SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Mobilkaaga ka ilaali in aad markasta dhigto meel kulul!

Mobilku waxa uu ka mid yahay ,aaladaha casriga ah ee maanta Dunida yaala, kuwa inoogu faa'idada badan .Mobilku waxa uu inoo fudaydiyay waxyaabo badan oo maanta wakhti badan iyo saacado badan ay inagaga lumi lahayeen; haddana iyada oo sidaasi ay jirto ,ayaa waxa  lagu sheegaa in uu leeyahay dhibatooyin caafimaad darro.


Anigu kama hadlaayo dhibaatoyinka faraha badan ee ay ka sheegeen dad yawga aqoonta durugsan u lihi,balse waxa aan ka sheekeynayaa waa waxyabo badan oo inaga iyo adiguba aynu maalinkasta la kulanno,  madamaa aynu nahay kuwo talafonka gacanta ee Mobilka wakhti badan saxiib dhaw la ahaa isticmalkiisa.
Hadaba ma og tahay in Mobilku sida aad ugu bahantahay hawada marka aad kululaato ,in uu ugu baahan yahay isaguna;markasta oo aynu kulayl dareeno  waxa aynu jecel nahay in aynu hawada ama laydha isu dhigno,guryahana aynu daaqadaha furno ,hadii qaar keen ay dhul xeeba joogaana waxa ay kulaylka haya aawadii ay shitaan  qaboojiyaha ama Marawaxada guriga ugu rakiban.

Mobilku aad ayuu ugu baahi badan yahay  in uu helo markasta wax qaboojiya;hamoodin in aan ka hadlaayo xiliga uu shaqada hayo ama lagu hadlaayo ;waxa aan ka hadlayaa waa marka uu meel iska yaalo ee aanu markaasi wax shaqo ah aanu haynin.

Hadii Mobilkaaga uu markasta ku jiro shandadaha yaryar ee lagu xafido,waxa dhici karta in uu kulaylkaasi u keeno in uu cimri degdego;waxaaba taasi kasii daran, in mararka qaar dadka jooga dhulka kulaylaha ahi ay Babuurta kaga dhextagaan ama Babuurka laftiisa khaanad ka mida ay ku ridaan.
Tani maaha arin si mala-awaal ah  aan uga hadlaayo,waxaa laga yabaa in dhibatooyinka aan ka waramaayo qaarkood ay aniga hore isoo mareen,waana wax jira oo dad badan oo arimahan si gaar ah ugu fiirsaday/kuurgalay aan kala sheekaystay.

Dad badan oo Somaliya ayaa waxa ay tijabiyeen, wakhtiyo badan oo noloshooda soo maray oo ay siteen ama ay isticmalayeen  Mobillo,waxa ay qiyaas ku sameyeen xiliyadii ay joogeen dhul yawga kulaylaha ah iyo dhulka qaboobaha u badan,kadibna waxa ay ogadeen faraqa u dhaxeeya in Mobilku uu yaalo meel kulul iyo in uu yaallo meel qabay ama uu hawwo ka helaayo .

Adiga oo jooga ama ku nool dhul kulayla ah ,sida Xeebaha iwm ayaad Mobilkaaga u heli kartaa in uu helo jaanis uu kaga badbaado in aad shandada ama Jeebka ku hayso,waana mida ugu muhiimsan ee aynu doonayno in aynu ka hadalno.

Intiinna Babuurta wadataa,hadii aad joogtaan dhul qabooba ah iyo hadii aad joogtaan dhul kulayla ah,waxa laga yabaa in aad markasta Mobiladiinu ay  ku sugan yahay xaalad ka gadisan qofka aan babuur wadan ,waayo Babuurka laftiisa ayaa leh kulayl gaar ah oo waxyeeli kara Mobilka.
Waxaad dib u xasuusataa inta goor ee aad Mobilkaaga kaga tagtay gaadhiga ama aad ku ilawday khaanadda,kadibna aad kasoo saartay isaga oo aad moodo in la kariyay/kululaaday isaga oo aan wax shaqo ah haynin, isla wakhtigaasi hadaad is tidhaahdo ka shaqaysii ama cid kula hadal ,waxa laga yabaa in aanu si fiican u awoodin shaqadaasi.

Dumarku dhamaan tood waxa ay Mobilka ku qataan ama ay ku ridaan xilli kasta Shandadaha ay gacmaha ku wataan,waxyabaha la ogaday waxaa ka mida in Mobilada ay dumarku sitaan ay ka hor dhamaan og yihiin kuwa ay ragu sitaan,taasna waxaa u sabab ah ragga oo inta badan Mobilka gacanta iskaga sita ama Jeebkaba ku rida ;taas awadeed ayaa Mobilada ay raggu sitaan ka wakhti dheer yihiin dhinaca jiritaanka kuwa dumarka,waana inta ay markasta Hawada uga dhawyihiin.

Iska ilaali in markasta Mobilkaagu uu ku jiro shandad ama aad galiso furshaanta hoosteeda,taasi waxa ay dhaawac wayn u gaysan doontaa awoodiisa jiritaan.Nin aanu saxiib nahay  ayaa waxa uu iiga sheekeeyay in isaga iyo xaaskiisi ay halmar wada iibsadeen tiraba sadax ama afar Moobil,balse markasta ayaa uu yidhi waxa hor xumaada ama laba tuuraa kan ay iibsatay ayuu yidhi xaaskaygu.

Saxiibkaasi isaga oo ka waramaaya sababta ugu wacan in Mobilka xaaskiisu uu kiisa ka hor xumaado ama sifiican uu shaqada u qaban waayo ,waxa uu ku tilmaamay "inta badan waxa ay ku sidataa shandadeeda ,marka ay Baabuurka  fuushana waxa ay ku riddaa khaanada,marka aanu guriga joognana iyada oo ka qaraninaysa caruurta ayaa waxa ay hoos galisaa, furaashka sariirta ama meel kale oo kasii fog ,marka ay cunto karinaysana waxa ay dhigtaa meel aan ka fogayn halka ay yalaan ama ku rakiban yihiin Girgirayaasha wax lagu karsadaa";waana mida keentay ayuu yidhi in Mobilkeedu uu markasta ka cimri degdego kayga.

Inta badan dumarku ,madamaa ay inooga wakhti badan yihiin ,joogitaanka Kijinka/Madbakha,waxaa dhacda in ay Mobilka ay dhigaan meel aan sidaasi uga dheerayn goobta ay cuntada ku karinayaan ,taas lafteedu waxa ay ka qayb qaadan kartaa in ay is-dhinto awoodiisa tamareed.

Taas-badalkeed ayuu yidhi , anigu inta badan waxa aan ku sitaa Mobilka gacantayda, marka aan shaqaynayana waxa uu yaalaa meel aan iga dheerayn,hadii aynoqoto in aan meel ku xafido ayuu yidhi waa hadii aan jeebka ku qaato; inkastoo dadka aqoonta u lihi ay Mobilka oo jeebka lagu qaato ay ka digeen, hadana waa midka ay Raggu ay dumarka uga duwan yihiin.

Talafonada kacanta ee Mobilku maaha kuwo inagu cusub,mana a'ha kuwo inooga baahan daraasad badan iyo cilmi dheeraada,inta aynu ka aragnay ayaa waxbadan inagaga filan, waayo qofkasta oo inaga mida waxa laga yabaa in uu talafon Moobil leeyahay ,sitayna wakhti badan ,balse aanu u fiirsan sida uu ula jaanqaado isbadalka cimilada.

Saxiib Mobilku kulaylka uma adkaysto,sida aynaan inaba aynaan ugu adkaysan kulaylka,dhig markasta oo ay suura gal tahay meel uu hawo iyo qabaw ka helo;ha u qaadan in aan ku leeyahay *Talagadda wax lagu qabiijiyo gali.

In aad Boobil iibsato markasta uma haysid dhaqaale,haddii aad haysana ma wanaagsana in dhaqalahaagu uu ku baxo in aad hadba Moobil cusub soo  iibsato,waayo masaakiinta iyo foqorada innala dhashay ayaa inagooga baahan dhaqaale.

facb:khadaraar@hotmail.com
Gmail:khadaraar101@gmail.com
Websit: http://www.iftiinkacusub.com
Ilahay ayaa mahad iska leh.
WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment