SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Masjid Qibla-tayn Saylac kuma yaalo ee waa Madiina,Tariikhda ha la saxo.

Waxa aan maqli jiray been fakatay oo firidhay Runi ma gaadho ,alaylahe waa tan oo kale ,waxa aan taasi ku cadaynayaa Beenta iyo kutidhi-kuteenka sanadaha iyo qarniyada socotay ee wali la isla dhex wareegaayo,taasi oo ku saabsan in magaalo xeebeed ka Saylac uu ku yaalo Masaajid la yidhaa QIBLA-TAYN ama Masaajidkii lahaa labada Qiblo.


Kalmada Qibla-tayl waa kalmad af Carabi ah Somali ahaana noqonaysa Masaajidkii ama Macbadkii Ilahay ee labada Waji ama labada Qiblo lahaa ,Qimladu sideedaba waa jahada loo Tukado ee ay dadku u jeestaan marka ay rabaan in ay Cibaadada Salaada u kacaan.

Qibladu ama jahadu waxa ay tahay hadba meesha uu ka xigo isla markaana ay kaga waajibayso Salaadu dadka Muslimiinta ah,waana mid la'aanteed aanay cibaado Saladeed aanay inagu ansaxayn hadii aynaan u jeedsan halkii Ilahay iyo Rasuulkiisu inoo jideyeen.

Xiligii Nabigu CSW uu joogay Magalada Maka oo ahayd xarurtii iyo goobtii Nabi CSW uu ka unkay kana bilaabay Udubkii u horeeyay ee Islaamka,waxa aynu ka wada warhaynaa sida aynu Siirada ku hayno in uu nabigu CSW u hijrooday magalada Baraykaysan ee Madiina, kadib markii ay dhibateeyeen Kufaartii kasoo horjeeday.

Hadaba xiligii uu Nabigu CSW uu u hijrooday Magalada Madiina iyo wakhtiyadii ka horeeyayba,waxa aynu Diinteena shariifka ah ee Islaamka ku haynaa in loo Tukan jiray dhankaa iyo magalada Quddus ; balse sida aynu Kitaabkeena ku hayno kalgacal iyo rabitaan nabigu CSW uu jeclaan lahaa in uu Maka u tukado Ilahay ka aqbalay ,kadibna la jideeyay in dhamaan dadka Muslimiinta ahi ay u tukadaan magalada barakaysan ee Maka.

Hadaba xiligaasi isbadalada labada jiho, ama labada qibladood ee loo tukan jiray ee kala ahaa Quddus oo horaysay iyo Maka oo danbaysay,ayaa waxa jiray in Masaajidkii Nabi CSW uu wakhtigaasi dhisay loo bixiyay QIBKLA-TAYN Masaajidkii labada Qimlo ama labada u-Tukasho lahaa,sababta loogu bixiyayna ay ahayd kasoo jeed-sashadii Quddus iyo wajibkii la saaray oo ahaa in wakhtigan laga bilaabo loo tukado Maka.

Inbadan ayaynu Siirada Rasuulkeena barakaysan waxa aynu ku maqalnay Saxabadii nabiga CSW oo u dukanaysa dhinacaa iyo Baytal Quddus in markii ay maqleen in saladii tukashadeedii loo jeediyay dhinacaa iyo Maka in ay kala fureeyeen iyaga oo aanay xataa ka bixin ama aanay ku murmin saladii una jeesteen Maka oo aynu ilaa hada u Tukano.

Ujeedada qoraalkaygu ma uusan ahayn in wakhti intaasi leeg aan idin kaga lumiyo,waxyaabo aad faham keeda iyo aqoonteedaba ay dhici karto in badhkiin uu igaga fiican yahay,balse waxa aan sidaa u yeelay in aan u gogol xaadho sidii aan u iftiimin lahaa in aanay magaladeena Tariikhiga ah ee SAYLAC aanay ahayn meel uu ku yaalo Masaajid layidhaa Qiblatayn,hadii aynaan iskala jeclaan,taasi waa mid gooniya.

Akhriste Sadax su'aalod oo kaliya iswaydii kadibna adiguba waxa aad noqotaa midka soo saara khaladka meesha ku jiraa inta uu leeg yahay,sadaxdaasi su'aalood waxa ay kala yihiin kuwan hoos ku qoran:-

1. Saylac wali ma iswaydiisay halka ay khariidada Dunida kaga taalo?

2. Quddus wali ma iswaydiisay halka ay khariidada Aduunka kaga taalo?

3.Maka ma iswaydiisay " " " " ?

Sadaxdaa su'aalod oo kaliya hadii aad si fiican ugu dhaba-gasho waxaa markiiba kuu mooqanaysa in khalad iyo Been abuur ay tahay waxyaabaha aynu isku maaweelino iyo sida aynu tariikho badan oo aduunka jira aynu uga been sheegno,tariikho iyo sharaf iyo karaamo badan oo aynu leenahayna aynu u qarino.

Saylac waxa ay ku talaa Dhulka Somaliland,waxa ay kaga talaa Xeebta bada Cas,gaar ahaan waxa ay jaar iyo jiraan la tahay dalka Jabuuti, Saylac waa magaalo tariikhda ay iyadu gaar isaga leedahay hadii la qoro ama lasoo saaro iyadu aan u baahnayn in loo sameeyo tariikh been ah oo mala awaal ah,waxa ku filan Saylac tariikhda ay iyadu gaar isaga leedahay.

Hadaba marka aad Saylac joogto waxa aad Salaada Ilaahay ee inagu waajibtay aynu u tukanaa dhinaca waqooyi ee ay inaga xigto Baddu, sababta oo ah waxaa dhankaasi aynu salaada u tukanayno inaga xiga magalada Maka oo ay waajib inagu tahay in aynu u tukano.

Su'aasha kale ee meesha ku jirtaa waxa ay tahay, jihadee ama dhankee ayay inaga xigtaa magalada hore loogu tukan jiray Maka ka hor ee Quddus,hadii la yidhaa waxa ay inaga xigtaa jahada Koonfureed,waxa soo bixi lahayd in masjidka halkaasi Saylac ku yalaa uu yeelan lahaa magacan QIBLA-TAYN, balse Quddus waxa ay ku talaa isla jahadii hore ee ay Maki inaga xigtay ama aynu u tukanaynay.

Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in Maka iyo Quddus ay Saylac labaduba ka xigaan hal jigo oo kaliya ee ah tan aynu u tukano ee jahada Waqooyi,Quddusna ay tahay uun mid kasii shishaysa magalada Maka marka loo eego inaga Maabka ama jihada.

Hadaba halkee ayay ka timi sheekadan Masjid la yidhaa Qibla-tayn ayaa waxa uu ku yalaa magala xeebeedka Saylac,waa su'aal u baahan in iyada lafteeda wakhtigeeda la siiyo,balse hada waxa aynu kusoo koobsanaynaa in aynu cadayno in Saylac aanu ku oolon suura galna aanay ahayn marka loo eego qaabka ay u waafaqsan tahay jahaooyinka Aduunka.

Hadii aad arintan Ina-sanwaynana u gayso ma heli kartid xujo iyo daliil cadaynaya in masjidkani uu yahay mid magacan la siiyay sax ku ah,waxaa diidaaya,fikirka iyo tariikhda odhanaysa ,Masajid la dhiso ama lagu tukado keebaa ugu horeeyay, ma kan Sylac misse Masjidkii Nabiga CSW uu ka dhisay Madiina.

Masjidka Nabiga ee wakhtigaasi hore la dhisay ,waxa uu kula baxay magacan QIBLA-TEYN waxa uu u dhaxeeya dhenaca deegaanka Quddus iyo Maka inkastoo ay aad u kala fogayeen ,balse magalada taarikhiga ah ee Saylac iyadu xataa khariidad ahaan markasta waxa ay ku talaa talawga Bada Cas,taasi ayaan marnaba u suurta galinayn in ay Quddus iyo Maka dhex dhaxaad u noqoto.

Hadii ay dadka qaar la yimadaan dood odhanaysa,Masjidkan Saylac ku yaala ee Qibla-tayn waxa asaasay kooxdii Nabigu CSW hijrada usoo diray ee timi Ardul-Xabash,waxa iyagana hortaala su'aal labaad oo odhanaysa,hadiiba kooxdaasi ay markii hore Quddus u tukan jireen kadibna ay ku warheleen in Maka loo badalay Cibadadii Salaada,maxaa isbadalaaya ilayn markasta Quddus iyo Maki Saylac ama dhulka Somalida oo dhan waxa ay ka xigaal hal jaho oo ah tan aynu u tukano.

Waxa ay ila tahay waa khalad tariikhda aynu leenahay ku jira,waana khalad wayn oo ay inagula yaabi karaan dad yawga aqoonta iyo fahamka u leh tariikhaha aduunka gaar ahaan jahooyinka iyo khariidadaha Maapka aduunku u samaysan yahay .

Bal si fiican u eeg Maabka aduunka iyo halkay ay Saylac kaga taalo ,intasaaba kuugu filan aqoon iyo garasho kuu sahlaysa in magacan Qiblatayn uu yahay mid aan meeshisii aan dhicin ,balse malaha Madiina iyo Saylac ayaa wakhtiga iskaga keen qaldanaa.
 

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment