SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah : Wuu I furay, Qaybtii 3-aad ee u danbaysay!!


Gadh Dheere : bilo haddii ay ku jireen nimcadaa aan lagu waarayn, Hindi waxay dareentay doogo iyo dakharo waayihii adkaa ee soo maray kaga tageen oo ku soo kacdoomaya. Maantana inay qarsato waxay ka doorbidday in ay is dawayso, maadaama uu waqtigu u saamaxayo. Sidaas bayna ku dhaqaaqday oo ay dawooyin ugu bilaabmeen.

War la isuma hayee, intii ay Hindi ku foognayd is dawaynteeda, Cismaan Gah Dheer wuxuu isna ku gaaf wareegayay hablaha cusub ee hadda soo kacay isaga oo asxaabtiisa ku qancinaya in xaasku muddaba ka xanuunsanayd, oo uu iska sabrayay. Maalmahaa wuxuu la soo baxay dabeecado yaab leh oo aanu lahaan jirin.

Waxa arrimahaas ka mid ahaa cadho badnaan, canaan aad ah iyo saluug badan oo uu ka muujinayay wax kasta oo loo keeno. Waxa uu uga dan lahaa xaalad abuurnimo, s iuu hadhaw ugu qiil helo guurka labaad ee uu cindiga ku hayo.

Hadalkiisu ma badnayn guriga marka uu yimaad, indhihiisuna waxay ku mashquulsanaan jireen raadinta wax baylahsan oo meel yaal, halka dhegahiisuna u dheg taagi jireen maqalka jabaq yar oo aan macno buuran lahayn. Islaantiisa waxa ku dhacay u qaadan waa iyo amakaag, waxaanay is tidhi: Malaha waayihii adkaa ee idin soo maray baa raadadkan kaga tegay, oo wuxuu u baahan yahay dhakhtar iyo dawooyin.

Arrintaa markii ay la soo qaaday inta uu dar Ilaahay isaga xanaajiyay ayuu ku yidhi: Bidco iyo adiga la idinma kala ag waayo waligiin. Wuxuu gaal sameeyay baad afar iyo labaatanka saacadood la soo taagan tahay, ee waxa ka bax oo carruurtu maxay salaaddii subax masaajidka u tegi waayeen? Inta ay naxday ayayku tidhi: Way yar yar yihiin, waana jiilaal oo guriga ayay ku tukadaan.

Inta uu hanqalka la soo kacay, Kitaab agtiisa yaalayna soo qaaday ayuu ku yidhi: Adigu Qu’raankii Madarasadda maxaad u joojisay?. Markasay iyada oo afka haysata tidhi: Ma dayn ee waanigii xanuunsanayay, haddana waan bilaabi doonaa. Insha Alla dheh inta uu yidhi, ayuu kitaabkii halkiisii isaga celiyay markii ay baxday. Nin dar Ilaahay u seexday ayuuna iska dhigay. Daartu ku duntaygu (waannagaa haddana mar kale sidii dumarka u habaartannee).

Godadle

Dhawr bilood ka dib, ayuun bay markii aannu maqalnay wuu guursaday, af kala qaad aan ka yarayn kii guurkiisii hore nagu dhacay. Hinda waxaan uga baqnay wareer iyo waalli, isna cuqubo iyo cidhib xumaan, ubadkoodiina baylah iyo basan-baas. Waxaan aad u jeclaystay la kulankiisa, bal si aan dareenkiisa arrintan ku aaddan wax uga ogaado. Maalmo ka dib, haddii aannu is aragnay waxaan ku idhi: Maxaa kugu kalifay inaad xaaskaagii waqtiga adag kula soo martay la guursato? Waxaan eegayay inuu yidhaa: qof xun bay noqotay, wuxuuse yidhi: Waan awoodaa inaan laba xaas wada qabo adduun ahaan.

Midda kale Hindi waa iska yara xan- xanuunsanaysaa. Waxaan si qiiro leh ugu idhi: Hindi miyaanay kugu raacin xoolo yaraan, miyaanay reerkoodii kaaga soo gu’in, maxaad abaalkeedii ka dhigtay? Wuxuu si ay mannasheegasho ka muuqato iigu yidhi: Abaalkeedii guri wayn iyo biil ku filan ayaan ka dhigay. Markaan arkay isaga oo isla qumman, ayaan nabad galyeeyay, inta aan madaxa ruxay, shantana dhabanada saaray, ayaan ka huleelay meeshii.

Toddobaad ka dib, waxaanu si ku talogal la’aana u kulannay Hinda oo Dukaan ka soo baxday, aragtideeda waan ku farxayoo waxay i xasuusisay beri-samaad, haddana waan ka naxay xaaladda adag ee foolkeeda ka muuqatay. Is nabdaadin ka dib, aniga oo aan waxba waydiin ayay igu bilowday: "Axmadaw abaal raaga rag ma leh."

Wixii aan ehel iyo asxaaba uga go’ay; wixii u jidhkaygu u qayirmay, jamaalkayguna u qallalay, wixii aan habeenno u seexan waayay, maalmana u silcay, wixii aan naf hurka u sameeyay ee Eebbe igu ogaa, waxa abaal la iiga dhigay minyaro iyo manna sheegasho. Waxaa weliba la ii sii raaciyay canaan iyo cag juglayn.

Haddii aan la iba furina waxaan taaganahay Alxamdu Lilaah. Waxaanse ku leeyahay walaalkay baad tahaye: Xaaskaaga dulmiga iyo deel-qaafka waligaa ka ilaali, debeca iyo dulqaadkana la ogow. Aaaaah, Erayadan calaacalka iyo caqli badnaanta isugu jiraa waxay igu rideen miyir door-soon, waxaanay iga keeneen illin. Iyadana neefsi bay u noqdeen oo way yar nafistay sida foolkeeda iiga muuqatay. Hadalba inta aan cabbaar la aamusnaa ayaan mar danbe ku idhi: Walaal sabir oo dul-qaado. Haye, ee nabadeey reerkiina igu salaan, bay i tidhi.

Maalintaa iyo shalay markii aannu kulanay ee aan garan la’aa waxa u dhexaysay wax sannad ka yar. Hinda abaalkeedu ma wuxuu ahaa in Taj Maxaal loo dhiso, mise in minyaro lala guursado? Xanuunada duruufuhu ku keeneen ma in loogu dulqaato ayay ahayd mise in lagu deedafeeyo? Ma in la furaa bay istaahishay mise in lagu faano? Naf hurka ay samaysay ma in lagu nacaa bay ahayd mise inl agu majeerto? Adduunka ay beeridiisa lahayd ma in loogu manna sheegtaa bay ahayd mise in lagu maamuuso? Diinta Ilaahay ma wuxuu u soo dejiyay in Hinda lagu addoonsado mise in lagu darajeeyo?

Annaaniyad ka wayni miyay jirtaa in ninku naagtiisa oo bukta inta uu ka tago mid kale oo caafimaad qabta garabkeeda seexdo? Bal adba !!

W/Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

E-Mail: awliyo177@hotmail.com

No comments:

Post a Comment