SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma guursan lahayd gabadh Indha’la,Dhago’la,aan hadlin ,curyaanna ah ?

Qisso laga soo wareyay dadkii hore :Asad Adaani Ibraahim ,Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah wuxuu ag marayey Beer weyn dhinaceeda, waxa uu arkay xabad Tufaax ah oo Geed beerta ka mid ah ka soo dhacday. Xabbadii Tufaax ahayd ayuu cunay baahi markaasi haysay awgeed, markuu dhamaystay ayuu xasuustay in aanu iibsan, qofkii lahaana ka fasax qaadan.

Wuxuuna ahaa Wiil ilaahay ku xidhan oo xalaal quud ahaa, wuxuu go'aansaday in uu beerta galo oo ninka leh cafis weydiisto una sheego in uu dhawr xabbo oo Tufaax ah oo geed beertiisa ka soo dhacay cunay.

Beertii ayuu soo galay wuxuu u yimid Ninkii beerta lahaa oo dhex joogo, wuxuu u sheegay in uu dhawr xabbad Tufaax ah oo geed beertiisa ka mid ah ka soo dhacay uu cunay, wuxuuna ka codsaday in uu cafiyo oo uu saamaxo.

Ninkii beerta lahaa wuxuu ku yidhi kuma saamaxayo, wuxuu ku yidhi haddaba qiimahooda ii sheeg aan lacag ahaan kuu siiyee, wuxuu ninkii beerta lahaa ku yidhi lacagna kaa qaadan maayo, wuxuu ninkii dhalinyarada ahaa yidhi haddaba aan beerta kaaga shaqeeyo si aan isaga gudo qaanta, Maya ayuu ninkii yidhi beertana iiga shaqayn maysid, kumana saamaxayo intuu ku yidhi wiilkii ayuu ka dhaqaaqay oo gurigiisii aaday.

Wiilkii dhalinyarada ahaa waa ka daba dhaqaaqay isaga oo aad uga baryaya in uu cafiyo kana tuugaya in uu saamaxo, ninkii gurigiisii ayuu galay , wiilkiina isaga oo murugaysan ayuu gurigii ninka ag fadhiistay , salaadii casar markii La gaadhay ayuu ninkii soo baxay mise wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ku sugayaa guriga hortiisa, wuxuu haddana ka codsaday in uu saamaxo.

Nninkii aad ayuu ula yaabay wiilkan dhalinyarada ah ee aadka uga murugaysan dhawr xabbad Tufaax ah oo uu cunay , ka dibna waxa uu ku yidhi waan ku saamaxayaa laakiin hal shardi (xujo) haddii aad ogolaatid ayaan kaa dhaafayaa Tufaaxii aad cuntay.

Wiilkii oo faraxsan ayaa yidhi maxay tahay waan yeelayaa oo waan samaynayaaye, wuxuu ku yidhi gabadh aan dhalay oo indha-la oo aan hadlin oo dhago-la oo curyaan ah haddaad guursatid waan kaa saamaxayaa dhawrkii xabbaddii Tufaaxa ahayd ee aad cuntay.

Wiilkii talaa ku cadaatay wuxuu sameeyo ayuu garan waayey maadaama uu xalaal quud ahaa , waxaan loo idmin ama iibsana uu cunay , saamaxaadeediina xujadan lagu xidhay waa yahay ayuu yidhi waan guursanayaa.

Ninkii gabadha dhalay wuxuu balan qaaday in uu walibana isagu qabo kharashka arooska ku baxaya , wiilkii gabadhii ayaa lagu maheriyey , qolkii loogu tala-galay markuu galay ayuu doonay in uu salaamo ka dibna wuxuu xusuustay in ay dhago La,-dahay , oo indho La-dahay , hadal-na haba sheegin,curyaanna tahay, haddana wuxuu yidhi iska salaan ajar ilaahay agtiisa ayaa lagaa-ga qoriye wuxuu yidhi Asalaamu Calaykum , mise markiiba gabadhii ayaa u jawaabtay oo tidhi Wacalaykuma Salaam.

Waa naxay oo farxay , wuxuu dareemay in ay wax maqlayso oo hadlayso, hore ayuu u soo socday wuxuu ka qaaday maradii saarnayd ee ku dadnayd mise waa gabadh quruxdeeda dayax Shan iyo toban lagu mitaalo , wiilkii waa yaabay oo farxay, way istaagtay oo dhankiisa u dhaqaaqday mise wuxuu arkay in aanay curyaan ahayn oo caafimaad qabto.

Ninkii gabadha ku meheriyey ayuu u yimi oo ku yidhi maxaad iigu tidhi waa indho La-dahay oo dhago La-dahay , oo mahadasho, oo waa curyaan fadhida

Wuxuu yidhi haayoo waydhago La-dahayoo xumaan ma maqasho, Way indho La-dahayoo wax xun may arag , Ma hadashoo xumaan afkeeda kama soo baxdo , waa curyaanoo macaasi iyo danbi uma lugayso ee gurigeeda ayey joogtaa,adigana waxaan kuugu guuriyey markaan ku arkay Xabbad Tufaax ahi siday kuu dhibtay oo aad u tahay xalaal quudad , markaas ayaan go'aansaday inanta(gabadha) aan dhalay in aan kuu guuriyo , oo aad tahay nin lagu aamini karo.

Qisadani waxay ku dhacday Abii Xaniifah Ibnu Al-Nucmaan Aabihii oo la odhan jiray Al-Nucmaan Ibnu Ibraahim, ilaahayna guurkoodii wuu barakeeyey waxaana ilaahay siiyey Abii Xaniifah Ibnu Nucmaan oo ah Shiikha caalimka ah ee afarta mad-habood ee aduunka ugu caansan mid ka mid ah dejiyey.

Aabaha wanaagsan ee dadaalaana caruurtii ilaahay siiyey si wanaagsan ayuu u tarbiyadeeyaa, ka dibna goob wanaagsan u sahamiyaa, wiil iyo gabadhba.

W/D: Asad Adaani Ibraahim

No comments:

Post a Comment