SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faallo: Distoorka Soomaliya wakhti intee leeg ayuu u dabranaanayaa Somaliland.

Iftiinkacusub.com: Somaliland waxa ay bilawgii sanadkii 1991 kaga dhawaaqday magalada Burco in ay Somaliya inteeda kale ay ka go'day,isla markaana ay tahay dawlad ka madax banaan wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaliya.

Somaliland inkastoo aanay wali helin aqoonsi siyasadeed oo wax ku ool ah ,hadana waxa ay Somaliland Dunidu kula dhaqantaa sidii dawlad ka madaxbanaan Soomaliya,waana mida keentay in Somaliland ay wakhtigan xaadirka ah ay gaadho guulo iyo horumar la-taaban karo.

Somaliya waxa ay markasta Foolataa ama ay siyaasad ahaan abuurtaa ,caqabadahii iyo mushkiladahii sii fogaynaayey sidii ay iyadu Dunida uga mid noqon lahayd, caqabadahaasi oo ka yimaada awooda dawlad nimada Somaliya oo ah mid aan gacanta ugu jirin madaxda dalka ka talisa.

Hadaba horaantii bishii 7-aad ee sanadkan 2017, ayaa waxa gudida Dastuurka Somaliya ay ka wada hadleen sidii loo ansixin lahaa Dastuur loo dhan yahay oo ay Somaliya wada yeelato,madama wakhti ku dhaw 25 sano ay suuragal noqon wayday in Somaliya uu ka hirgalo dastuur ay dadku gacmahooda ugu codeeyaan.

Iyada oo laga duulaayo, habsankaasi faraha badan ee Soomaliya kasoo qabsaday xiliyadii ay soo mareen dawladahii aan taagta badan lahayni,ayaa waxa sidii u caadada ahayd ay ka fikirayaan dawlada hada timi ,in ay diyariyaan sidii Somaliya u yeelan lahayd dastuur qofkastaaba uu gacantiisa ugu codeeyo oo Somalilana ay ka mid tahay.

Afti qaran oo loo qaado dastuurka Somaliya ,ayaa waxa la odhan karaa wa mid ay ku gadaaman yihiin caqabado iyo culaysyo ka imankara gudaha dalka iyo dibadiisaba , waana mida keenaysa in aanay marnaba suuragal noqonayn in Soomaliya laga qaban-qaabiyo afti Distoor oo loo dhan yahay.

Hadaba iyada oo ay jiraan caqabadahaasi aadka u faraha badan,ayaa waxa kaloo ay culays labaad uu ka iman karaa Somaliland, oo iyadu hore ugu dhawaaqday in ay Somaliya inteedii kale ka baxday,sida wakhtigan xaadirka ah muuqatana ay adag tahay in ay go'aankeedaasi ay ka noqoto.

Hadaba Somaliya wakhti intee leeg ayay Somaliland u dabrananaysaa,Somalilandse ma tahay mid iyadu u diyaar ah in ay Somaliya dib ula midawdo,arimahaasi waa kuwo culayskooda leh,waana arimaha loo baahan yahay in sida saxa ah looga doodo.

Sida laga soo xiganaayo siyaasiyiin fara badan oo Somaliya ka tirsan ,kuwaasi oo aragti ahaan ku doodaaya, in ay adag tahay in Distuurka Somaliya aan lagu xidhin Somaliland,iyaga oo xaalada maanta jirta wax ku qiimaynaaya,waxa iyaguna kudoodaaya dhankooda, siyasiyiin kale oo leh,Somaliland oo laga reebo aftida distoorka qaran ,waxa ay la mid tahay aqoonsi Somaliland la siiyey.

Kaba-sooqaad in Somaliya ansixinta Distoorka ay ku xidho soo noqoshada Somaliland,Somaliland-na ay ku adkaysato in Somaliya aanay dib ula midoobin,taasi ma keeni kartaa in burbur siyasadeed iyo isqabsi horlahi in uu ka bilaabmo Somaliya gudaheeda,Somaliye se wakhti intee leeh ayay ku jiri kartaa Distoorkan kumeel gaadhka ah ee aan dhamyska tirnayn.

Somaliya laba daran-mid dooro ayaa u taala:

1. In ay ansixinta iyo sharciyeynta Distoorka Somaliya ay ku xidhaan rajo Somaliland oo soomaliya ka mid noqota marlabaad,taasi oo aanay garanayn wakhtiga ay qaadanayso,ay dhici kartana in aanay suuraba galin in ay Somaliland ay Somaliya marnaba dib ula midoobin .

Hadii ay arintu sidaasi noqoto,Somaliland-na ay ku adkaysato gosashadeeda, Somaliya ma u dabrananaysaa , hadiiba ay Somaliya go'aansato in Somaliland oo soo noqota mooyaane aan wax Distoora oo dhamaystiran aan Somaliya loo samaynin,taasi saw caqabad kuma noqon karto, maamul goboleedyadii kale ee iyagu rabay in ay dadkooda u muujiyaan wax qabad iyo horumar.

2. Hadii dawlada Somaliya iyo maamul goboleedyadeedu ay isku afgartaan ,in ay ka maarmaan in ay Somaliland ka qayb qaadato ansixinta iyo meelmarinta Distoorka cusub,taasi ma la odhan karaa Somaliland waxa ay u yahay Aqoonsi dadban oo ay dawlada Somaliya siisay,waana mida ay dhici karto in ay waxbadan ka doodaan madaxda dalka Somaliya.

Somaliya xiliyo badan oo lagu guda jiray doorashooyinka dalka Somaliya ka qabsoomay ,waxa ay inta badan Somaliland ka heli jireen dad iyagu aaminsan midnimada Somaliya,waana mida markasta Dawlada Somaliya u sahli jirtay in ay Aduun waynaha u tusaan in Somaliland ay Somaliya ka mid tahay.

Hadaba wakhtigan xaadirka ah ee laga fikiraayo in Somaliya loo sameeyo dastuur dhaxal gal ah iyada oo laga baxaayo midkii kumeel gaadhka ahaa, ayaa waxa dawlada Muqdisho ku adkaanaysa in ay Somaliland ka dhaqan galiso afti Distoor ;waana mida fashilka iyo ceebaynta ku noqonaysa dawlada Muqdisho.

Waxaa dhici karta in dawlada Muqdisho,ay ka fikirto in Somaliland qaybo ka mida, in ay rabshado iyo dagaalo ka abuurto,kadibna qaskaasi iyo qalalasahaasi ay ugu faa'idaysato dano badan oo ay ka leedahay,taasi oo Aduunwaynaha oo dhami uu ka warhayo.

Somaliya waxa ay dhawaan wajihi doontaa caqabado siyasadeed iyo kuwo sharci ,oo kaga iman doona Dastuurka ay ka fikirayaan in ay dhawaan hirgaliyaan,waxaana beenoobi doonta in Somaliland ay ka mid tahay Somaliya,taasi oo ku keeni doonta dawlada Muqdisho fashil aanay kasoo waaqsan.

Dadka qaar siyaasada Somaliya u dhuun daloola ayaa waxa ay yidhaahdaan,Somaliya waxaa ku adkaan doonta in ay afti sax ah ay ka qabtaan dhulka ay u taliyaan ,sababta oo ah: wali dunida laguma arag Dawlad aan ciidan lahayn, dhaqaale haysan,awoodeedee ku eegtahay magaalo madaxdii oo kaliya ,in ay hirgaliso afti Distoor waa mid aad u adag.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment