SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaable: Yaa doonaaya in Caruur la siiyo?

Telefishinada caalamka waxaa laga baahiyaa tartamo kala duwan ama barnaamijyo la xiriira waqti yaanasiib lagu guuleysto waxyaabo kala duwan sida lacag, Telefishin, Cumputaro, gawaari iyo waxyaabo kale laakiin in lagu baahiyo ilmo naadiyo waa mid aan horey u dhicin.

Hadaba Tv fadhigiisu yahay wadanka Pakistan ayaa bishan soo jiitan dareenka shucuubta dunida ka gadaal markii wariye ka tirsan Tv-gaasi uu barnaamijkiisa Ramadaanka ku soo bandigay ilmo la naadiyo lana doonayo waalid ilmahaasi la wareega oo koriya ama xanaaneeya.

Barnaamijka Amaan Ramadaan ee ka baxa Tv-ga Geo News ee dalka Pakistan ayaa daadihiyaha barnaamijkaasi Aamir Liaquat Hussain wuxuu ku soo bandhigay gabar la gudoonsiinayo lamaanayaasha aan awlaada laheyn iyo kuwa doonaya in ilmaha la tuuro xanaaneeyaan.

Aamir wuxuu ku soo bandhigay barnaamijkiisii baxay 14-kii bishan gabar yar oo laga keenay xarun caruurta dayacan lagu xanaaneeyo, gabadhaasi oo todobaadyo jirta ayaa dadkii fadhiyey Istuudiyaha Tv-ga iyo kuwii kale ee hawada ka daawanayey hal mar loo soo bandhigay, iyadoo Kaamirooyinka lagu qabtey.

Aamir oo dadkii fadhiyey Istuudiyaha iyo kuwa hawada kala socdey la hadlayey ayaa yiri "Gabadhan yar qof ayaa wuxuu ku tuuray caag qashinka lagu rido, bal eeg sida ay u qurux badan tahay iyo sida ay u tahay qof la dulmay".

Dadkii Istuudiyaha fadhiyey ayaa loo soo bandhigay qoyskii qaadanaya gabadhana, waliba iyadoo loo marayo hab tartan ah, tusaale ahaan Aabaha Iyo Hooyada la wareegaya ilmaha waxaa laga doonaya inay sharaxaan xaaladooda awlaad inay leeyihiin iyo in kale iyo sida ay u barbarian doonaan, waxaana ugu dambeyn ku guuleysta qoyskii ama lamaanihii soo bandhiga waxyaabo lagu siiyo ilmaha yar.

Riaz-ud-din iyo xaaskiisa oo ka mid ahaa martidii Istuudiyaha fadhiday ayaa ku guuleystey gabadhii yareyd ee sida tooska ah TV-ga loogu soo baahiyey, waxaana Riaz-ud-din isagoo aad u faraxsan uu muujiyey in uu ku guuleystay gabadhan oo ku tilmaamay "Hadiyada Ramadaanka" oo ALLE u soo diray.aman-ramzan

Riaz-ud-din isaga iyo xaaskiisa 14 sano ayay is qabeen laakiin wax awlaad ah ALLE ma siin, waxaana uu ka hadley hadalada uga yimaada dadka ee la xiriira awlaad la’aanta haysta, waxaana uu yiri " Afar iyo tobankan sano waa kuwa aad u xannuun badan, dadku had iyo goor waxay i waydiiyaan in aan sameeyo guur labaad oo aan guursado xaas kale si aan u eego in ilmo la’aantu ay xageyga tahay ama xagga xaaskeyga, laakiin arintaasi ganafka ayaan ku dhuftaa, waxaana u sheegaa xaaskeyga inay samirto".

Ilmahan waxaa xarunta Tv-ga Geo keenay Muhammad Ramzan Chhipa oo ah madaxa hay’adda Chhipa Welfare Association oo ah hay’ad daryeesha oo ururisa ilmaha la dayaco ama la tuuro, Muhammed wuxuuna sheegay inay hayaan ilmo kale oo fara badan oo u baahan in sidan oo kale loo xanaaneeyo.

"Waxaan haynaa caruur fara badan oo la dayacay, kuwaasi oo loo tagey goobaha qashinka qubka ama meelo kale oo nadaafad ahaan liita, badiyaa waxaan helnaa kuwa dhintey, waxaase fariinteydu tahay oo aan u sheegayo dadka inay ilmaha inoo keenaan oo aanay meel cidlo ah uga tagin" ayuu yiri Muhammad Ramzan Chhipa.

Boqolaal ilmo ah ayaa la tuuraa bil kasta wadanka Pakistan, halkaasi oo dhalmada ka baxan guurka si weyn looga dhaleeceeyo ayn tahay xukun dil ah oo la xiriira sinnada.

Gabdhuhu waa kuwa uga badan ee la tuuro ama la dayaco wadanka Pakistan, iyagoo qoysas badan u arkaan inay gabdhuhu yihiin qatar ama fidno dhanka dhaqaalaha iyadoo badankood shaqooyinka loo diido, isla markaana qoysasku marka gabadhoodu guur gaarto ay u ururiyaan qoyska ninka gabadha guursanaya lacag gaarayasa 10 kun oo doolar.

Inkastoo Tv-ga Geo arintan u arko inay tahay arin ku wanaagsan dhaqanka iyo diinta oo ilmo dayacan la badbaadinayo hadana qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha warbaahinta ayaa ku doodaya inay tahay arin aad u foolxun in hawada laga xayeysiisyo ilmo la doonayo in la qaato.geonews

Bina Shah oo ah qoraa fadhigeedu yahay magaalada Karachi oo ay ku taal xarunta Tv-ga Geo News waxay sheegtey inay aad ula tahay ceeb in daawadayaasha loo soo bandhigo xayeysiis ilmo la doonayo in la qaato.

"Arintan waxay u muuqanaysa in wax kasta laga leeyahay dano dhaqaale, oo lagu doonayo in lagu soo jiito daawadayaal, xitaa diinta ayaa lala galay, ilmo la tuuray oo hawada Tv-ga laga baahinayo waa tan ugu xun ee lidiga ku ah qaanuunka saxaafada, ayaan filayaa" ayey tiri Bina hah.

Muuqaalka barnaamijkii Tv-ga ee ilmaha yar lagu naadiyey iyo sidii xaalku ahaa markii la soo bandhigay ilmihii oo la sido Link-ga hoose riix ama hoos ka daawo.

W/D: Maxamed-Qadar Isxaaq


 

No comments:

Post a Comment