SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qabiilbaa Kala Geeyaye, Kii kasaari laa Waa Kuma Somaliland?

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid oo lasoo baxay siyaasad cabqariyad ku dhisan iyo midaynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Isagoo bilaabay inuu toos uga shaqeeyo horumarka dalkiisa iyo nabadaynta isagoon wali kursiga qaban.

Gudoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale u quus gooyay oo meel cid la'a kaga dhaqaaqay dhigiisii labada Musharax ee Kulmiye iyo Waddani oo iyaga kaambaykoodu noqday hab qabiil(Clan Based Campainge Strategy) iyadoo aynu ognahay in doorashadani ka duwanaan doonto kuwii hore oo aqooni shaqayn doonto kadib markii dhalintii wax baratay ee qarankan u kacday ay haatan fahmeen siyaasadii halkii ugu fiicnaydna marayaan maanta oo ay ka hoos bixi doonaan qabiilkii iyo kala qoqobkii dhalintan aqoon yahanka ah.

Siyaasadda Waayo aragnimada iyo bilaa qabiilka ku dhisan ee Musharax FWC Waxay durba soo jiidatay indhaha aqoonyahankii dalka iyo ganacsatadii dalka oo yagu raba in Horumar iyo deganaansho siyaasadeed dalka ka Hana qaado taasina waxa u cadaatay bulshada Somaliland in Eng Faysal Cali Waraabe mooyee cidkale aanay fulin karin. Sidoo kale daneeyayaashii nabada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee aynu saaxiibada ahayn ayaa ku qancay in maanta bad baadada Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto in ladoorto Eng Musharax Faysal Cali Waraabe iyo isku duubnaan iyo qabiil laga guuro.

Waxaa inbadan oo shacabka nadiifta ah ee indheer garadka ka walaacisay siyaasadda musdanbeedka qabiilka ku dhisan ee labada Xisbi kulmiye iyo Waddani ku hanjabayaan In hadii muuse ama Cirro dalka qabsado ka hela mooyee ka kale degaalami doono. Waxaa sidoo kale daraasad lagu Sameeyay taageerayaasha labada Xisbi ama hadaan erayo kale u adeegsado labada musdanbeed ee kala taageera labada Xisbi qaran ee kulmiye iyo Waddani oo kala ah (Awal iyo Garxajis) oo iyagu isu muuqda kadib markii lawaydiiyey sadexdan Su,aalood oo kala ah.

Hadii kulmiye guulaysto siduu noqonayaa qorshaha Waddani? Jawaab %87.9 dagaal baanu ka xignaa

Hadii Waddani Guulaysto muxuu noqonayaa qorshaha Kulmiye? Jawaab %79.8 Degaal ayaanu ka xignaa

Hadii Ucid Guulaysto waa maxay qorshaha Kulmiye iyo Waddani? Jawaab %78.5 waanu soo dhawaynaynaa.

Hadaba qofkasta oo jecel horumarka wadankiisa oo qabiil xumaantiisa nacay oo raba waddanku inuu dhismo si maskaxi ku jirto ayuu Isha ugu hayaa xaalada dalkiisu marayo Waxaanu garab istaagi siyaasiga noloshiisii oo dhan Somaliland u hibeeyay waa daljirka Eng Faysal Cali Waraabe oo ah Siyaasiga ugu miisaanka Culus Siyaasiyiinta Qaranka Siilaanyo dabadii. Hadaba qolyaha ka hinaasay siyaasadda Faysal ee Cayda iyo beenta Miciinka mooday ee Wasiirka ku sheegaya waxaan leeyahay wali laysma gaadhin.

Allaah Mahadleh

Abdiqani Salaf

No comments:

Post a Comment