SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waswaaska sariirta hoosteeda kaa gala iyo sida loo daaweeyo. !


Iftiinkacusub.com:Shakiga iyo waswaasku waxa uu ka mid yahay xanuunada aadka u daran ee dadka wakhtiyadan danbe kusoo kordhay ,shakigu waa dareen iyo ismoodsiid ku tusinaya in ay wax kugu dhacayaan amaba ay kugu dhaceenba.


Nin dhalinyaro ah,ayaa waxa uu naftiisa ka dareemay shaki iyo waswaas aan kala go'lahayn ,gaar ahaan xiliga hurdada uu u diyaar garoobo ama uu seexdaba,waxa uu soo toosaa saqda dhexe ama habeenka badhtankiisa, kiyoo qaylinaaya kuna dhawaaqaaya"hayaaaaay sariirta hoosteeda ayaa la iigu jiraa"

Inta badan maalintii marka uu meelahaasi iska joogo,waa uu cafimaad qabaa,balse waxa uu dareenka shakigu uu ku bilaabmaya marka uu damco in uu seexdo,hadana iyada oo ay sidaasi tahay wax dhibaato ah lama kulmo haddii uu seexdo meel aan gurigiisa ahayn ama aan sariirtiisa ahayn .Arintasi waxa ay ku keentay warwar iyo walaac joogta ah.

Ninkan isaga ah qolka waxa uu seexdaa inta badan kaligii ,waxaana u taalla qolka hal sariir,xiliyada shakiga iyo waswaasku u imanaayana waa marka uu hordo doono/maago;iyada oo sariirta hoosteeda looga gacan haadinayo ama looga sanqadhaayo,waaba sidiiyuu arkaayo .

Labada Indhoodba haduu isasaaro,hurdaba haduu maago "anna waykan" quruumo iyo shayadiin aan la garanayn ayaa ku soo xadiraysay,kuwaasi oo jidhkiisa kor ilaa hoos taataabasho iyo xadanto kala dalaya.

Marka uu sidii wax waalan uu soo salalana,bal'adba ,adaaba sheegaaya dad iskadaaye xataa dabayshu ma san-qadhayso;markaas ayaa waxa uu bilaabayaa in uu dhamaan sariirta hoosteeda uu ka eego shaydaanka ugu jira;balse waa cidlo wax ku jiraa ma jiro.

Waxa taasi u dheer, ilayn waa Sariir laga hoos dhameeyay dhamaan wixii hoos yaalay ee xamaan guri iyo shandadaba ahaa ,taas awaadeed ayaanay jirin wax ku qarsoomaaya iyo cid ku dhuman kartaa.

Ilayn sidan ku jiri kari mayee ,maalin maalmaha ka mida ayaa waxa uu ku tashaday in uu arintan la socodsiiyo nin dhakhtar ah,markii uu dhakhtarkii la kulmay, ayaa waxa uu uga sheekeeyay waxyabahan khatarta ku haya ee habeenkii marka uu seexasho u diyaar garoobo uun iyaguna isasoo xaadirinaaya.

Waxa uu hadalkisii, ku laba iyo sadax goor ciliya ,halka weerarka aan kala joogsiga lahayn habeenkii lagaga soo qaadayo iyo meesha lagaga soo dulayaa in ay tahay Sariirta hoosteeda.

Dhakhtarkii yaab iyo amakaag ayuu la kulmay,inkastuu yahay nin aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraada u leh xanuunada iyo waswaaska caynkan oo kala ah, hadana fahmi waa cidan Sariirta hoosteeda duulaanka kasoo qaadaysa.

Dhakhtarkii waxa uu in badan ku celceliyay ninkii dhalinyarada ahaa"waar miyaa guriga ay cidi kula gashaa" kuyee xaasha" dhakhtaraw ha sheegin" arintani waa Miishan sidii Baarlamanada aniga la ii dhigayo! dhakhtarkii yab " oo ma dawlad ayaad tahay " bal-adba.

Dhakhtarkii waxa uu ninkii u qoray,daawo ilaw siinaysa ,waswaaskaasi iyo shakiga tasoo habeenkiina u keenaysa hordo ,dawaadaasi oo loogu talagay in uu qaato xiliga uu hordada u diyaar garoobaayo oo kaliya.

Daawadan ninkan dhalinyarada ah loo qoray,waa daawo aad u culis,lacag ahhaanna qaali ah,halkii todobaadba waxa laga rabaa in uu dawada qaato,soona diyaariyo lacag dhan boqol doolarka Maraykan ah,arintaasi oo ku cuslaatay,waayo maaha nin shaqo haya.

Ninkii waxa uu qaatay taladii dhakhtarka,waayo waa uu ku khasban yahay.Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa "xoolo dirqi lama wayo" ninkii isaga ahaa muddo laba todobaad ah markii uu qaadanaayay daawadii iyo kiniinkii loo qorayna, culays iyo daal mooyaane aanu waxkale ka korodhsan,ayuu ku tashaday in uu talada dhakhtarka iyo dawadiisaba in uu iska dhaafo.Waxana taas ugu wacnaa isaga oo aan markasta heli karin lacagtan qaaliga ah ee dawadu ay joogto iyo cafimaadkii uu rajaynayay oo aanu marnaba helin.

Muddo ka bacdi markii uu arkay in xanuunkii in uu ku sii siyaado mooyaane in aanu kasoo raynayn,kadibna waxa uu u tagay nin ay saaxiibo yihiin oo ka shaqeeya Geeraash lagu sameeyo baabuurta iwm.

Ninkii saxiibkii ayaa waxa uu uga sheekeeyay dhibta haysata iyo xaalkiisu sida uu yahay,waxa kaloo uu sheekada ugu daray isaga oo ku nuux-nuuxsanaaya, in dhibatada ugu badani ay ka haysato Sariirta hoosteeda oo habeenkii marka uu seexdo dad aan seexanini ay kaga soo toosayaan.

Waxa uu saxiibkii u sheegay in lacagtii yarayd ee uu haystay ay kaga dhamaatay, daawo iwm,waxa uu saxiibkii ku wargaliyay in haddii aan iminka wax laga qaban in uu u dhawyahay in uu waasho.

Ninkii dhalinyarta ahaa,markii uu saxiibkii uga waramay xanuunka iyo dhibta kusoo korodhay,aadna uu u fahmay mushkiladda haysataa in ay u badan tahay shaki iyo waswaas,waxa uu kula taliyay madamaa uu yahay isagu nin Birtume ah arin tan:-

Saxiib waxa aan kugula talin lahaa,hadda waxa aad ii keentaa Sariirtaadi,kadibna madamaa dhibatada ugu badani ay ka imanayso sariirta hoos teeda , kuuna galayaan duul aan la garanaynini ,waxa aan samaynayaa dhamaan sariirtaba cagaha ayaan jarayaa meel ay ku dhuuntaanba ha waayaane.

Ninkii waswaaska iyo shakigu hayay,taladii saxiibkii aad ayuu ugu qushuucay ,waanu qaatay,sariirtiina si dhakhsa ah ayuu Geerashkii u keenay, kadibna afarta cagood ayaa loo gaabiyay.Hurdadii uu habeenkii seexday waligii ma uusan arkin,shaydankuu sariirta hoosteeda ugu gabanayayna waa uu ka cararay markii dhufayskii laga saray.

Hadaba maxaa dhacay hadana .Maalin danbe ayaa isaga oo suuqa maraaya,ninkii dhalinyarada ahaa ee waswaaska qabi jiray ,ayaa waxa la kulmay dhakhtarkiisii uu la xidhiidhi jiray xiligii uu bukaanku ku cusbaa,kaasi oo markasta lacag badan ka qaadi jiray.

Dhakhtarkii markii uu arkay ninkii dhalinyarada ahaa,isla markana uu ogyahay in aanu in muddo ah aanu dhakhtarka kusoo noqon,ayaa inta uu u yeedhay waxa uu ku yidhi,maxay ayaa kugu dhacay dhakhtarkii kumaad soo noqone,miyaanad ogayn in xanuunkan oo kale aakhirka lala waasho.

Ninkii dhalinyarada ahaa,halkii dhakhtarku uu ka filaayay warkale,ayaa waxa uu ugu jawaabay,dhakhtar waxa aan la tashaday nin farsamo yaqaan ah,waxaanu igula taliyay in sariirta lugaha aan ka jaro ,kadibna isaga ayaaba ka jaray, waxaanu iga qaatay lacag aad u yar,laga bilaabo maalinkii aan sariirta lugaha u gaabiyay illaa hadda ma jirto cid danbe oo jidhkayga waswaas-galisaa,dhakhtarkii inta uu qoslay ayuu ku yidhi, hadana ma waali kale ayaad bilawday ?

 
Iftiinkacusub.com

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment