SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ayaadu ama Eedadu maxay caruurta uu ninkeedu dhalay ay u xumaysaa.


Labadan kalmadood ee kala ah Aayo iyo Eeddo waa laba eray-bixin oo ay kala isticmalaan dadka Somalida ahi, gaar ahaan reer Konfurka iyo reer waqooyiga,iyada oo dadka Reer waqooyiga ah ama Somaliland ,waxa ay inta badan Aayo u yaqanaan gabadha ama islaanka uu qabo Abahaa ee aan adiga ku dhalin.


Dadka ku dhaqan Konfurtuna Aayada waxa ay u yaqanaan Eeddo, oo ah gabadha ama haweenayda uu qabo Abahaa,halka ay Eedada u yaqanaan reer waqooyigu gabadha ama haweenayda la dhalatay Abahaa.

Intaasi hadii aan kaga soo gudbo cadaynta iyo kala duwanaanshaha lahjada Somaliga ,waxa aan usoo *gunda dhacayaa dulucda qoraalka oo ah,sababta ay Aayadu ama Eedadu ay u foogayso una jidh-diido caruurta ama ubadka yaryar ee uu dhalay ninkeedu.

Arintani igama aha in aan weerar iyo hujuum ku ahay Aayooyinka ama Eedoyinka; balse waxa uun ay iga tahay baraarujin iyo is-xasuusin,waayo waxaa tirada ka badatay cabashooyinka aan kala go'a lahayn ee markasta ka imanaaya caruurta yaryar ee iyagu ku nool guriga Abahood, balse ay masuulka ka tahay Aayo ama Eedo.

sida runta ah maskaxdayda iyo maankayga toona kumay jirin, in aan mawduucan  aan wax ka qoro, balse waxa i xasuusisay si dadbana iigu dhiiri galisay Dr Amal ,oo ah gabadh dhakhtarad ah,taasi oo qoraal yar oo kooban oo ay Facebooka iisoo dhigtay iyo Clib yar oo VD gaaban oo ka hadlaaya tacadiyo iyo nabaro loo gaystay inan yar (gabadh) lagu magacaabo Ismihaan.

Dr Amal waxa ay iga codsatay sida ay hadalkeeda u dhigtay in aan dawlada Somaliland aan gaadhsiiyo tacadiga iyo dhibatada sida gaarka ah loogu gaystay inantaasi yar ee Ismihaan,iyada oo uu hadalkeedii u qornaa sidan"Gabadhaan yar ee miskiinta ah malaga yaabaa naagtii sidaan ugashay in dowladu ay uga aarto amma maxkamad lasoo saaro naagtii sidaan ugashay ilmahaan yar ee miskiinka ah?! Waan ilmeeyaa oo caloosha igadoonta clipkan markuu igasoo hor baxo wallaahi haddaan awoodo waan ugargaari lahaa"waa hadaladii Dr Amal.

Intaasi ka bacdi waxaa igu dhalatay ,in ay suura gal tahay  arimahan oo in badan Somalida kusoo noqnoqday ,in wax laga yidhaa ama wax laga qoro,hadaba aniga oo aan qoralkaygan aan kusoo koobayn tacadiga iyo dhibatada loo Gaystay Ismihaan oo kaliya ,waxaan qoraalkan uga faa'idaysanayaa in ay jiraanm caruur badan oo dhibta Ismihaan loo gaystay mid ka badani ay guryaha ku haysato

Hadii aynu ugu horaynba aynu iswaydiino,waa maxay sababta iyo colaada ka dhaxaysa caruurta iyo Aayada ama Eedada ?maxaa ugu wacan in ay nacdo ama ay la colowdo ilmahayar ee Ilahay dartii loogu aaminay ? maxay ayay tahay sababta ay u kala xigsanayso caruurta ay iyadu dhashay iyo kuwa uu ninka iyada qabaa uu dhalay ee caruurteedana la aabaha ah.

Miyaanay ogayn in labada caruurii ay yihiin kuwo hal aabo ku wada abtirsada,cadawadda iyo naxariisdaradu halkee ay ayay ka timi Aayooy ama Eedoy? waa maxay dagaalkan aad kula jirto caruurta uu dhalay xaajiga adiga ku qabaa?

Hadii aan is idhaahdo faalo ka bixi sababta ay markasta u dhacdo in Aayadu ama Eedadu ay nacayb shiiyo aad u wayn ay u muujiso caruurta aanay iyadu dhalin,ma jirto sabab sax ah oo aan u heli karaa, ismana lihi waxaa jira qof sabab sax ah u heli kara ama cadayn kara waxa ay ku nacayso.

Maxay ayay ku kala duwan yihiin caruurta ay iyadu dhashay iyo kuwa la walaalka ahi? mise sida ay dadka qaar yidhaahdaan waxa ay ka urinaysaa ama ay ku colaadinaysaa naag kale ayaa dhashay ?!taasi oo ay isleedahay malaha xaajiga ayay kaaga daba imin; balse waxaa taasi beenaynaaya waxa la hayaa , caruur yaryar oo bilaa hooyo ah ,hadana Aayadii ama Eedadii ay hadigayso ama ay dhibayso.

Caruur badan oo ay Ismihaan ka mid tahay,ayaa waxa ay ka cabanayaan dil,naxariis darro,caga juglayn,cunto xumo,ku shaqaysi iyo waxyaabo kale oo badan,Aayadu ama Eedadu waxa ay isu dulaysaa labada caruurood ,kuwa ay iyadu dhashay iyo kuwa kale ee la walaalka ah ,waa mid jirta arinta ay ka dhawaajisay Ismihaan .

Inta badan beenta ma sheegaan caruurtu,Ismihaan waa gabadh aad u yar,marka ay hadlaysana shucuurkeeda iyo dareenka ay muujinaysaa waxa uu ku tusinayaa in wax dhab ahi ay ku dhaceen,waxaana waxa laga xumaado ah in Abaha uu dhalay uu dareemi waayo dhibta haysata inantiisa yar.

Ismahiin oo ah gabadha yar ee ka waramaysa in tacadiyo iyo nabaro aad u farabadan ay u gaysatay Aayadeed ama Eedadeed,waxa aay taasi ku tusinaysaa in gabadhaasi ay tahay mid aad uga fog naxariista,taas awadeedka ilama aha in ay xataa kuweeda u naxariisaynayso,Nabigu CSW waxa uu xadiis ku yidhi Qofkii aan naxariisan looma naxariisto.

Aayooy ama Eedooy maxay ayay kaa biyeen caruurta la walaalka ah caruurtaada ee aad waliba adigu gacanta ku hayso,henaasaha iyo masayrku ma waxa uu galay in lala coloobo oo waliba dhibatooyin muuqda iyo kuwo qarsoonba loo gaysto caruurta yaryar ee Mayeedhaanka ah.

Waxa aan garan waayay waxa ay ku kala duwan yihiin Ninka iyo gabadhu, taas waxa aan uga jeedaa,waxa aad arkaysaa nin guursaday gabadh caruur hore leh,ha waawaynadaan ama ha yaryaradaan inta badan maan arkin cid ka cabanaysa sida Aayada ama Eedada looga cabanaayo,uma kala hiilinaayo raga iyo dumarka ,waa ay dhici kartaa in ay jiraan niman xunxun oo aan ixtiraam iyo waanaag aan u muujin caruurta ay dhashay xaaskoodu,balse arinta Eedadu ama Aayadu waxa aad moodaa in ay tahay mid soojireena.

Wax badan ayaan waxa aan maqlay caruur la leeyahay waxaa dishay Aayadii ama Eedadii,waxa aad arkaysaa caruur yaryar oo mayeedhaana oo ku odhanaaya Ayaday ama Eedaday waa ay igu shaqaysataa ama waa ay igu xamalataa kuwa ay iyadu gaarka u dhashayna uma ogola in ay cadceeda u baxaan.

Nin aanu saxiib nahay ayaa waxa uu iiga sheekeeyay wakhti aad u horeeyay,in Ayadii ama Edadii ay u diran jirtay waxkasta oo ay suuqa uga bahato marka uu yidhaahdo caruurtan aanu walalaha nahay mid kamida aanu is-raacno si aanu isu weheshano, waxa ay ku odhan jirtay kuma racayaan oo wax ayay akhrisanayaan,anigana in aan wax akhristo iska daaye waxa ay iiga dharatay in xataa aan badhida dhulka dhigo.

Ninkaasi waxa uu iiga sheekeeyay qisooyin ka daran kuwan haysta gabadhan yar ee Ismihaan ,waxa sheekoyin kiisa ka mid ahaa in ay sida dameeraha u raran jirtay,waxa uu sheegay in Biyaha guriga lagu isticmaalo aan dhabarkayga iyo garbahayga kusoo dhaamin jirtay iyada oo ay caruurta aanu walalaha nahay mararka qaar iga nixijireen.

Waxyabaha aan aadka u xasuusto ee uu ninkaasi iiga sheekeeyay waxaa ka mid ahaa,naxariista oo ay ka dheeraysay,tusaale ahaan hadii ay aragto ayuu yidhi aniga oo fadhiya nacayb-ka ay ii qaaday waxa ay i odhan jirtay kac maxaa ku fadhiisiiyay ; hadalada quudhsiga ah ee ay ka midyihiin Doqon,nacas,Dulli iwm waxa ay ahayeen kuwo aan markii danbe iska aqbalay sidee ay maalinkasta iigu lahayd.

Ninkaasi isaga ah wakhtigan xaadirka ah waxa ka muuqda raadkii aqoondarada ee ay gabadhaasi Aayadu ama Eedadu ay u horseeday,waxa uu sheegay in aanu waligii Iskuul galin,Buug iyo Qalin hadii ay igu aragto ayuu yidhi waxa ay igu odhan jirtay hadallo *ihaano iyo quudhsi ugu aha * sida " ma-adoo kalaa waxbarta" hadaladaasi bahdilka ahi waxa ay noqdeen kuwo ii horseeda in aan nolosha ka dhaco waxna aan baran kari waayo .

Waxa uu ii sheegay in Abihii uu ahaa mid dibada ku maqan gaar ahaan dalka Sacudiga,taasina waxa ay ii jabisay ayuu yidhi in la ogaado dhibta i haysata,hadii aan maalin maalmaha ka mida aan u adkaysan waayo cadaadiska iyo gumaysiga ay igu hayso Aayadu ama Eedadu kadibna aan ka cararo Guriga ,waa aan kusoo noqon jiray uun galinka danbe waayo ma haysto cidkale ama guri kale oo aan habeen u haydo.

Hadaba ujeedkaygu maaha in dhamaan Aayoyinka iyo Eedooyinku ay wada xun yihiin, xaasha taas kama wada qoraalkayguna maaha mid sidaasi ka turjumaaya,waayo waxa aan ogahay in ay jiraan dumar fiican oo iyaga laga mahad sheegto,kuwaasi oo u cadaalad fala caruurtooda iyo kuwa dhanka aabaha kala walaalka ah ; waxaa kaloo jira dumaro badan oo aan wali Ilahay caruur siinin,hadana iyada oo ay sidaasi tahay jecel caruurta ninka qaba,tixgalin iyo wanaagna kusoo dhaweeya.

Waxa aan qoraalkan kusoo khatimayaa,dumarka Aayada ama Eedada ah ee falalka noocan ah ku kacayaa waa in ay noqdaan kuwo Ilahay uga cabsada caruurtaasi ay dulaynayaan,kuwa aad dhashay iyo kuwan aad dulaynayso mid ku an-fici Ilahay ayaa og,Rabbi ka cabsada,dharaarta Qiyamaha waa la idin waydiin doonaa caruurtaasi guryaha gudahooda lagu gumaysanaayo.

Hadaba maxaa sabab u ah in Aabaha guriga joogaa uu ogaan waayo dhibta caruurtiisa qaar ka mida haysata, waxa aan isleeyahay waxaa sabab u ah :-

1.Abaha Somaliga oo aan marka horaba la sheekaysan caruurta uu dhalay ,waana dhaqan xun oo aynu leenahay,waa ay adag tahay in uu Aabahu uu caruurtiisa ula sheekaysto sida saxiibada oo kale.

2.Aabaha Somaliga ahi inta badan waa mid ay caruurtiisu ka baqdaan oo marka uu guriga soo galo ama codkiisa la maqlo caruurtu ay kala wada baxsato sidii uu uu Guriga soo galay Libaax dad-qaad ahi.

Ilmahu waa in uu jecladaa la sheekaysiga iyo rabitaanka aabaha,taasna waxaa abuuri kara walidka gaar ahaan Aabaha Somaliga ah ,Aabaha Somaliga ah ee aan ka midka ahay far-ayaa ku godan,waxa la leeyahay abaha Somaliga ahi maaha mid furfuran oo caruurtiisa la sheekaysta ama maaweliya.

Caruurta Soamlidu waxa ay Abahood u yaqanaan oo kaliya mid siiya amaro sida askarta kuwaasi oo ay ka mid yihiin , Seexo,Wax akhriso,Ha-bixin,Fadhiiso,ha hadli,ha qaylin,hadaba hadii Ilmaha dhankasta laga soo oodo waa mida keenausa in ay iska warhayn wayaan caruurtii iyo abahood.

Hadii aad ahaan lahayd Aabo furfuran oo caruurtiisa la sheekaysta intii suura gal ah,may dhacdeen in aad ogaan waydo dhibatada qaar ka mida haysata caruurta,balse markii aad noqotay Libaax marka uu guriga soo galo lakala cararo ayay adkaatay in caruurtuna ay kuu sheegto dhibtada sida gaarka ah u haysata.

W/Q.Khadar Aar.

http://www.iftiinkacusub.com/

No comments:

Post a Comment