SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qofka Bini'aadmiga ahi ma u dhiman kara hadal qof ku yidhi?

Iftiinkacusub.com: Qofka Bini'aadmiga ahi waa uu xanuusan karaa,xanuunkaasi waxa uu noqon karaa mid si run ah u haya iyo mid ka yimi shaki iyo dareen ku xeeran waxyaabo ay maskaxdiisu u sheegayso oo lagaba yaabo in ay khalad tahay dad ay ku abuureen.

Dhakhaatiirta aqoonta iyo waaya'aragnimada u leh xanuunada kala gadisan ee Bini'aadmiga ku dhacaa,waxa ay u qaybiyaan laba arimood oo kala ah:

Cudur ama xanuun si toosa u haya oo la garanaayo halka uu ka imanaayo iyo wixii keenay, iyo xanuun uu aamin san yahay qofku in uu ku dhacay jidhikiisa,balse waxaa laga yabaa in kan danbe uu yahay wax iska mala-awaal ah ama maskaxdiisu ay si khaldan ugu sheegtay,.

Labadaasi xanuun in ay kala khatarsan yihiin waxa aad ku kala garanaysaa Tuasaale ahaan:hadii aan hadda kugu idhaahdo sadax casho ka hor raashinkii aan ku siiyay *Sun ayaan kuugu daray ,aniga oo si aad rumaysato kuugu sheegaaya ,waxa laga yabaa in aad isla markaaba aad xanuusato,naftaada iyo jidhkaaga qayba ka midana ay markaaba xanuun ka dareento.

Xiliyadii wixii lagu sheegi jiray dagaalkii labaad ee Aduunka,ayaa waxa la yidhaa xukuumadii Hitlar ayaa waxa uu xukuno xadhig ah ku riday askar ka tirsan ciidankiisa oo amar diido ku samaysay,askari kasta waxaa lagu xidhay hal qol oo kaligii uu ku jiro ,taasi oo looga jeeday in si caqliyan ah loo bahdilo niyad-jab xooglana lagu sameeyo.

Madaxwayne Hitlar ayaa niman yaqaana sida dadka loogu beero waswaaska iyo shakiga ,ayaa waxa ay kula taliyeen in nimankan iyaga oo xidhan qudha laga jaro ,iyada oo aan xabad iyo dagaaltoona aan loola tagin.

Nimankii maxabiista ahaa oo ku xidhan qolal isku dhaw,ayaa waxa si dhawaaq dheer ah loogu sheegay in midkasta qolkiisa ay ku rakiban yahay tuubooyin iyo qalab aan la arkayn oo sii daynaaya Sun dadka disha;balse hadalkaasi wax ka jiraa ma jiro,lakiin iyaga ayaa la rabaa in lagu niyad jabiyo si ay u aaminaan in suntaasi jirto.

Ayaamo ka bacdi waxaa la ogaaday in Raggii qaar ka mida, ay shakigii iyo waswaaskii la galiyay ay rumaysteen ,kadibna ay si xaqiiq ah ay u neef-qabatoobeen, qaar kalana la arkay iyaga oo hiinraagaaya(neeftuuraaya) una dhaw in ay u geeriyoodaan.

Hidlar oo ahaa macangag mannaxe ah,ayaa waxa uu ka yaabay khidadan layaabka leh ee lagu dilay raggii iyada oo aan wax gacan ah aan loola tagin, waana arin maanta lafteeda laga yaabo in aan si aan la dareen sanayn in ay dawladaha qaar isticmalaan.

Waxyabaha kale ee iyaguna qofka si toos ah shaki iyo waswaas loogu samayn kara waxaa ka mida,hadii uu dhakhtar aad ku kalsoontahay ku yidhaahdo inta uu ku baadho waxa aad qabtaa xanuun markaasi agtaada ka ah mid halis ah,waxa hubaala in si nafsiyan ah aad u xanuusanayso,ayaamo ka bacdi hadii dib inta laguu baadho lagu yidhaa waxa lagaa waayay wax xanuun ah,waxaa maragmadoon ah in aad caafimaadayso.

Maskaxda Aadanaha iyo jidhka intiisa kale cilaaqada iyo wadashaqaynta ka dhaxaysaa waa mid aad u layaab badan ,waana wax Ilahay uu ugu talagalay in ay ku wada shaqeeyaan.

Iftiinkacusub.com



No comments:

Post a Comment