SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Facebook waxbarashadii dhalinyarada hoosbuu u dhigay.

Iftiinkacusub.com: Goobaha waxbarashada sida Iskuulada iyo Jaamacadaha waxa aad moodaa wakhtigan xaadirka ah in ay yihiin kuwo aad u farabadan,isla markaana aad ku qalbi-samaaynayso marka aad aragto Arday farabadan oo Gabdho iyo Wiilalba leh ,kuwaasi oo ku gaashaaman Buugtii iyo Qalmaantii loogu talagalay in wax lagu barto, Ardaydaasi oo si xad-dhaaf ah ugu qulqulaaya dhismayaasha aadka u qurxoon ee ay Iskuulada iyo Jaamacadahu ka dhisan yihiin.

Hadana iyada oo ay sidaasi tahay aqoontooda waxbarasho marka aad u kuur gasho waa mid aad u liidata isla markaana aad u hoosaysa;waxyabaha ugu badan ee keenaayana waxaa ka mida ku foognaanta aadka u faraha badan ee baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho gaar ahaan Facebook.

Haddii aad si xeel dheer u dhabba gasho ardayga waxbarashada Iskuulka ku jirta ama jaamacadaha ,isla markaana aad qiimayso wakhtigooda ugu badan waxa ay ku lumiyaan waxa aad ogaanaysaa in saacadaha ugu badani ay kaga lumaan Facabook.

Sidiisaba dadku waxa uu wakhtigoodu u qaybsan yahay laba xilli oo kala ah,wakhti uu soo jeedo oo uu dan uu leeyahay qabsanaayo iyo xilliga hurdada oo ah mid la'aanteed aanu qofna ka maarmi karin .

Hadaba dhalinyarada badan koodu xiliga ay soo jeedaan hadii aad xisaabiso waxa kuu muuqanaysa in ugu badnaan ay wakhtiga ku bixiyaan aalada Facebook,taasina waa mida keentay in waxbarashada ardaydu ay hoos u dhacdo.

Waxyabaha kale ee aan is idhi fiirsashada Facebook waxa ay aafo ku noqtay waxaa ka mida dhinaca Isboortiga ama cayaraha,taas oo hoos u dhigtay ,waxa aad arkaysaa dhalinyaro Kubbad ama ciyaaro daawanaysa,hadana waxa laga yabaa in badankoodu ay fiirsaanayaan facebooka oo aanay danaynayn Kubada ama ciyaarta markaasi hortooda ka socota.

Hadii aad waraysato nin ama gabadha dhalinyara ah isla markaana aad waydiiso dadaalkiisa waxbarasho intii aanu samaysan facbook iyo hadda oo uu wakhti walba ku foogan yahay facebook,waxa uu kuu sheegayaa in uu dhinaca waxbarashada ka fiicnaa xiligii aanu facebook isticmaali jirin.

Ugama jeedo facebook in uu yahay mid xumaan iyo shar uun wada ,lakiin waxaa muuqata in dhalinyaradeenii ay noqdeen kuwo aan inta badan ku xisaab tamin facebook shar iyo khayr wax uu leeyahay,ama kala saari waayey wakhtigoodii Dahabiga ahaa in uu sidan kaga lumaayo hadii aanay dib u xisaab tamin.

Waxaa fiican in wakhtigaagu uu noqdo mid kuukala soocan,hadii ay jirto fariimo iyo qoraalo aad rabto in aad Facebook soo dhigto waa in ay jirtaa xilli aad firaaqo iyo wakhti u hayso,hadiise aad noqoto mid markaasi uun ku foorara fiirsashada facebook iyo hadba waxa markaasi ay soo dhigaan kumaankunka qof ee danlawayaasha ahi,taasi waxa ay kuu keenaysaa in wakhtigaaga oo dhan uu halkaasi ku lumo,isla markaana ay ku hogaamiyeen dhalinyaro iyaguna wakhtigoodii uu lumay.

Maanta waxa jira dhalinyaro naftoodii iyo wakhtigoodiiba ku lumiyey faceboog,taasina ay aakhirkii keentay in uu facebook u noqday balwad aanay kaba maarmi karin,aakhirkiina waxbarashadoodii iyo dadaalkoodii hoos u dhacay ama kaba hadhayba.

Waxa aan dhalinyarada kula talinayaa ,masuuliyada idin saarani waa ay ka wayn tahay mid aad wakhtigiina badankiisa aad ku lumisaan facebook,qofkasta oo dhalinyara ah waxaa sugaaya mustaqbal iyo nolol in uu samaysto,waana mida kaleya ee isaga anfacaysa bari marka ay noqdaan kuwo qaan gaadh ah oo waalidkood ka maarma amaba hadiiba uu waalidku noqdo mid markaasi tii Allaba ay u timaado.

Maanta dhalinyaradu waxa ay ku jiraan tartan,waa mid wakhtigiisii ka faa'idaystay iyo mid wakhtigisii ku lumiyey waxyaabo badan oo aan noloshiisa mustaqbalka aan faa'iido u keenayn qayrkiina ka reebaaya.

Waxa aan idin kula talin lahaa,wakhtigu waa sida seefta hadii aadan jarina isaga ayaa ku jaraaya,fursadaha iyo jaanis yaduna maaha kuwo markasta jira ,fursad kasta oo fiican oo aad maanta haysato ogow bari maaha mid kuu joogaysa waxaana hubaala in ay kaa tagayso hadii aad ka faa'iidaysan waydo.

Wakhtiga iyo firaaqada aad haysataan dhalinyaroow waxa uu yahay:

1.Waalidkaa oo raba in uu wax ku baro si aad hadhaw naftaada iyo tiisaba aad u anfacdo.

2.Waalidkaa oo markaasi lagaba yaabo in uu kuu heli karo waxyaabahii aad markaasi ku noolaan lahayd.

3.Waalidka oo markasta kula dabajooga talo iyo tusaale,isaga oo raba in aad qayrkaa ka hormarto.

Sidaa awgeed waxaan idinkula talinayaa in aad wakhtigiina ka faa'idaysataan inta waalidkii aanu noqonin mid hawlgaba oo markaasi isagu u baahan in waxlataro.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment