SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Midabka iyo noocyada fardaha

Fardahu waxa ay wakhtiyada qaar kaalin laxaadleh kaga jireen,hawl maalmeedka iyo dhaqashada waxyaabaha ay Soomalidu ku faani jirtay ,waxaanay ku jireen kuwa ugu haldoorsan.

Faras= waa faraska lab

Geenyo= waa faraska dhedig

Dinix: dhasha yar Darmaan= waa faras yar oon wali qaangaadhin.

Sange= faras lab oo ay isu-gaadhay

Sunnaari=nooc ka mida noocyada fardaha ugu wanaagsan.

Danan= waa cida fardaha

Wegen= waxa la isku yidhaahdaa 100ka faras,halka boqolka geela ah laga yidhaa: kadin, adhigana tiro.

Qaaje=waa faraska cad

Qaatimayn= waa dur-durada fardaha.

Leedo-fuul= waa marka faraska la fuulo isaga oon wadan qalabkii fuulimaadka.

Magaan= faras gaabiya

Nuuxayn= orodka tax-taxaashka ah ee fardaha.

Ashir= nooc ka mida midabka fardaha oo isugu jira dhawr midab.

Kacdin= waa amba qaadka orodka faraska ilaa inta uu ka daalayo.

Xamar= waa midabka cas ee fardaha.

Caynab= waa midabka madow ee fardaha.

Kadle= orod ka mida orodka faraska kaasoo ah mid aan xawli ahayn.

Kaytin= orod xawli ah.

Hardaf= jaad ka mida orodka fardaha.

Baroor= waa nooca ugu wanaagsan uguna orodka dheer fardaha, had iyo jeerna waxa uu diilin cad ku leeyahay sanqaroorka.

Fardo- fuul= waa ninka aqoonta fiican uleh fuulimaadka fardaha.

Shiil= midab fardeed oo ah madow ifaya.

Baqal= dhasha ay iska dhalaan fardaha iyo dameeruhu.

Diyaarin: sakariye yuusuf cigaal.

No comments:

Post a Comment