SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qofka magaciisa yahay Maxamed, oo ay yartahay ,fursad shaqo in uu Sweden ka helo!

Cilmi baadhis lagu sameeyay ,suuqa shaqada Sweden ,ayaa lagu soo bandhigay, in dadka watta magacyada Carabtu ee ay Somalidu ka midka tahay , ay yihiin kuwa ugu yar in wareysiga shaqada loogu yeedho. Cilmi baadhista oo ay sameeyeen khuburo ka tirsan jaamacada Lund ayaa ilaa 5000 oo CV u dirtay shirkadaha raadinaya shaqaalaha.

CV-yada loo diray shirkadaha ayaa waxaa loo kala qeybiyay, kuwo ay ku qoranyihiin magacyo Swedish ah, iyo kuwo ku qoran magacyo Carbeed. Cilmi baadhista ayaa muujisay in dadka watay magacyada Swedishka ah, durbadiiba ay heleen ,fursado loogu yeerayo wareysi shaqo, halka kuwa Carabta aan dib loo eegin.

Iyadoo ay wadanka ku noolyihiin soo galooti ka soo jeeda wadamo kala duwan, ayaa warbixinta lagu sheegay in dadka wata magacyada carabta ,ay yihiin kuwa cunsuriyada ugu badan lagu sameeyo.

Cilmi baadhista ay sameeyeen khuburada ka tirsan Lund, ayay ku sheegeen in dadka carabta ah aysan xitaa caawin ,waxbarashadooda sareysa iyo CV-ga oo ay ku qorteen in ay yihiin kuwo furanfuran oo lala shaqayn karo. Waxaa dadkaas ka fursad fiicnaaday dadka Swedishka ah ee xitaa aan CV-gooda si fiican u qorin.

Inkastoo ay iska cadahay cunsuriyada ka jirta suuqada sweden, ayaa khaasatan dadka carabta ah iyo Muslimiinta ay yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku dhacdo. Soomaalida ayaa ka mida dadka ay haysato shaqo la’aanta ugu badan. Carabta ayaa inta badan waxay dhibaatada cunsuriyada isaga difaacaan in ay abuurtaan ganacsiyo sida makhaayadaha halkaasoo ay ka shaqaalaysiiyaan carabta kale. Soomaalida ayaan haysan xataa fursadaasi.

Xigasho:Somaliska.

No comments:

Post a Comment