SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Miyaa la Inqilaabay shirkii Somaliland iyo Khaatumo u dhaxeeyay.

Iftiinkacusub.com:Waxa aynu si mugleh uga wada dharag sanahay in mudaba uu socday shirar la doonayo in la isugu soo dhaweeyo Dawlada Somaliland iyo Khaatumo oo uu madax ka yahay Mudane Cali Khaliif Galaydh.


Hadaba shirarkaasi waxa ay ahayeen kuwo ku taagan markasta habkii iyo hanaankii loogu talagalay,iyaga oo markasta madaxda shirar kaasi waday ay ahayeen kuwo la kulmaayay turun turooyin aad u farabadan.

Khaatumo oo uu madax u yahay Cali Khaliif ayaa waxa aad dareemaysay in markasta ay ku imanayaan xagal-daac iyo dhabar jabin kaga imanaysa Beesha uu yahay oo iyadu aad ugu kala qaybsan dhinaca siyaasada.

Hadaba waxa aad moodaa iminka in hadana ay xagal-daac badani uu kusoo fool leeyahay shirarkii iyaga ahaa kadib markii maanta si lama filaan ah Idacadaha looga maqlay in dib loo dhigay shirkii lagu balan sanaa 10 bishan julay in lagu qabto magalada Burco.

Sabab cad oo shir kaasi dib loogu dhigaayo lama sheegin,marka laga reebo Somaliland oo waxoogaa canaan ah dusha uga tuurtay qolyaha Khaatumo,iyaga oo ku sheegaaya in ay faham qaldan ka qateen qaabka iyo habka uu noqonaayo shirka Burco,balse sheekadu intaasi ka wayn.

Hadaba markii saaka la maqlay khudbadahii iyo hadaladii kasoo yeedhay dawlada Somaliland iyo iyaga oo aan ujeedo cad ka bixin sababta shirka Burco u baaqday,ayaa waxa la is odhan karaa waxaa soo muuqda xagal daac iyo is fahamwaa soo kala dhex galay madaxdii hore u matalaysay Beesha Dhulbahante oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo qaban qaabiyayaashi shirka.

Waxaa meesha ka muuqda in shirkii Burco ay beesha Dhulbahante ee khaatumo taabacsan iyo beelaha aadka u balaadhan ee iyaguna horaba Somaliland ku midaysnaa in ay isku afgaran wayeen in shirka burco uu noqdo mid u gaar ah kooxda Khaatumo.

Waxa aad dareemaysaa in ay muuqato Inqilaab lagu samaynaayo shirkii ay sida gaarka ah u wateen Cali Khaliif iyo kooxdiiso,waxaana si aad ah u muuqata in kooxaga kasoo herjeeda Cali Khaliif ee iyaguna ku abtirsada Dhulbahante in ay rabaan in shirka Burco aanu noqon mid ay ku magac raadsadaan kooxda Cali Khaliif ee khaatumo.

Waxyabaha kale ee iyagu laftoodu ku tusunaaya qaabka shirka dib loogu dhigay ayaa waxa ay noqon karaan in Somaliland lafteedu ay ciyaarayso laba Kaadh oo ah mid Cali Khaliif iyo Khaatumo lagu soo xero-galinaayo iyo mid Dhulbahantaha kale ee aan Khaatumo ahayn mucaaradkana ku ah Somaliland loogu gogol xaadhaayo;somaliland waxa ay doonaysaa in laba shinbirood ay dhagax ku wada disho.

Runtii waa ay adgaan kartaa in labadaasi qolo la is waafajiyo,sababta oo ah Cali Khaliif iyo Khaatumo waxa ay ahayeen kuwo wakhti badan iyo dadaal aad u badan kusoo bixiyay ka qayb noqoshada Somaliland,balse hada waxa aad moodaa in kooxo kale ay ka dhex bilabeen siyaasad odhanaysa ,Khaatumo ama Cali Khaliif maaha kuwo kaligood matala Dhulbahante.

Mushkilada kale ee deegaanka Dhulbahante ka jirta ayaa waxa ay tahay ,kala fogaanshaha iyo tafararuqa siyasadeed oo ah midka markasta xagaldaaca ku samaynaaya shirarka uu Cali Khaliif kula jiro Somaliland.

Hadaba arimahaasi ma noqon karaan kuwo dib dhiga ama gabahaanba burburiya shirkii sida gaarka ah khaatumo loola furay,masa dhici kartaa in xagaldaaca shirkaasi ku yimadaa uu keeni kara kala fogaansho siyasadeed .

Hadaba su'aalaha iswaydiinta lihi waxa ay yihiin :

1.Cali Khaliif Galaydh iyo madaxdiisa Khaatumo ma yeeli doonaan oo ma aqbali doonaan in shirka Burco lagu qaban doono 24 bishan in uu noqdo shir aan si dhab ah uga turjumayn dadaalkii ay reer Khaatumo sida gaar ah u wateen,iyada oo ay muuqato in shirkii si xoogleh ay baawar ugu yelanayaan wasiradii Somaliland ee ku abtirsanaayey Dhulbahante.

2.Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo ma aqbali doonaan oo ma yeeli doonaan xaataa hadii shirkaasi Burco halku dhigiisa laga dhigo mid ay ku heshiyeen Dhulbahante iyo Somaliland,iyaga oo meesha laga saaraayo Magaca Khaatumo.

3.Somaliland ma aqbali doontaa in ay shirkaasi ay mudada lasoo wadeen Khaatumo in ay uga faa'idaysato midnimo Dhulbahante madaamaa si cad ay uu muuqato in aanu Cali Khaliif Dhulbahante wada matali karin.

4.Wasiirada iyo madaxda Dhulbahante ee Somaliland ka midka ahi isla markaana qabaa'ilka Dhulbahante ee ay kasoo kala jeedaan ay si mugleh u taageer san yihiin Somaliland,ma dhici kartaa in ay aqbalaan oo ay yelaan in shirka Burco loogu wan-qalo heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland,iyada oo Wasiirka arimaha Gudahu uu si cad u sheegay in Khaatumo ay tahay mid matasha dad aad u tirayar ama Afraad kooban sida uu hadalka u dhigay.

5.Ma dhici kartaa in arimahan hada soo baxay ay horseed ka noqdaan kala fogaansho horleh oo soo kala dhex gala Khaatumo iyo Somaliland,madamaa shirkii lagu balamay aad moodo in awoodiisii gacanta loo galinaayo Wasiiradii iyagu Somaliland ka tirsanaa beel ahaana kasoo jeeday Dhulbahante.

Hadaba guntii iyo gaba-gabadii waxaa soo baxaaya in garabyadii Dhulbahante ee Siyasada Somaliland tabaacsanaa in ay si mugleh awood buuxda ugu yeesheen in ay maamulaan shirkii Khaatumo iyo Somaliland ka dhexeeyay,wakhtigan xaadirka ahna ay u min-guuriyaan in ay shirkaasi ka dhigaan mid ay ugu magacdaraan Somaliland oo soo dhamaystirtay heshiiskii ay Dhulbahante la gashay iyaga oo la dagalamaaya Cali Khaliif iyo magaca Khaatumo.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusob.com

1 comment:

  1. Wada hadalka Khaatumo marka horeba si qaldan ayaa loo waday. Cali khaliif marna wada hadalkan daacad kama ahayn. Wuxuu doonayay kaliya aqoonsi Khaatumo oo Somaliland qirto si uu Xamar uugu tago gorgortan ah in loo aqoonsado dawlad goboleed ka mid ah federaalka Somaliya. Wuuna isku dayoo rag isaga ka socda ayuu u diray Xamar. Illaa imikase midho ma dhalin iyadoo laga baqay in Somaliland xoog milateri ku qabsato tuulada yar ee Buuhoodle ee badh ahaan Khaatumo ka taliso.
    Bal u fiirso shirkii jaraaid ee Hargaysa lagu qabtay: Somaliland iyo Khaatumo iyagoo is ag fadhiya ayay haddana laba qowl oo kala duwan ku kala hadlayaan.

    ReplyDelete