SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Seedigaa Siyaasad haysugu imanina!

Nolosheenu waxay dhufsane u tahay Mi'yi iyo Xoolo jirnimo, Samankii hore, Dumarka iyo Geelu waxay ku jireen Noolaha aan xerro go'an lahayn, Mulkiyidooda iyo ku tasarufkooduna wuxuu magan u ahaa Hadba xerreda ay ku Galab dhacdasaan, Awood, Dhac, iyo Boob ayay Gacmo ugu kala wareegi jireen.

Sidaa darteed Seedgu wuxu ahaa Beer, Nasiib ayey ahayd Hadii inantiina uu kaa boobe nin Ragannimo, Aftahanimo iyo Libin dheeraada lihi, tani waxay libin kuu ahayd, markuu xaal si kaa noqdo, oo Col ama Caydhinimo si xoriyad la'aan kuugu gayso, Seedigaa iyo guud ahaanba reerka ay u Dhaxday walaasha waxay dhaqankeena ahaan jireen kuwo bixiya Nabad galyo Nafeed, Jidheed, iyo Aduunba, ama Waxa afka Qalaada lagu idhaa "Diplomatic Immunity".

Waxaa la siin jiray mararka qaar Xoolo, Gabadh, waxaana la Dajin jirey halka ay degaan dadka Meeqaamka sare, sida Salaadiinta, Cuqaasha, hadii Col lagagaaga hadhayna waxaad xaq u lahayd waxay imika u bixiyeen "Geneva Conventions", oo ilaa Hoygaagi waxaad ahayd Amaan,

Sidaa darteed Seedigaa wuxu ahaa Middi laba afle, mar wuxu ahaa ninkaa waranka sita ee dhaca Geeliina u socda, marna wuxu ahaa ninkaa magaca walaasha kugu siiyey darajada intaa leeg, Laakin Magaaladii iyo Magaalayntii dadkeenu,

Dhaqankeena waxay ku keentay Khalkhal dhan kaste ah, waxa inaga lumay Miisaankii nolosha, gaar ahaan, Seedinimada (Xididka), wuxu safka hore ka galay dhaqankaa guuray ama gadismay, Maanta Seedigu Waa Inaadeerka, Saaxiibkaa iyo qof aad dhawr jeer maalintii kulantaan, tani waxay lumisay xikmadii Xididka iyo Magaca Seedinimada, Waxa Lumay Milgihii Haween ku lahaan jireen Ooda ay u dhaxeen iyo Faankii Abtinimo, Waxa dhalan rogmay Xikmadii Guurka oo Dhib iyo Dheefba waxaad nolosha mareegteeda kula jirtaa Seediga.

Yaan fogaane, waxaan kaw ka ahay Ragga ay arintani Saamaysay, oo qolyaha aanu qoys ahaan siinay waraaqa Aqoonsiga Seedinimo, waxaanu kala joogna Khaati Bilaahi, Noloshuna waxaad mooda inay Sidii Hal iyo Nirig isku kaayo Sidigtay, Naxdin wayna markaad Seediga arimo badan wada gashaan, laakin xaalku kaligay maaha oo Ragg-ba waa ila qabaa, ee Waxaan Naftayda iyo Idinkaba idin waydiin lahaa, Bal ka warama Markaad dhanka Siyaasda iyo Maamulkana iskugu timaadaan, ee Waliba Bidixda Fog iyo Midiga Dhexe kala joogtaan!, Miyaanay ahayn Halkii ninka raggii iskaga Dhaqaajin jiray.

W/Q.Musdafe Baruud.

No comments:

Post a Comment