SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah : Beenta aad caruurtada bartaa dib ayay kuugu soo noqotaa adiga!

Hadii aad ilmahaaga u noqoto macalinka Beenta bara, maxaa u diidaaya in uu isna noqdo arday sifiican u qaata casharka beenta ah ee aad adigu bartay,walibana uu noqdo arday sida ugu fiican uga soo baxa beentii iyo khaladaadkii aad macalinka ugu ahayd,una arko in beentii aad bartay ay tahay mid dadka oo dhan uu u sheegi karo.

Beentu sideedaba waa burburka iyo hoogga nolosha qoyska ,marka caruurta iyo reerka joogtana waa boholyow aan dhamaan,caruurtaada oo aad beenta iyo wax isdaba-marinta aad bartaana waxa ay ka dhigan tahay , waran aad ridaysay kadibna adiga kugu soo noqday .

Bal sheekadan ila dhuuxa:-

Shugri waa gabadh yar oo caruura ,waxa cimrigeeda lagu qiyaasi karaa sagaal jir ilaa toban jir ,waxa ay dhigataa oo ay markaasi waalidkeed u bilabeen dugsiga,waxa ay ku jirtaa kaalmaha u horeeya.

Shugri madamaa ay tahay inanyar oo caruura,waxa ay markasta joogtaa una badan tahay guriga gaar ahaan agagaarka hoyadeed,waana mid inta badan iska caado ah in caruurtu marka ay xiligaasi jogaan ay walidka ka ag-dhawadaan gaar ahaan hooyada.

Shugri iyo qoyskoodu waxa ay ku nool yihiin dal ka mida wadamada Yurubta,waxaana la odhan karaa waa qoysaska iyo reeraha ugu dhaqalaha roon dadyawga Somaliyeed ee ku nool wadamadaasi.

Sida inoo cadada ah dadka jooga wadamada qorbaha iyo kuwa iyagu markaasi jooga dalkii hooyo ,waxa ka dhaxaysa wada shaqayn,qaraabo,ehelnimo iyo istakulayn dhinaca dhaqalaha ah,waana mida keentay inta badan in Somalidu ay wax isugu diraan goobaha Xawaladaha.

Shugri oo inanyar ah sida aynu soo sheegnay markasta iyo saacadkasta oo ay guriga ku sugan tahayna hoyadeed aan ka ag fogayn,laguna tilmaami karo in ay tahay guri-daynbaystii reerka,ayaa waxa ay markasta maqashaa oo dhagaheeda kusoo duula dad kasoo hadlaaya wadankii oo la hadlayay hoyadeed.

Shugri madamaa ay wadankan ku dhalatay si fiican uma taqaano afka somaliga,hadii laga tagiwaayana waxa aynu ku tilmaami karnaa caruurta dibadaha ku dhalatay kuna dhaqantay kuwooda ugu af-somaliga iyo garashada fiican.

Shugri markasta waxa ay maqashaa ama ay dareentaa in Hoyadeed macaan aanay jeclaysan talafoonada isdaba jooga ah ee kasoo yeedhaaya wadankii,hadana iyada oo inanyar ah ayaa waxa ay iswaydiisaa maxay ayaa hoyadaa uga cadhootaa talafoonka kasoo dhacaaya Afrika waa sida ay u taqanee.

Hadaba iyada oo arintu ay halkaasi marayso,ayaa waxa soo dhacay talafoon,kadibna inantii yarayd ee shugri ayaa waxa ay damacday in ay qabato talafoonkan jalaskiisu uu baxaayo,waxaase si lamafilaana talafoonkii ugala booday hoyadeed oo aan markaasi kaba fogayn.

Inta ay talafoonkii isasaartay xajiyadii guriga lahayd ayay inantii yarayd ee shugrina waxa ay siisay dardaran iyo cashar been ah,kaasi oo odhanaaya,hadiiba aad aragto talafoon kasoo dhacaaya(wacaayo) afrika gaar ahaan dhulka Somalida inta aad qabato waxa aad markasta iyo sacadkasta iyo daqiiqad kasta aad ku tidhaahdaa Hooyo ma joogto.

Shugri fariintii hoyadeed iyada oo inan (gabadh)yar ah ayay ku adkaatay,hadana iyada oo sidaasa ma diidi karto walidkeed,waayo waxaa ku filan in laba goor la dhirbaxo ama loodiido baritoole waxyaabo ay u bahnayd.

Shugri-yar markan loo sheegaayo in aanay talafoonka qofna ka qaban haday ka qabatana ay u sheegto in ay hooyo maqan tahay,waxa ay u qaadatay sidii saxa ahaa,balse intii aanay iyada iyo hoyadeed aanay fadhigaba aanay ka kicin ayaa waxa soo galay qolkii Abihii guriga masuulka ka ahaa shugrina abaheed ahaa. .

Iyada oo qolkii si wada jir ah loo wada fadhiyo ayaa waxa soo garaacay talafoon,lama yaqano meel uu yahay,hasa yeshee shugri waxa ay markiiba ku carartay talefoonkii jalaskiisu baxayay,qaaday kadibna tidhi sida inoo caadada ah HALO ,qofkii talafoonka soo garacay ayaa u celiyay isaga oo magaciisa sheegaaya,heblaayo ma joogtaa oo ah Shugri hoyadeed.

Shugri ilayn dardaaran walid ayay qabtaaye,maskaxdeeda wixii ay ku haysay dibnaheedu soo tuure oo ah MAYA HOOYO MA JOOGTO,caruuri waa ceel laga waynaday,waxa qofkii talafoonka soo garaacay ama soo wacay uu hadana ku celiyay su'aal labad oo ah Habar-yar halkay ku maqan tahay?

Shugri Hoyadeed horay waxa ay ugu sheegtay oo kaliya in ay dadka ku tidhaahdo hooyo ma joogto,balse su'aashan labaad ee shugri la waydiiyay ee ah halkay ku maqan tahay shugri ma haysato wax ay kaga jawaabto,kadibna inta ay hoyadeed iyo Abaheed oo wada fadhiya soo jaleecday ayaa waxa ay hoyadeed ku tidhi iyada oo talafoonkana dhagta ku haysa,HOOYO MAXAAN KU IDHAAHDAA HALKEED KU MAQAN TAHAY.

Fashil iyo ceeb ayaa ka dhacday,islaantii fashilantay,xajigii guriga lahaa cadho iyo ciil ayuu qolka ka baxay ilayn qofkan soo hadlayba waa xajiga guriga iska leh Hoyadii,balse Shugri iyadu waxan oo dhanba danbi kuma laha ,hal cashar oo Been ah oo loo sheegay oo kaliya ayay qabtaa kiina way sheegtay.

Shugri-yar waa la canantay,hoyadii wali khaladkii iyo beentii ay ilmaheeda yar ku tarbiyaynaysay ayay wali sii waddaa,waxa ay rabtaa markan in ay cashar labaad siiso oo ah,hadiiba lagu yidhaah-do halkay ku maqan tahay Hooyo waxa aad tidhaa suuqa.

Maalin kale oo maalmaha ka mida ayaa talfoonkii waxaa kusoo dhuftay qof kale oo markaasi kasoo hadlaaya wadankii,sanqadhii jalaska ayaa waxaa markiiba maqashay Shugri-yar,qofkii soo hadlayay ku bilaw HALOO kutee shugri yarna WA'AYO,waxaa ku xigay Abti waa aniga e Hooyo ma joogtaa,shugri markan ka baxsatay jawaabtii ay hore u bixisay oo lagu dagaalay,kutee maya waxa ay ku maqan tahay Suuqa,qofkii soo hadlayay waxa uu shugri waydiiyay yaa guriga jooga ? Shugri waxa ay si lama filaana u tidhi waxaa jooga Aabo oo halkan fadhiya,soo hadlihii kuyee iidhiib isagaban baryahan oo dhanba u bahnaaye.

Xajigii guriga oo in muddo ahba an talafoonkan qaban agtiisana aan marin una kala baxay xajiyada iyo shugri oo been dadka la hortaagnaata ,ayaa waxa ay isku baxsadeen ninkii isaga seediga u ahaa , kadibna la wada hadal xajigii oo cadho madax marsan ayaa shir degdeg ah reerkii isugu yeedhay .

Intaa wixii ka danbeeyay waxaa gurigii la isugu yimi shir degdeg ah,shugrina waa lasoo fadhiisiyay,waxa la arkay in beentii shugri la baray ay isnacsiisay qarabadii,ehelkii iyo dhamaan xidid kiiba,waxa la garawsaday in aanay fiicnayn in caruurta Beenta la baro laguna tacliimoyo,sababta oo ah beenkasta oo aad caruurtaada bartaa waa mid aad adigu ugu tahay macalinkii.

Caruurteena beenta aynu ka dhawrno hadii aynu doonayno in aanay beenalayaal aanay noqon,waan ogahay oo waxbadan ayaa inaga dhacaaya duruuf badan aya jirta dhankasta ,balse taasi noqon mayso mid inagu kalifta in aynu beenta barno caruurteena,waxa aan naftayda iyo tiinaba kala talinayaa in aynaan caruurteena ku boorin in ay been sheegaan ha yarato ama ha waynaato.
Wabilaahi tawfiiq.




khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

WQ/Khadar Ibrahim Aar


No comments:

Post a Comment