SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aabe waaya arag ah oo tallo dhaxalgal ah siinaya wiilkiisa.

Qormadan waxa aynu ku eegidoonaa aabbo wiilkiisa u guntaya tallo dhaxalgal ah, wiilkiisa oo noqday gaashaan qaad markaas dunida u furantay oo diyaar u ah in uu bulshada dhex gallo masuuliyada noloshiisana dusha u rito.
1.Wiilkaygiiyow marka kaliya ee ay tahay in aad feedh iyo gacan adeegsataa, ha noqdo marka aad naftaada ka difaacayso qof gacan ku qaaday

2.Wiilkaygiiyow gabadha aad ku arkayso sawirka, suuqa, masaraxa, goobaha shaqada ama shaaracyada, ogsoonow waa nin kale walaashii ama inantiisii. Waxa aad ula dhaqantaa sida aad jeceshahay in nin kale walaashaa ula dhaqmo

3.Waxa aad naftaada bartaa in ay kala shish/shaandhayso hadalka inta aanu dibnahaaga soo dhaafin ka fiirso dhadhanka erayada iyo kalmaduhu u yeelanayaan dhagaha qofka aad la hadlayso

4.Barro in qofka aad is khilaafi kartaan, kala aragtina noqon kartaan iyada oo aanay colaad shakhsi ah idin dhex marin

5.Waligaa ha ogalaan in qof kale kuu fikiro, adduuyada maanta waxa jira dad aad u badan oo jecel in qofka ay maskaxdiisa ku shubaan aragtiyaha ay qabaan"aaminsiiyaanna waxa ay aaminsan yihiin"

6.Wiilkaygiiyow in qof kale aad isu eekaysiisaa ama aad isu dhererisaa waa kalsooni darro, ku kalsoonow cida iyo qofka aad tahay " dadku sida aad tahay ayaa ay kugu aqbali kuguna iman doonaan"

7.Wiilkaygiiyow waligaa naxariista iyo calool-dabaca ha ka tagin, kuna dadaal in aad markasta naftaada dhigto halka qofka aad la macaamilaysaa taagan yahay

8.Wiilkaygiiyow marka ay noqoto in aad xaas doorato, waxa aad ogaataa in aanad marnaba doorashada haween hooyadaa kaga wanaagsanaan karin

xigasho- faaido.com

No comments:

Post a Comment