SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ururka Al-Saacdicuuna Bil Xaq oo khilaaf horleh ka dhax abuuray Puntland

Ururka Al-Saacdicuuna Bil Xaq oo khilaaf horleh ka dhax abuuray mas’uuliyiinta maamul gobolleedka Puntland.Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Camey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan dhawaan dhaxmaray guddoomiyaha gobolka Nuugaal iyo xubno ka tirsan urur diimeedka lagu magacaabo Al- Saadicuuna Bil Xaq oo looga dhawaaqay qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ururka Al-Saadicuuna Bil Xaq uu xaaraan ka yahay sida uu hadalka u dhigay deegaannada dowlad gobolleedka Puntland.

Waxaa uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka in Puntland tahay maamulkii ugu horeeyay ee go’aan ka soo saara ururkan, islamarkaana u cadeynayo maamulada kale ee dalka ka jira in go’aankoodii waxba iska badalin kana soo horjeedaan jiritaanka ururkan iyo in uu ka dhax shaqeeyo deegaannada Puntland.

Sidoo kale ayaa ,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo dhawaan kulan la yeeshay xubno ururka ayaa sheegay in ay is afgarad gaadheen dhamaanba tuhunnadii la qabay, sidaa daraadeed wixii hadda ka danbeeya ka mid yihiin culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hogaamiyayaasha ururka iyo maamulka gobolka Nugaal isku afgarteen dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen, taasoo meesha ka saareysa ayuu yiri shakigii markii hore la qabay.

Khilaafka caynkan oo kale ahi waxa uu tilmaamayaa sida aanay maamulka Puntiland aanay aqoon dheer ugu lahayn fikirada iyo kala duwanashaha xarakooyinka islaamka ah,waxa taasi daliil u ah sida uu u dhagay hadalka Gudoomiyaha gobolku kaasi oo sheegay in ay iyaga iyo qaar ka mida ururka cusubi ay isla afgarteen in ay xal ku dhameeyaan arintooda.

Hore ayaa xubnaha ururku ay iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey oo ah ay ka mid yihiin firqada takfiirka iyo gaaleysiita dadka muslimiinta, waxayna eedeymahaas ku tilmaameen kuwo aan raad lahayn been abuurna ah .


No comments:

Post a Comment