SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Xigmadda ay leeyihiin dadka dhimirka la'i.

Iftiinkacusub.com: Dadkeena maskaxda ka jiran ama xanuusanaaya inta badan waxa aynu kula kacnaa hadalo iyo kalmado niyad jab ku keenaaya,taas waxaaba dheer waxa aynu ugu yeedhnaa magacyo ka turjumaaya xanuunka markaasi asiibay ,sida kii waalnaa iyo hebel waa uu waashay.

Taas waxaaba kasii daran dhakhaatiirta iyo goobaha aynu dadkaasi ku haynana waxa aynu u naqanaa JEEL-MAGNUUN ama Xabsiga dadka waalwaalan,runtiina goobaha dadka dhimirka ka xanuusanaaya lagu hayaa maaha Jeelal ee waa dhakhtaro lagu daaweeyo sida xanuunada kalaba loo daaweeyo.

Waxyabaha iminka soo baxayna waxaa ka mida iyada oo sawiro iyo Vidoo laga qaadaayo isaga oo qofku ku jira xaalad aad u khatara,kadibna la galinaayo youtoobyada ,hadiiba Ilahay cafimaad uu siiyana sawiradaasi iyo Vidogaa laga qaaday ee dunida uu dhami ay aragtay uu ku noqonaayo taarikhdiisa iyo mida reerkiisa mid aad u foolxun.

Somalida waxa aad in badan ka maqlaysaa,dadka ay hayaan xanuunada dhimirku,waxaa mararka qaar kasoo yeedhe hadalo iyo kalmado xanbaarsan xigmad aad u fara badan,taasi oo aanay mararka aqaar aanay keenayn kuwa miyirka qabaa.

Waligaa ma la sheekaysatay ama talo iyo wax la mida ma waydiisay qof markaasi aad isleedahay malaha waxaa uu ka xanuusanayaa maskaxda.

Inta badan wadamada Yurubta marka ad timaado waxaa laga yabaa, in ay adag tahay in aad aragto qof waalan oo sida afrika ka jirta gidaarada jiifa ama ku darxumaysan ,sababta oo ah waxa ay u samaysteen dadka caynkaasi ah goobo la hayo laguna xanaaneeyo.

Hadaba maalin maalmaha ka mida ,ayaa nin ayaa waxa uu walalkii kusoo booqday ,goobaha dadka maskaxada ka buka lagu xananeeyo,waxa uu la joogay wakhti aad u farabadan oo ah kii loogu talagalay mid ka saa'id ah .

Waxaa kaloo jira in gurigan ama dhismahan wayn ee dadka lagu xanaanaynaayo,uu yahay mid halmar isqufulaaya marka ay dhacdo ama ay dhamaato sacada loogu talagaƶay in dadka bukaanka ah lasoo booqdo.

Markii ay dhamaatay sacadii loogu talagalay booqashada,ayaa waxaa markaliya si-iswadda (automatic) isku wada xidhmay ilbaabadii uu gurigu lahaa,kadibna waa isaga oo ordaaya albabadii garaacay ninkii soo booqday walaalkii oo dhimirka laga hayo.

Waxa uu wada garaacay albabadii si looga furo, markii ay albaabadii ay is furiwayeen ayaa uu qayliyay isaga oo leh "waar iga fura albaabka anigu ma ahi nin waalane" kadibna inta makarafoon lagala hadlay ayaa waxaa lagu yidhi"mar hadii ay sacadu dhacdo cidna lagama furo.

Ninkii xanuusanayay,oo taagan meel aan sidaasiba uga fogayn walaalkiisan ku qaylinaaya Albaabka in laga furo, maqlayana hadalka uu walaalkii yidhi ee ah "waar iga fura aniga ma waaliye" ayaa isaga oo walaalkii ku qoslaaya sida ay albaabadu isugu xedheen iyo hadalada uu leeyahay ayaa waxa uu yidhi "walaal hadii albaabadan fudaydkaa lagaga baaxaayo aniguba mar hore ayaan ka bixi lahaaye ,iska joog iminkana inta la gaadhaayo wakhtigii albabada la furi lahaa".

Runtii waxa ay sheekadani ku tusinaysaa,xigmada inta badan ku jirta dad badan oo maanta aynaan talo iyo tusaale toona aynaan waydiin,balse aynu u naqaano in ay yihiin kuwo waalan oo madaxa ka jiran.

W/Q:Khadar Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment