SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cabdi Idaan Faarax IHN waxa uu yidhi:Shan Soomali oo wada socdoo Calan ku sheekaysa

Gabaygani Shiinley waxa uu bilaabay, markii ay joogsatay Silsiladii la magac baxday ’’ Siinley’’ kadib markii dawladii Kacaanku ay u aragtay in ay Siinley ay tahay mid iyada loola danleeyahay , taasi oo marka sida xaqiiqda ah la eego aan ahayn.

Cabdi Iidaan isaga oo Aftahanadiisa adeeg sanaaya ,ayaa waxa uu gabaygan Shiinlay ku bilaabay ama uu hal-qabsi uga dhigay ,erayga Shibanaha ah ee SH(shiinka) eraygaasi oo uu ku doortay,kadib markii ay Silsiladii Siinlayda ay soo galeen ama ay Gabay-lamood ka tiriyeen, dad aan markaasi ehel u ahayn ,habka iyo hanaanka loo gabyo,Abwaankuna uu u arkaayey in aanay dadkani ahayn kuwo isaga la mustawa ah.

Erayga SH ama Shiinka,oo marka afka Somaliga la eego, ay adag tahay sida loogu Gabyaa,ayaa Abwaanku waxa uu u doortay in uu ku xakameeyo kuna horjoogasado ,dadkii uu isagu markaasi u arkaayey in ay yihiin ,kuwo aan si sax ah u faham sanayn heerka iyo ujeedada laga gabyaayo,amaba silsilada usoo galay in ay kusoo caabaxaan.

Waxa uu yidhi :-

Kolkii Midhayarii wada shuq yidhi shidantay Deelley’e

Shinbir-Dharabtu meel Aar fadhiyo shuuqa kama deynne

Sha’diibaan hayaanka u rarnay iyo shaanbis geeddiga’e

Shaabuugga nadigaa tix-yare sheexa ka lahaanne

 

Affarrey ha lala soo shirtago Shoolla Booliyahe

Halkaasaa Sengaha noo sharraxan shaalka loo sudhaye

Shafshafaha duxda ah leefihii cid u shaqaynaayey

 

Iyo SHurunshur malaggiisu galay haysa soo shubo’e

Shilmaqabe tixdaan Gaarriyoow shiinka ka asteeyey

Ama Geenyadaan xalay shirrabay shalaw abraarkeeda

Meeshaan Shakamaddawgu xidhay sheeg haddaad garato

 

Shafarta iyo dabaylaha jiraa shaamareerka lehe

Shifo waxan lahaynoo la cuno sheeg haddaad garato

Shubaal quruxsan Gaawaha shaxshaxa Shuqul gobaadeedka

Shinni dhagax sideedii markuu noogu shiro geelu

Sharaan duhurki sharad kuugu galay, Laaska shacabkaasa

Inaan maantadani kuugu shubo ee shifo u hooda

Markay shaaxin ugu heesayaan kama shiddoodaane

Sharba uga ducee inaanu helin shil iyo qayrkiiye

Misana Sheekhyadii iyo u qabay Weliyo sheellaaye

Misna sharax Kitaab kama akhriyin Shed ay ku yaallaane

Waxa badawgu SHa’allaah u yidhi sheeg haddaad garato.

 

Shibba waxa dibnii looga dhigay shar iyo khayr daayey

Abwaan wuxu murtidi uga shakiyey sheeg haddaad garato.

 

Runtii shimiqda waxa looga dhigay una shareernaatay

Ee ay beentu shaaraca ku timi sheeg haddaad garato.

 

Shirkii lagu ballamay faalladii shaaca laga qaaday

Shalmadi Koore raacdoo waxbaan sheedda ka arkaaye

Shishe u aragnay haasaawihii shaadirka lahaaye

Shaf-dhiggiisu meeshuu hirdiyey sheeg haddaad garato.

 

Belaayada shinkeed galay fidmada laga shaqaynaayo

Shoocaalligeedaa hirmacay waase sheen ga’anne

Halka shalaxda lala maaggan yahay sheeg haddaad garato.

 

Cadceedduba Dayaxa shiiqiisee waana laba shay’e

Wuxu Shamacba taaggii u huray sheeg haddaad garato.

 

Shafartii qabiilkiyo Wiglada lagu shanlaynaayo

Waxa qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaasheeyey

Duqdii oo Shakaalkii qabriga iyo shebeggi hayn waayey

Shaaruba Libaax iyo hadday Shaadh ammaan tolatay

Sharcigi lagu qaban lahaa meelu jiro sheeg haddaad garato.

 

Ninku kibirku shaanshaan ka ridey waaya shaxartaanye

Misna waxanu sheekada ku darin shiishka soo maqane

Inta Shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato.

 

Shif u dhimo nin ragi waa geyaa sharafna nooloow’e

Waxay Sharadi meesheed u tahay sheeg haddaad garato.

 

Shilalka lagu qal neefkii la cuni Shidhada xoolaaye

Shanqadhiyo Shariiryaha digsiga shagagaxdii weelka

Sidii Wananka loo kala shishlaa Shiillimaad noqoye

Shansho kama dhadhamin reerku waa shey cajaa’ibahe

Waxay sheeka-baraleeydu tahay sheeg haddaad garato.

 

 

Shabeelkiyo Orgigu waa heshiis Shiibba dhega yaabka

Shilalkay isugu dhuumatay ee nabaddu shuuxshuuxa

Shullo maran la dhigaybaa jirtee sheeg haddaad garato.

 

Shaxda niman aqoon lama degeen mana shu’aysteene

Shan Soomali oo wada socdoo Calan ku sheekaysa

Shinmaa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye.

Allah mahadleh.

No comments:

Post a Comment