SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shirkada Twitter-ka oo u fududaysay dadka aan haysay Internetka xawaaraha leh.

Fariin wax ku ool ah :-Shirkada wayn ee Twitter-ka oo Isticmaalkeeda Loo Fududeeyey Dadka Aan Haysan Internet Xawaarihiisu aad u dheereeyo ama uu sareeyo.Waxa kaloo ay Shirkaddu daboolka ka qaaday in ay soo saartay ,barnaamijkooda Twitter ka oo noqon doona mid xawarahiisu uu aad u sareeyo isla markaana uu internet ka uu u baahan yahayna yar yahay, si ay uga faa’idaystaan ayay yidhaahdeen dadka jooga meelaha internet ku aadka ugu liito.

Shabakadda Twitter waxa ay sheegtay in barnaaminjan cusub lagu magacaabo, ‘Lite’ si fududna loogu soo dejisan karo talefannada gacanta. Waxa aanay awood u leedahay in si xawaare sarraysa ah ay u daabacdo faallooyinka la geliyo bogga twitter ka xaataa haddii uu internet ku yahay aad u gaabinayo.

Barnaamijkan lagu magacaabo Twitter Lite ayaa si sahal ah looga soo dejisan karayaa mobile.Twitter.com, waxa aanay shirkaddu tilmaantay in ay Version-kan ugu talogashay suuqyada soo koraya ee Aasiya ,latin- Ameerika iyo Afrika dhamaanteed , goobahaasi oo la ogaaday in uu internet ku qiime aad u sarreeya ka joogo.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in marnaamijkan ‘Twitter Lite’ boqolkiiba 30 ka xawaare badan tahay asalkii hore ee twitter ka, iyada oo sida oo kalana awood u leh in qofka ay u furto bogga hore iyo farriimaha tooska ah, xitaa marka uu internet ku aadka u daciifka yahay.

Dhinaca kalana, shirkadda Twitter ayaa wakhtiyadii u danbeeyay waxa ay bilawday qorshe ay iskaashi kula samaynayso ,shirkadaha maxalliga ah ee ka jira suuqyada soo koraya ee dunida, si ay mustaqbalka suuqeeda uga faa’idaysato.

Shirkadda Facebook ayaa iyaduna sannadkii 2005-ta soo saartay barnaamij Facebook lite ah

No comments:

Post a Comment