SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

TACSI TIIRAANYO LEH.

Axad, April, 02, 2017 Waxaa xalay alle ha u naxariistee magaalada Muqdisho ku geeeriyooday Nuur Faarax Xirsi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.


Wasiirka ayaa maalmahan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo lagu daweynayay Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer  ,kaddib markii maskaxda dhiig kaga furmay.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa sheegay in xaaladiisa ay aheyd mid aad khatar u aheyd, isla markaana aanay suura gal aheyn in dalka dibaddiisa loo qaado.

Wasiirkii hore ee Dekedaha ayaa ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumaddii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud  oo lagu waday inay xilka wareejiyaan.

No comments:

Post a Comment