SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tix gabay ah :Wiil miskaha leexleexinaya oo cawradiisii muuqato.W/Tiriyay abwaan Maxamed Shukri Jamac.

Xumaantu waxa ay ahayd mid lala dhuunto oo la qarsado, balse hada xaalku maaha sidii aad ku ogayad ; waxkastaa waa ay isbadaleen, waana mida keentay in lagu faano fagaarahana lala-yimaado xumaantii oo heeryadeeda wadata.

Markii uu ka yaabay xaalku halka uu maraayo iyo inta uu ka gaysan karo wax ka sheega Xumaantaasi,ayaa waxaa Tixgaaban ka tiriyay Aqoon-yahan ,Abwaan ahna Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ,Maxamed Shugri Jamac oo aad in badan uga barateen in uu dad yawga Somaliyeed usoo gudbiyo Tixi iyo maansooyin wax ku-ool ah .

Asc, Akhyaarey.

Waxa aad ii damqay dhaqan xumadii Yurub taaley oo la keenay dalkeenii .

Wiil xumaada iyo gabadh xumaataba waa la maqli jirey,

Laakiin inta loo goleeyo oo warbaahinta lagu cashariyo

Wiil miskaha leexleexinaya oo cawradiisii muuqato, waa arin ugub ah ; waxaana ka dhalatay oo aan ka tiriyay Tixdan:-

Akhlaaq xumada soo daahirtee

Aasha soconeysa

Iyo edeb darrada suuqa timi

Waa inkaar culuse

Ubadkaa dayacan ee ka baxay

Ogobe xayndaabka

Ee sida ugayb soo dhergey

Abasax loolaaya

I arkaay, maqlaay ceebahaas

Ooda laga qaaday

Ugaaskii lahaa baylahdaas

Aahe dhibi weydey

Aqoonyahanki doorsoonkan uu

Kuba ajoon waayey

Ifafaale weeyaan madaw

Waana amakaage

Illaahbaan ku dhaartee hadaan

Olole loo feydan

Adinkiyo hadaan laysku darin

Uurkoo laga diido

Albaabkaas hadii aan la xidhin

Oon ooda lagu giijin

Abaarbaynu hadal-hayney

Omoski jiilaale

Uumi iyo hadii boodh la qabey

Aamusbaa xigiye

Arladoo la gooyaan ka baqan

Aabudh iyo Hoose

Illaahay adoomaha kibra

Uuma uurnaxo'e

Iyagoon ogeynbuu marqudha

Aadanow qabane

Aargoosigiisuna ka kulul

Aadkastoo kulule

Awoodiisa lama koobi karo

Eebahay magane

Erey laguma qeexiyo tilmaan

Oday ka sheekeeye

Irko noqosho iyo laabasho

Eebe lagu tuugo

Astaqfurula uunbaa ka furan

Eebe naga dhaaf.

Ka helTus Jawaabo dheeri ah

Waxaa tiriyay Abwaan Maxamed Shukri Jamac.

No comments:

Post a Comment