SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Garnaqsigii Xoolo dhaqatada iyo Kaluunka Badda !

Runtii bahal Abaar la yidhaa ayaa ina aafaysay,hadda Abaaro maaha,dadku afkiisa waxa uu bartay erayga Abaaro ,taasi oo ay jamciyaan kana dhigaan kooxo Abaaro ah oo inagu soo duulay, ,waar haynagu jamcinina yay inagu badanine,ha ka dhigina kuwo farabadan,maaha Abaaro ee waa Abaar kaliya,hadii aynu magaca jamac ka dhigno oo aynu nidhaahno Abaaro dee way inagu laban-laabmi. Inkastoo an isleeyahay Abaariba inama hayse Aqoondaraa ina haysa.

Hadaba Abaarta hadda dhulkii ka jirta,waa mid laga subxanalaysto! waxa ay saamaysay dhamaan dadkii oo dhan Miyi iyo Magaalaba,waayo waxa aynu ahayn dad isku dul nool,kooda Miyi jooga iyo keena Magaalo joogaaba waa Cad iyo Caano ku nool.

Balse dadku miyaanay ku baraarug sanayn ,in xoolaha iyo hantida aynu lenahay aanu ahayn oo kaliya Xoolaha nool sida Geel,Adhi iyo Lo'da.Halkee lagu ilaabay khayraadkii ku jiray Badda gudaheeda ee 80% ka munafacad badan kan barriga.

Waxa aan halkan idiinku hayaa sheeko tusaalayn ah ,taasi oo ka hadlaysaa nin reer guura ah iyo Kaluun ay sheeko dhex martay.Sheekadani waxa ay ku timi, markii Kaluunkii uu ka cadhooday Abaartan habeen iyo maalin la hadal hayo,Dawlad iyo shacaba laysugu tagay hadana la loodin/dhaqaajin la yahay.

Sheekadu waxa ay ku bilaabmaysaa,nin watta neefaf xoola ah oo aan ka badnayn 5-7, isla markana marsiinaaya dhulka xeebaha ah meel ka mida,gaar ahaana agagaarka Badda,ayaa waxa arkay Kaluun isagu markaasi Baddiisa iskaga dabalanaaya Abaar iyo aafo toona aan arag.

Kaluuntii waxa uu la hadlay ninkii kuyee :-

Kaluun: waar ninkow waan ku salaamay.

Ninkii yaab ,salaanta cidlada ka dhawaqaysana u qaadan waa, dhagba jalaq umuusiine horay ayuu socodkisii usii watay shaydaankana iska naaray ,neefafkiisii fadhiidka ahaana kaxee.

Marlabaad ayaa hadana kaluunkii u dhawaaqay ninkii"waar ninkow waa lagu salaamay.

Ninkan isaga ahi ilayn Badda xeeligeeda ayuu marayaaye,ismaba laha Kaluun ayaa ku dhinac qaadaya,hal mar ayuunbuu waxa uu jaleecay darafkii ay mawjada Baddu ka xigtay ,markaliya ayuunbuu isha waxa uu ku dhuftay raxan Kaluun ah oo dabaal joogtaynaysa;kii u waynaa ayaa la hadlaaya.


Kaluunkii:Aniga ayaa ku salamaya ee sidee ayaad tahay?

Ninkii: ciilkayga iyo cadhadayda ma Kaluun ayaa manta igu wiirsanaaya! waad aragtaa taagta iyo tamarta aan leeyahay ee maxaad iga waraysanaysaa,Kaluunkagan Badda isaga dabalanayaa.

Kaluunkii:Waxa aan ku waydiiyay dhibta ku haysataa maxay ayay tahay?

Ninkii:Kaluun haygu digan!Xolihii dhamaa ee Boqolaalka ahaa dhawrka neef ayaan ka hayaa,caydh ayaan ahay Kaluun.

Kaluun:Ma ii sheegi kartaa cimrigaagu inta uu jiro?

Ninkii:maxaad ka rabtaa Cimrigayga iyo inta aan jiro?balse 80 sanno iska dheh:

Kaluun: Waligii waxaan Geel iyo Adhi ahayn ma yeelatay?

Ninkii: Habaar waa dibad,ninkan intaasi midkamida aan soo lahayni ma isaga ahba nin jira ,kaasi waaba Gun'e. !Caqli Kaluun waa kaas ,kuwa cunaana way ka liitaan.

Kaluun: ma jeceshahay in aan talo ku siiyo aad ku dhaqato wax ka badan kana munafacaad badan Geel iyo Adhi.

Ninkii: Kaluun taladii Alaylahe waan ku sugay aduunka .Adeer haydalinin ,talada aad aniga i siinayso adigaa badda kaga soo bixi lahaaye,balse isaga kay sheeg ,kolay odhan maayo Kaluun ayaa ila taliyee?

Kaluun: Waligaa Kaluun ma cuntay ? inta aanan kuu sheegin talada aan kuu hayo ?

Ninkii: subxanalaah *Matag ayaa i qabtay markaad tidhi ma cuntay Kaluun urtiisa ayaan ku xanuunsadaa.

Kaluun: Adeer anigu waxaan kuu hayaa hanti ka fiican xoolaha oo aad dhaqato ,kuwaasi ,oo aan caano iyo Biyo toona kaaga baahnayn,daaq iyo doogtoona kaaga baahnayn,Biyo iyo baadtoona kaaga baahnayn,xero aad ku xarayso aan kaaga bahnayn,caws aad usoo gurto aan kaaga baahnayn,waraabe iyo Dacawo aad ka ilaaliso aan kaaga baahnayn,Caruur ilalisa aan kaaga baahnayn.Hadana sidaasi oo ay tahay, xoolaha ka dhaqaale fiican kana Ilabaxnimo wanaagsan.

Ninkii: "yaaaaaab" waar waxan uu sheegaayo ee aan cidiba aanay racaynini ma xoolo jinbaa,kuyee,xataa biyo iyo baadtoona uma baahna" balo kula sheekaysatay" walee ninka Kaluun naf mooday ayaa ka liita.

Ninkii isaga ahaa inta uu go'iisii boodhka ka tuntay ayuu jaanta iladay;waxyar markuu socday hadana waaba Kaluun oo ku leh waar taladayda qaado.

Kaluun: waar ninkoow aynu wada tashano, anigu adiga aan xoolo kuu noqdo,adiguna aniga iga badbaadi .

Ninkii isaga ahaa markan badhida ayuu dhulka u dhigay,waxa uu is yidhi bal haatan Kaluun kaa hadhi waaye u dhug-yeelo waxan uu ka hadlaayo,kadibna waxa uu ku yidhi Kaluun.

Ninkii:Waar Kaluunow sida aan kuu sheegay 80 sano ayaan neefaf adhi ah daba socday,marba Abaar ayaa iga kaxaysa igana laysa,naftaydii iyo tii caruurtayda ayaa ku dhamaatay ,waxna kama hayo oo wanigaa Badda xeeligeeda Kabo la'aanta ku lugaynaaya;hadaba adiga Kaluunow hadii lagu dhaqan lahaa sidee laguu dhaqanayaa,ilayn waxa aad tahay bahalkaa aan Biyaha dhinacna uga dhex baxayne ?midda kale ,Kaluun ayuun baan maqlijireye horta Caano ma leedahay oo ma lagaa lisaa.

Kaluun: "haaaaaa" hadaynu is fahanay,aan talo ku siiyo, aniga dhankayga kaagama baahni xero aad ii oodo,kaagamana baahni meel aad igu ilaaliso,agtaydana sida xoolaha gaajo kugu dilimayso xiliga Jilaalka;anigana Abaariba ima karto ,Caanaha aad i waydisayna waa kuwa ishaa kuu yeelay,hadaanu reer Kaluun lahayna Naasaba ma lihin.Hadaba aniga in aad idhaqato hal shay ayaa kaa xigta oo kaliya.

Ninkii: muxuu yahay halka shay ee dhaqashadaada iga xigaa ?waxaanse ku waydiiyay adiga ma jiraa Qabiil ku leh oo ku sheegtaa.

Kaluun: Waxaad samaysaa horta dabaasha soo baro,kadibna soo qaado hal Laash ama hal Huudhi oo aad Kaluunka Badda ku kaluumaysato iyo shabaagtii.Qabiilka aad i waydisayna waan maqlaa aniga oo Badda ku jira kuwo sheeganaaya Biyaha Badda oo leh anaga aayaa iska leh,balse hadii aanu nahay Reer Kaluun maalinna wadan ayaanu joognaa,ciddii kolba na munaafacaadsata ayuunbaanu la qabiil nahay .

Ninkii isaga ahaa waxa uu qaatay taladii Kaluunka,waxa uu tagay magaalo xeebeed,kadibna waxa uu si gaar ah ugu kuur galay nimanka ka ganacsada Kaluunka iyo xaalada ay ku nool yihiin,waxa uu waxbadan dhagaystay iyada oo idacadaha Dunidu ay sheegayaan Kaluunkii badaheena oo ay Marakiib shisheeye ay guranayaan;aakhirkiina waxa uu ninkii ogaaday in Kaluun dhaqatadu ay ka fiican yahay Xoola dhaqatada.

Miyanay inala gudbonayn in aynu i minka aynu u tafaxaydano Badda iyo wixii ku jira, sidii aynu ula soo bixi lahayn. Waxa aan isleeyahay waxaa la gaadhay xiligii Badaha iyo Kaluunka losoo jeedsan lahaa.Nin Somali ah ayaa waxa uu ku maahmaahay"colka wadhaf ma lagu deyay"waxaan ku talin lahaa waar dadka ay xoolahu ka baxeen yaan xoolihii dib loogu celine,ha loo fidiyo taakulo ah in ay Badda wax kala soo baxaan.

IFTIINKACUSUB.COM

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment