SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Guleed darxumo iyo dayaw ayuu la waashay!

Guuleed wuxuu ku dhashay, kuna soo barbaaray, magaalada Marka. Waa madi, aabbihiis isaga oo dharebta ku jira ayuu geeriyooday. Wuxuuna u geeriyooday cudurka qaaxada. Guuled markii uu soo gaaray da’da 14-jirka, ayuu ku biiray dhallinyaro u dagaallameysay magaca magaalada, iyo iska caabinta dulmiga iyo dullinimada la la dul yimid magaaladooda. Sida la ga aaminsan yahay deegaanka uu ku soo dhex koray, Guuleed ma aqoonsaneyn dawlad iyo maamul xaqsoor ku dhisan in ey dalka ka jirto.

Wuxuu dirir iyo difaac wadaba, Guuleed wuxuu u gacangalay ciidankii uu dagaalka kula jiray, oo magac dawladeed huwanaay markaas. Muqdisho ayaa la keenay, waxaana la dhigay xabsi aad loo gu bahdilay qofnimadiisa. Eedda lagu heysto ayaa ah in uu ka tirsanaay unug argagixiso ah, oo magaalada Marko ka degi weysay.

Jirdil, iyo ciqaab ayuu ku la dhex kulmay xabsiga. Da’ ahaan ma xami karin meesha la gu xiray, iyo hawsha uu markii horaba gacanta kula jiray. Labo iyo tabban bilood oo xabsi ah ka dib, Guuleed waxaa ku dhacay xanuun maskaxda ah, taas oo ey ugu wacneed jirdilkii loo geystay, iyo cadawtooyo badan oo la dhadhansiiyay. Haatan, wuxuu dhex wareegaa magaalada Marka, isaga oo qashinka gurbiya, kuna dhawaaqaya erayo xasuus xanuun badan ku reebtay maskaxdiisa.

Hooyadiis waa qof danyar ah, mana awooddo in ey daaweyso Guuleed. Beel, ama dawlad, mid u soo gurmaday ma jiro. Inta badan, lugaha ayey ka xirtaa wiilkeeda, si aan dhib loo gaarsiin, balse, mararka qaar xarigga wey ka furtaa, waayo, wax ey siiso ma heyso. Danta ayaa ku qasabta in ey is ka fasaxdo, si uu u helo wax uu cuno, qashinqubka ba ha ka soo helee. Guuleed wuxuu gebay garaadkii Eebbe ku galladeystay, waana tusaale muuqda, oo farriin adag ka bixinaya dulmiga heerka uu gaaray, iyo sida ey u adag tahay in dadka iyo deegaanka uu ka soo jeedo, laga dhaadhiciyo xaqsoor iyo qiimaha ey dawladnimo leedahay.

W/Q; Cabdicasiis Maxamed.

No comments:

Post a Comment