SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Duliyahii Diyaradda aad saarnayd haddii uu Geeriyoodo maxaad samayn lahayd?

Iftiinkacusub.com :Cimrigaaga intii aad noolayd Diyaarad ma fuushay,hadaad fuushayse ma kula duushay oo saacado aad u farabadan hawada ma kula mushaaxday,maxaa kuugu layaab badnaa intii aad Diyaarad raacaysay,inaba ma isleedahay waxa jira mar ay khatar kaala kulantay safar Diyaradeed.

Dunida guudkeeda waxkastaaba waa ay dhici karaan, ama waabay dhaceenba,lacalla hadiiba adiga oo Diyaarad guudkeeda saaran,wax balo iyo baaslayidhaana aadan qabin,kaliya waxa aad sugaysa uu yahay in aad Diyaradaasi ku nabad gayso halkii aad ku socotay,Suunkuna si fiican kuugu xidhan yahay.

Ka waran adiga oo xaladaasi deggan ku jira, hadii halmar dadkii Diyarada ka shaqaynaayay mid ka mida, inta uu soo istaago halka dadka lagala hadlo ,ku yidhaahdo isaga oo khatar jirta markaasi sheegaaya"Duliyahii diyaaradu sacad ka hor ayuu geeriyooooooooooday"intaasi markii uu yidhi/tidhi kadibna ay si tartiiba iyada oo aan isuba arkayn in ay dadkii argagax galisay ,dib ugu noqotay halkii ay kasoo baxday.

Kaba soo qaad in aad ka mid tahay dadka Diyarada saaran,waajibka ku saarani markaasi maxay ayuu noqon laha, sidee ayaadse naftaada u badbaadin lahayd,ilayn waxa laguu sheegay in Bayloodkii Diyarada waday masuulkana idinka ahaa in isaga oo Mayd ah uu kursiga diyarada saaran yahay.

Waxa u horeeya ee maskaxdaada kusoo dhici lahaa muxuu ahaan lahaa:-

Madhici kari lahayd in aad istidhaahdo raadso Albaab aad ka baxdo si aad naftaada u badbaadiso.

Maskaxdaada ma kusoo dhici lahayd, in aad dhamaan nolosha oo dhan aad ka quusato kadibna aad Ashahadada iyo Maqfirada in aad ku dadaasho, ilayn waxaa kuu muuqata in aad albaabkii Geerida saaran tahaye.

Caqligaagu ma keenikari lahaa, in aad istidhaahdo, la tashato dadka aad Diyarada wada saaran tihiin,si aad uga badbaadaan masiibadan la iidiin sheegay.

Suura gal ma noqon lahayd ,inta aad kacdo in aad raadiso gabadhii warkan idiinkeentay,oo ah mid warkeeda lagu kalsoon yahay. a.

Hadaba arintani waxa ay ka dhacday dalka Maraykanka ,wiigii aynu soo dhaafnay, kadib markii diyaarad ay leedahay shirkada diyaradaha ee American Airlines ,la sheegay in Duuliyahii waday uu geeriyooday markii ay diyaradu garoonkii ay caga dhigan lahayd ay usoo jirto 3 Klm.

Diyaaradaasi waxa ay kasoo duushay magalada Dallas waxaanay usocotay Albuquerque oo isla maraykanka ah,diyaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ,iyada oo duliyahaasi geeriyooday oo lagu magaacabo William Grubbs.

Haddaba su'aasha meesha ku jirtaa sawmaaha in aynu iswaydiino cidda Diyaradii badbaadisay? iyo sida loo badbadiyay,dhulkana ay usoo fadhiisatay iyada oo badqabta.

Diyaradii waxaa badbaadiyay Duliyahii labaad ee Diyarada saarnaa,waligaa yay kaa hoos bixin ogowna in diyaaradkasta oo wayni in ay leedaay laba duuliye.

Waxa dhici karta in dadka qaarkii ay iswaydiiyaan ,waa maxay sababta dadka rakaabka ah loogu sheegay in Dulayahii diyaradu uu geeriyooday?dadka fikirkaa qaba waa ay saxan yihiin, aniguna waan idinla qabaa ,lakiin arintani waa wax dhacay waana wax dib u dhici doona.

Iftiinkacusub.com


W/Q.Khadar Ibrahim Aar.

 


No comments:

Post a Comment