyaan.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment