SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: Saxiib maxad dawlada kalsoonida ugala noqotay?

Iftiinkacusub.com:Magacaygu waa Qurbajoog, wakhtiyo aad u farabadan ayaan waxa aan maqlaayay rag siyaasiyiin ah oo sheegaaya in ay dawlada kalsoonidii ay kala noqdeen,hadana isla wakhtiyar ka bacdi waxaa inoo xigta maqalka in ay ku biireen xisbiyada mucaaradka ah ,gaar ahaan xisbiga Wadani oo isagu ah mid si xawli ah u kooraayay in muddo ah.

Qurbajoog hadii aan ahay,in badan iyo xiliyo kala gadisanna aan maqlayay, hebel iyo hebaladii kale dawladii ayay kalsoonidii kala noqdeen.Hadaba waxa aan wakhti aan sidaasi u fogayn ayaan waxa aan tegay dalkii .

Waxa aan baadigoob iyo raadin u galay, in aan ogaado waxyabaha ay Siyaasiyiinta Somaliland ay markasta usu casilaan ama ay u sheegaan in ay dawladu tahay mid aan horusocod lahayn dibusocod mooyane,waxa aan u dhabagalay bal siyasiyiintasi waxa ay sheegayaan in ay run tahay iyo inkale.

Xiliga ama wakhtiga aan ka hadlaya maaha mid sidaasi usii fog ,waaba wakhti laga joogo bilo iyo ayaamo.Markii aan badhistaydii aan ku guda jiray aan dhamaystay,ayaa waxa igu soo dhacday "waar horta qolyaha iscasilay ee dawlada ka baxay miyaanu ku jirin saxiibkaagii qaaliga ahaa" xasuustaasi igu soo maaxatay waxa ay tilman iisiisay in aan saxiibkasi radiyo,helay waanan la kulmay iswaraysanay aniga iyo isagu.

Aniga iyo saxiibkay waakan warkii na dhexmaray:-

Qurba-joog: Saxiib dee dabaday wasiir ayaad noqotay"alla mayee waan khaldamay "sacaadatal wasiir ,saw sidaas lama odhan jirin"?

Wasiirkii:kkkkkk Saxiib marka aan adiga kula joogo dee haygu odhan sidaa! balse waan jeclahay eraygan sacaatatal wasiir, inkastoo muddo sidaa u badan aan lay lahayn,lakiin waa eray wanaagsan,waana mamuuska kursiga siyasada ay dadku ku jecladeen

Qurba-joog:Saxiib waxa aan ku waydiiyay waxa aan maqlay wasiirnimadii waad iska casishay ,ma sidasaa misse waa lagaa casilay iikala caddee?

Wasiir: Alla mayee anaa iska casilay "oo aniga yaa i casili kara jow goormaa iigu kaa danbaysay!

Qurba-joog:Saxiib maxay ayaa sababay in aad iscasisho,maxaad qoonsatay?

Wasiir: saxiib waxa aan ku magacawnaa wasiirka Beeraha,kadibna waxa aan ogaday in dawlada hada jirtaa aanay beerahaba dan ka lahayn!

Inkastoo aniga iyo wasiirku aanu wakhti aad badan aanu wada qaadanay,haddana sheekada aan idiin soo gudbinaayo inta idinka khusaysaa waa intaasi aanu wasiirka iska waraysanay,kadib ayaan waxa aan damcay in aan bal xogwaraysi tago in wasiirku waxan uu dawlada ku dhaleecaynaya in ay run tahay iyo inkale.

Waxa aan socdaal gaaban aan ku tegay dhulyawga iyo beeraha aan kaba fogayn agagaarka magalada Hargaysa,waxa aan beerkasta cidda markaasi ka masuulka ah waydiinaayay,dhibta haysata iyo waxyabaha ay jeclaan lahayeen in loo qabto,waxa kaloo aan si gaar ah uga waraystay ,wasiirka aanu saxiibka ahayn iyo wixii uu u qabtay intii uu wasiirka Beeraha ku magacawna,madamaa uu aniga ii sheegay in dadka Beeralayda ah ay dawladu hagratay.

Waxa ay iigu jawabeen dhamaantood, in wasiirkaasi aanu maalin kaliyaatana,saacadna Allah ha ka dhigee in anu soo booqan,waxa kaloo ay sii raciyeen ninkasi TV-ga marka uu ka hadlaayo ayuunbaanu aragnaa isaga oo ka sheekeeynaaya Beeraha,balse anaga ay hawshu na khusayso wali noomuu imaanin.

Waxa aan hadaba iswaydiiyay,waa maxay sababta runta ah ee uu saxiibkay iska casilay,hadii aanu shaqadii iyo hawshii loo igmadayba aanu waxba ka qaban.Waxaa isoo baxday waraysi iyo dabagal labaad ka bacdi in uu saxiibkay ka cadhooday, kadib markii loo sheegay in cuqaal iyo waxgarad beeshiisa ka tirsani iyaga oo aan isaga ogaysiin in ay la kulmaan Madaxwaynaha iyo wasiirada kale ee dawlada ka tirsan.

Miyaanay inala fiicnayn in aynu kala hufno oo aynu kala haadino ,madaxda iyo wasiirada shaqada inoo qabanaya.Masse haboon tahay in marka ay sidaasi oo kale shaqada ay qaranka iyo umada u hayaan marka ay dayacaan in ay kasoo jeestaan xisbiyada mucaaradka ah oo iyaga laftoodu laga sugaayo in ay kala shaandheeyaan dadka ay raban in ay umada hogaamiyayaal u noqdaan.

Qoraalkan mucaarad iyo muxaafid midna waxba kaga sheegi mayo, balse waxa aan jeclaan lahaa hadiiba la iga yeelaayo ,in markasta la iska ilaliyo siyaasiga ku fashilma shaqada uu qaranka u hayo.Xisbiyada mucaaradka ahna waxaa looga fadhiyaa in aanay markasta in aanay gudaha soo gashay siyaasi siyaasada ku fashilmay.

Qurba-joog.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment