SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Geelu Isku Marbuu Noo Dhalaa Isku Sina Nooguma Tarmo.

Geelu waa xoolaha la dhaqdo kuwa ugu kala fog dhinaca rimidda iyo dhalidda. Inta badan geelu wuxuu rimaa labo sano kadib marka uu dhalo, wuxuuna uurka ku sidaa 12 bilood taas oo ka dhigta inuu 3-dii sanaba mar dhalo. Haddaba bari baa waxaa jiray sadex nin oo qaraabo ah oo geel isku darsaday.

Mid wuxuu lahaa 10 halaad, midna 20 halaad kan sadexaadna 30 halaad. Geelu wuxuu u daaqa hal meel, hal ceel buu ka cabbaa hal ratina waa ugu qooqaa. Sadexdii sanaba sidii caadada ahayd mar buu dhalaa, laakiin sadexda nin geelu isku si uguma tarmo (bato)!.

Waxaa marka layaab noqotay in geela oo nin walba halihiisa qayb ka rintay kana dhashay isku mar uu mid geelisii 10-kii halaad joogo, midna 20-kii labo ugu darmato halka kii 30-ka lahaa 20 ugu darmatay!

Marka laga fiiriyo dhinaca xoola dhaqashada waxay arintaan ku dhici kartaa hal qaab. Kaas oo ah Xooluhu waxay u baahanyihiin xanaanayn sida raacid, u sahamin iyo daajin iyo waraabin.

Marar baa waxa dhacda inuu jiro qof la yiraahdo xoolo mabadar, oo macneheedu yahay inuusan xoolaha sidii la rabay u xanaaneyn ama uu dayaco. Taas oo keeni karta in geeliisu markuu dhalo ubadka midu daabato (caanaha hasha ku dhimato) mid ayada oo huruda bahal cuno ama mid qaalin ku curatay intay wax naaso bara weyday gaajo u dhimato.

Marka dhanka dayacaas iyo dhaqasho la’aantaas laga fiiriyo waa loo qaateen in geelu isku si u tarmi waayo. Balse waxaan macquul ahayn in ninkii 10-ka lahaad lahaa 15 sano kadib wali geeliisu 10-ki ahaado si kasta oo uu udayacay.

Marka dhankale laga eego waxaa dhici karta in meesha caddaalad yari ka jirto oo ninka geela u badan ubadku intay yar yaryihiin uu suntado kadibna saas ku sheegto inuu asagu leeyahay.

Tusaale ahaan Qur’anka waxaa ku jirta qiso dhex martay labo nin oo walaalo ah oo mid lahaa 1 neel oo ari ah halka kan kale lahaa 99 neef. Maalintii dambe ayuu kii 99-ka lahaa wuxuu ku yiri ninyahaw neefkaan aad xoolo ka leedahay aniga iigu buuxi 100-ka, adigana wax ku tari mayo anigana tiraduu ii dhamaystirayaaye!

Waliba waxay qisadaan xustay in ninka xoolaha badani uu ahaa nin codkar ah oo doodii kaga badiyay ninkii walaalkiis ahaa ilaa ay Nabi Ibraahim (CS) u dacwo tageen oo markaas intuu ka yaabay dulmiga meesha ka muuqda deg deg u xukumay in ninka ariga badani gardaran yahay (Suuratu SAAD).

Inkasta oo ALLE ku canaantay inuu deg degay Nabi Ibraahim, haddana waxay qisadaan ku tusaysaa in xoolahaaga mararka qaarkood xirfad, codkarnimo ama dedaal lagaaga dhaxal wareejin karo.

Puntland iyo Qisada kor Ku Xusan

Maamul goboleedka Puntland oo la dhisay 15 sano ka hor waxaa wada dhistay beelo wada dega deegaankaas. Maamulka markii la dhisay maadaama uu cusbaa xukuumadda iyo baarlamaankuba waa koobnaayeen.

Tusaale ahaan golaha wasiiradu waxay ahaayeen 8 xubnood. Beelahu qaarba waxbay heleen. Beel hesha hal wasiir, mid hesha labo wasiir iyo mid hesha sadex wasiirba. Haseyeeshee maamulku markasta oo uu isbadalo ama sii jiraba waxaa badanayay tiro ahaan iyo wax tar ahaanba hay’adihiisa kala duwan sida baarlamaanka, xukuumadda, ciidanka iyo Garsoorka.

Waxaase cajiib ah in beelaha qaarkood ay wali joogaan saamigii 1998 ay ka heleen halka kuwo kale ay sadex jibaarmeen. Tusaale ahaan maantay xukuumadda Puntland ee uu Madaxweyne C/wali Gaas dhisay waa 18+ 18 kuxigeen + 11 wasiiru dawle.

Laakiin beelaha qaar baa jooga halkii wasiir ama halkii wasiir kuxigeen ee ay 1998 heleen, halka beelaha kale xubnohoodii sadex jibaarmeen. Taas oo nin reer Puntland ah uu ku macneeyay rag walaalo ah oo geel isku darsaday, isku meel uu u daaqo, isku marna u dhalo balse uusan isku si ugu tarmin.

Ugu dambeyn in arintaan caddaalad daro ku dhacay iyo inay dayac iyo xoolo dhaqasho xumo raga geeloodu tarmi waayay ku timid dadweynaha maqaalka akhrisanaya ayaan u deynayaa.

Wa Billaahi Tawfiiq.

C/wali Maxamuud Qurux

No comments:

Post a Comment