SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shaqo tag mise shaxaad tag midkee sharafleh?

Shaqo iyo shaxad ,labadaduba waa shaqo,balse kala sharaf iyo karaamo badan,shaxaad ku noolahu waxa uu wakhti badan siiyaa sidii uu maalin walba shaxaad ku heli lahaa,shaqaystahuna sidoo kale waxa uu u kalahaa sidii uu shilin uu shaqaystay naftiisa iyo tan qooyskiisa ugu maarayn lahaa.

Inta badan dadku waxa ay isku qaldaan ,shaxaadka iyo wax istarka/caawimo ,waxa aan aamin sanahay in ay yihiin kuwa aan isku mid ahayn isuna dhigmin,shaxaad eraygan aynu ula baxnay waxa uu ku eeg yahay oo kaliya qof xoogii iyo kartidii Ilahay siiyay garan kari la si uu uga faa'idaysto,balse caawimada iyo is gacan qabashadu maaha mid u dhiganta shaxaadka.

Qofka shaxaad ku noolka ahi inta badan ma qabatimo in uu shaqaysto,sidoo kalana qofka shaqa ku noolka ahaa isaguna way ku adag tahay in uu shaxaad noloshiisa oo dhan ku dabaro kana camal dhigto.

Waxa baryahan soo baxday in shaxaadkii uu noqday shaqo, dadka qaarna shaxaadka waxaba ay u yaqanaan shaqo cilmiyaysan oo aan nin aan xariif ahayni aanu ka bixi karayn.Dadka qaar ayaa shaxaadka waxa ay u samaysteen weel ay wax ku shaxadaan sida Baabuur iyo Guryo.

Waliga ma isleedahay nin Babuur iyo guryo iska leh ayaa hadana wax shaxaada,maskaxdaada ma ka dhaadhacaysaa in qofka hantida intaasi leeg haysta ,ayaa hadana wax shaxaadaya ama shaxaad iyo baryo ku keenay xoolahaasi .

Waxa laga yabaa in ay qaarkiin ku adkaato ,balse badankiinu aydaan la layaabin,waayo waxa aynu og nahay xaalada uu maanta dalku ku jiro.Shaxaadku sidiisaba waxa aan isleeyahay waxaa ina baray macalinna u ah,waa Qaadka iyo cunistiisa iyo af-miishaariinta ay dawladahii ina soo maray ay sameeyeen,ilaa hadana aynu ku dhaqmayno ama aynu laban-laabnay.

Qaad cunistu waxa ay leedahay shaxaad iyo baryo joogta ah,waxa taasi daliil u noqonaya,qof aan shaqo haysan hadana doonaaya in uu malinkii Allah keenaba in uu qayilo,saw adkaan mayso sidii uu u heli lahaa Qaad uu maalinkasta ku mirqaamo;jidka kaliya ee markaasi u furani waxa uu yahay in uu wax shaxaado/ baryo/tuugsado wajigiisana uu diirka ka idleeyo.

Shaxaadka waa la isku nacaa,mana aha wax dadka isjeclaysiiya.Qofkasta oo wax shaxadaa waxa uu yahay mid sharaftii iyo karamadii meel iska soo dhigay,waxa kaliya oo u muuqda maanta sidii uu u helilahaa shilimaadkaasi uu shaxaadka ku raadinayo.

Shaqadu waa sharaf,waa nolol,waa raaxo iyo kalsoni nafta ah,qofkasta oo shaqaystaa waa mid ay ku jirto qabwayni iyo raali ahaan'sho naftiisa ah.Waxase baryahan danbe soo baxday in shaqooyinkii qaar ka mida laga cararo ama aan la sheegan lana qaryo.

Madamaa ay dad badan oo Soomali ahi ay dibadaha usoo baxeen,waxaa inagu soo badanaysa in shaqooyinka qaar ka mida la isku caayo, dacayado raqiis ahna la iska fidiyo,iyada oo dadka qaar la leeyahay "hebel ama heblaayo dibada markii ay joogtay waxaas ayay ka shaqayn jirtay"sida Hiliba,xanaanaynta dadka waawayn iyo kuwa yaryarba iwm , aniga agtayda waaba sharaf iyo karaamo.

Waxa aad arkaysaa dad lagu ceebaynaayo shaqo ay sharaf iyo karaamo ku leeyihiin ;waxa aad maqlaysaa nin lagu ceebaynaayo Hudheel ama Makhaayad ayuu ka shaqayn jiray,midkale waxa wax lagaga sheegayaa Hilible ayuu ahaa,qaarba waxa ceeb looga dhigayaa Darawal gaadhi ayuu ahaa iwm.

Arimahasi shaqada oo la isku ceebeeyo in ay Somalidu ceeb u taqaano ayaan ogaday,waxa kaloo isoo baxday in ay Somalidu shaqo sharafle u taqaano ninka xafiiska fadhiya oo kaliya,waayo kaas ma cayaan,waxa ay u yaqanaan mutacalin.

Hadaba dhamaanteed xafiisyada ma wada fadhisanaa oo qalin iyo Warqad ma wada qadanaa,haba lawaayo cid dharka inoo tosha ilayn waynagan dadkii ku cayayna kaasi Dawaarle/harqaanle ayuu ahaa.

Waxa aan in badan arkay ama aan maqlay nin siyaasi ah oo markii uu siyasada cagta lasoo galay ,lagu ceebaynaayo ,shaqo sharaf iyo karaamo uu ku lahaa,kuwa wax ka sheegayaana ay yihiin kooxdii , shaxaadka iyo dawalsiga cilmiyaysan ku shaqaysan jirtay.

Waxyabaha shaxaadka inoo tusiyay in uu yahay mid sharafle ,waxaa ka mida,ninkasta oo madax ahaa marka xilka siyasada laga qaado,ma raadsado mana doonto shaqo uu naftiisa ku maareeyo,waxa uu Suudhka iyo Tayga u gashadaa gaadhi fiicanna u iibsadaa, sidii uu melahaas uga sheekayn lahaa,quutal-daruurigiisana uu kasoo saari lahaa fadhi ku dirir iyo shaxaad madaxeedka cilmiyaysan.

Shaqo kasta oo aad qabata waxaan sharaf ahayn kuu keeni mayso,shaxadkasta oo aad noloshaada ku mamushaa waxaan sharafdaro iyo liidnimo ahayn ka helimaysid,shaqada ha loosoo jeesto ,shaxaadkana ha la iska dhaafo;wadanba wadanka uu ka shaqo badan yahay ayuu ka horumarsan yahay.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment