SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab le: Ma jecli Aabo in laba Nin anoo qaawan jidhkayga ay arkaan!

Iftiinkacusub.com: Somalidu dhaqan ayey soo lahaan jirtay ,dhaqankaasi marka laga eego dhinaca dumarka iyo ixtiraamka loo haynjiray waxa uu ahaa badan-kiisu mid xishood iyo ixtiraam ku dheehan yahay.

Sidiisaba dhaqan waxa layidhaa dabeecad iyo qaab nololeed ay dad meel wada degeni ay samaystaan,haday tahay dhar xidhashada iyo haddii ay tahay qaabkasta oo loo noolaado dhamaantood.

Madamaa uu dhaqankuba uu yahay wax ka samaysma dabeecadaha iyo nolosha Adanaha meel wada yaala,waxa aad halkaasi ka garanaysaa in aanu marnaba noqonayn sidii ugu fiicnayd ee ay bulsho u nolaan lahayd.

Diimahu waxa kaliya oo ay usoo degaan waxa ay tahay in ay hagajiyaan dhaqan iyo caado ay bulsha ay leedahay isla markaana wixii dhaqan ah ee fiican ee ay leeyhiina ay u dayso wixii kalana ay u keento wax loogu badalo.

Waxyaabaha kale ee Ilahay Diimaha usoo dejiyo ayaa waxaa ka mida in dhamaan Dunida oo dhan laga wada dhigo hal dhaqan oo kaliya oo ah ka u wanaagsan ee uu Ilahay u dooray Rusushana loogu soo dhiibay.

Hadaba Somalidu dhaqamii aadka u fiicnaa ee ay lahayd waxa ka mid ahaa ixtiraamka iyo xishoodka inta badan loo hayey Dumarka,taasi oo la odhan karo waxa ay ahayd dhaqan aad u asluub badan.

Qisadan Ila akhriso:

Wakhti iminka laga joogo ugu yaraan laba qarni,ayaa waxa jiray Gabadh Soomaliyeed oo meel cidla ah Adhi ku raacaysa sidii inoo caadada ahayd ,sida lagu yaqaano caruurta Adhiga raacda marka ay Ciirta dhamaan/cabbaan waxaa qabata Hurdo/Lulmo, kadibna waxa ay hoos galaan oo ay seexdaan dhirka hoosteeda.

Gabadhii yarayd oo seexatay meel adhigeeda ka durugsan geed ku yaala,ayaa waxaa si lama filaana ugu yimi Libaax Dad qaad ah kadibna Inantii yarayd ayuu qaatay oo la tegay,intii aanu meel fogba la gaadhin isla markaana uu la xuluushay(galay) Geed wayn oo jiq ah(isku-cufan)hoostiisa ,ayaa waxa Qayladeedii maqlay nin Geel jire ah oo dariiqa maraayay,kadibna Xabad ayuu ku riday Libaaxi ,waaxaanu ka riday inantii yarayd ee uu sitay , nasiib wanaag dhinacaa Bawdada oo kaliya ayay dhaawac sahlan ka qabtaa kadib markii uu Libaaxu Ilkahiisa ku qabtay .

Ninkii Geel-jiraha ahaa waxa uu isasoo kor istaagay inantii yarayd oo aan markaasi wax Maro ah ama dhar ah aan jidhkeeda lagu ogayn,wixii ay xidhnaydka ay kala hadheen dhirtii uu la hoos galay Libaaxo,waxa uu huwiyay labadii maro ee uu sitay mid ka mida,waxa uu sida dhaqanka Somalidu ahaa wakhtigaasi daawo iyo dhiig joojin uu uga dhigay dhirtii ku taalay meesha ee uu Daawada u yaqaanay,kadibna tunka ayuu usoo ritay inantii yarayd waxaanu keenay gurigoodii oo laga barooranaayo.

Waxa uu reerkii gudoonsiiyay gabadhii yarayd ee dhaawac sahlan qabta,sida inoo cadada ah markiiba waa la is-hayb saday,waxa la ogaaday ninku qolada uu yahay iyo cida uu kasoo jeedo,fadhi yar iyo iswaraysi ka bacdi waxa uu ahaa nin danlehe Kabaha ayuu ka Iladay,waxaanu ku foofay dantisii.

Sheekada macaankeedu hadda ayuu bilaabmayaa:

Inantii yarayd waxa ay noqotay gashaanti,waxa ay noqotay kaalin qaad,muddo ka bacdina Abaheed ayaa waxa uu damcay in uu siiyo una guuriyo nin dhalin yaro ah oo ay Ilmadeer yihiin .

Markii Abaheed uu arintaasi guurka usoo bandhigay,ayaa waxa ay Abaheed ku tidhi hadalka dhaxalgalka ah ee sheekadeenana ugu muhiimsan"" Aabo aniga halnin ayaa i arkay aniga oo qaawan oo aan maryo xidhnayn,taas awadeed marabo in nin labaadna uu i arko aniga oo qaawan oo wax maro ah aan la igu ogayn,sidaa awadeed aabo waxa aan kugula talin lahaa in aad ii doonto iina Guuriso ninkii Libaaxa barigii iga riday,kaasi oo aabo i arkay aniga oo qaawan isla markaana aan maro xidhnayn"".

Abihii inanta yar dhalay waa uu yaabay,waxa uu arkay garaadka iyo caqliga ku jira inantan yar iyo sida ay uga xishoonayso in uu jidhkeeda iyo cawradeeda ay arkaan laba Nin,taas awadeedna abihii waxa uu go'aan saday in uu ninkii oo uu haybtiisa/Qabiilkiisa yaqaano uu raadiyo si uu u fuliyo rabitaanka iyo doorashada Inanta yar ee uu dhalay, una baajiyo guurkii inanka uu adeerka u yahay.

Odaygii inanta dhalay waxa uu safar dheer u galay halka ay yalaan reerka uu ka dhashay ninka ay inantiisu calmatay,kadibna waxa uu helay reerkii iyo odayashii uu ka dhashay wiilka uu inanta la doonayaa ,waxa kaloo uu la kulmay nasiib wanaag inankii oo isagu laftiisu wali aan guursan,waxa uu u bandhigay qisadii iyo waxa ku kalifay in uu masafada intaasi leeg uu soo galo,waxa uu uga sheekeeyay hadaladii dhex maray isaga iyo inantiisa .

Dhaqan iyo ixtiraamkii wakhtigaasi Somalida dhexyaalay waxa uu sababay, in ay labadii reer ay isu dhiseen isuna guuriyeen Wiilka iyo Gabadhii.

Akhrise sheekada idiinkumaan soo gudbin in aan idiinka sheekeeyo ,gabadh libaax la tegay iwm,sidii dhici jirtay wayadii hore,balse ujeedka ugu wayn ee igu kalifay in aan sheekadan kooban idiin soo qoro ayaa waxa ay tahay,faa'idada iyo nuxurka ku jira gabadha yar ee diiday kana xishootay in ay jidh keeda arkaan laba nin,taasina ay sababtay in ay Aabaheed ka codsato in uu u guuriyo una raadiyo ninkii Libaaxa kasoo riday oo ahaa ninkii u horeeyay ee jidhkeeda u arkay sida kadisada ah .

Waxa kaloo iyana sheekada laga faa'idaysan karaa,aragtida ay gabdhu sheegayso in jidhkeeda uu ninkaasi arkay iyada oo qaawan,waxa ay ahayd xilli ay dhaawacan tahay oo aanay isba ogayn ama aanay haysanba maro ay isku asturto.

Waxa kaloo iyana aynu sheekada ka faa'idaysanaynaa,in ninkan danbe ee ay ilmadeerka yihiin sababta ay guurkiisa u baajisay uu yahay in uu laba ku noqdo ninkii hore ee iyada oo qaawan Libaaxa ka riday.

Iskusoo wada duuboo ,labada xaalo ee ay gabadhini qaawanaan in lagu arko ay ka xishoonaysaa labaduba waa laba arimood oo sharci ah,mida hore waxa ay wali la xishood san yahay in uu qawanaan uu ku arkay nin nafteeda badbaadinaayay,iyada oo ay dhiciba karto in aanu qaawanaanteeda ninkii Geeljeraha ahaa aanu dareen sanaynba xaalada markaasi jirtay awadeed,mida labaad ee ay Inadeerkeed ku diidayna waa qawanaan iyo Guur xalaal ah(qawanaan xalaal ah).

Hadaba gabadha laba arimood oo labaduba daruuri yihiin xishoodka ka muujisay,maxay ayaad u malaynaysaa in ay ku dhici karto xumaan ay u badheedho,Ilahay waxaan ka baryaynaa in gabdhaha inoo soo hanuuniyo inoona hagaajiyo Ragana uu ka dhigo kuwii ilaaliya sharafta Dumarkooda.

Xishoodku waa sharaf iyo karaama Ilahay jecel yahay,waxa aan Ilahay ka baryaynaa in uu inaga dhigo kuwo ilaaliya sharafta iyo karaamada ay leeyhiin amiin.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment