SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay sababta madaxwaynayaasha Askarigu u daba istaago ?

Hadii aad in badan u fiirsato Madaxwaynayaasha Aduunka gaar ahaan kuwa Afrika waxaa markasta kuu muuqanaysa in dhabarkooda danbe uu taagan yahay askari tigtigan oo aad moodo in aanu dhinacna u nuuxsanayn.

Hadaba wali ma iswaydiisay Askarigaasi waxa uu yahay iyo shaqada uu qabto, maxayse ayaad u malaynaysaa in uu Askarigaasi uu ku Lacag qaato ,ma in uu Madaxwaynaha markasta oo uu khudbad jeedinaayo dhabarkiisa ama Gadashiisa taagnaada, mise waxaa jira hawlo kale oo uu qabto.

Ma isleetahay Askarigaasi waxa uu hayaa shaqo wayn oo ah mid lagama maarmaan ah,loona baahan yahay in Madaxwaynaha dalka dhabarkiisa ama gadaashiisa la taagnaado ilaa inta uu goobta ka dhaqa-qaayo.

Caawa ayaa waxa aan dawaday Madaxwayne ka mid ah kuwa Somalida oo uu dhabarkiisa danbe uu taagan yahay nin askari ah ,sida inta badanba aynu caadada ka dhiganay waayadan danbe, in Askari naftii hure ah la joojiyo dhabarka danbe ee Madaxwaynaha.

Markii aan dawanayay VD-gaasi uu ka hadlayay nin Madaxwayne Soomali u ah,ayaa waxa aan arkay ninkaasi madaxda ah oo marka uu khudbada jeedinaayo wajigiisa iyo garbahiisa dhinackasta oo uu u baahdo u dhaqajinaaya ,taasi oo sababtay in askarigii dhabarkiisa qotomayna uu jaha wareeray dhaq-dhaqaaqa madaxwaynaha ee xad-dhaafka ah aawadii .

Hadaba dhaqan kan iyo shaqadan iyada ah ee in Madaxwayne dhabarkiisa danbe la istaago,ayaa waxa la leeyahay waxa ay soo bilaabantay xiliyo hore,waxanay sababta loo bilabay horaantii hore ahayd ,cabsida iyo baqashada haysa ninkan madaxda ah in uu dhabarkiisa danbe la ilaaliyo.

Waxa kaloo iyana jirta in Ninkan isagu Madaxwaynaha dhabarkiisa danbe ku tigtigani uu yahay mid hayo shaqooyin aad u farabadan,oo laga yaabo in dadka badan kiisu aanay la socon waxaana ka mida.

1.Ninkan Askariga ahi waxa uu yahay mid Madaxwaynaha ka wardiyeeye dhabarka danbe ee aanu markaasi Madaxwaynahu u jeedin ama aanu arkayn wax kaga iman kara ,taasina waxa la odhan karaa waa mid soo bilabantay wakhtiyo hore.

2.Ninkan askariga ahi waxa kaloo uu qabtaa in xataa ii la socdo dhaqdhaqaaqa dadka ka horeeya ee uu Madaxwaynahu khudbada u jeedinaayo,taasi oo ay sababi karta in uu ogaado cid Madaxwaynaha khatar ku ah oo hadana hortiisa fadhida.

3.Ninaks Askariga ahi waxa uu mararka qaar noqdaa nin Madaxwaynayaasha Aduunka gaar ahaan kuwa afrika ay isugu fanaan,waxaanu noqdaa wakhtiyadan danbe Astaanta iyo muunad lagu garto ninka Madaxwaynaha ah ee kibirka badan .

4.Ninkan askariga ah waxyaabaha kale ee wajiibkiisa ah ee looga baahan yahay waxaa ka mida,in hadii uu arko khatar iyo dhibaato madaxwaynaha kusoo fool leh in uu isaga naftiisa isaga dhigo si uu madaxwaynahu u badbaado.

Dhaqanka iyo dhaqdhaqaaqa ninkan askariga ah looga baahan yahay ayaa waxaa ka mida, in aanu dhinacna uga nuuxsan booska uu taagan yahay ee la siman Madaxwaynaha uu gaadhka ama muunada u yahay.

Lama ogola shaqadiisana maaha in uu dhinac uga leexdo halka uu Madaxwaynahu tagan yahay,waxa ladoonayaa in uu ku sargonaado kolba booska iyo kaabada uu markaasi Madaxwynahu ka khudbadaynaayo.

Ninkan askariga ah waajibaadka looga baahan yahay ayaa ah in aanu hadlin,qoslin,farxin,cadhoo n, xataa hadii markaasi ay hayso xaajo sida kaadi iyo wixii la mida ,marnaba loogama baahna in uu sameeyo wax nuuxnuuxsi ah.

Askarigan isaga ah ayaa ah mid nolosha ku cadiban,wajibaadka iyo shaqooyinka looga bahan yahay ayaa ah,in aanu jidhikiisa meela ka mida aanu dhaqaajin karin inta uu madaxwaynaha daba tagan yahay.

Ma-loobaahna in qaybi maqaarkiisa iyo jidhkiisa ka mida in uu xoqdo ama uu faraha dhaqdhaqaajiyo,kaliya waxa loo ogol yahay shaqadiisuna ay tahay dhaqdhaqaaqa iyo warwareejinta labadiisa indhood,kuwasi oo ah kuwa uu wax ku waardiyaynaayo.

Ninkan isaga ah ayaa waxajira, waxyaabo lagu doorto oo ay ka mid tahay,Cafimaadkiisa,aqoontiisa gaarka ah ee uu u leeyahay in uu ilaalin karo Madaxwayne qaran oo ay umadi dooratay,hadana ay dhci karto in uu cadaw badan leeyahay.

Waxaa kaloo jira in dhinaca darajooyinkan ay ragani ku kala wada duwan yihiin,waxa aad arkaysaa in qaarkood ay yihiin sarakiil aad u sarsaraysa sida Kornaylo iwm,waxa kaloo aad arkaysaa qaar aan markaasi darajadoodu aanay ka badnayn Kabtan inta aan aqaanana waa kuwa ugu darajada yar.

Waxa aad moodaa askarigan isagu Markasta oo uu Madaxwaynahu khudbad jeedinaayo daba taagani in uu yahay ,sida Aaalad ama faraawil inta kolba meel la dhigo hadana laga soo qaadaayo,taasina waxa aad ku garanaysaa in uu Madaxwaynaha ka hadhaayo mararka qaar.

Waxaa dhici karta in mararka qaar uu askarigani uu yahay mid gaajoonaaya ama ay baahiyi hayso,waxa kaloo meesha aan laga saari karin in uu yahay mid duruuf gaari ay malintaasi haysato,balse ay dhici karta in uu ilaashanaayo shaqada yar ee iihanada ah ee shilimaadku kasoo galaayo,madamaa aanay wadanka shaqo jirin.

Xiliga kaliya ee uu Askarigani nasataa waxa ay tahay, marka uu Madaxwaynahu Safar dibada ugu baxaayo,inkastoo ay dhacdo in madaxda qaarkood ay kaxaystaan oo xataa ay daba fadhiistaan Kursiga danbe ee Diyaarada ama gaadhigaba.

Waxyaabaha iyaguna layaabka leh waxaa ka mida,waxa aad mararka qaar arkaysaa madaxwayne isagu Kursi iska fadhiya oo dad la sheekaysanaaya kadibna dhabarkiisa danbe uu qotomo Askarinkan aynu hada ka sheekaynayno,miyaanay tasi ahayn Kibir iyo isla wayni ay ku dheehan tahay gumaysi.

Waxyabaha aadka kaaga yaabinaaya waxaa ka mida in mararka qaar ay dhacdo in Madaxwaynaha oo iska cuntaynaaya in uu Kursiga madaxwaynaha uu istaanbay ku yahay askarigan naftiisa huraha ah.

Waxyaabaha iyana lagu qiimeyo askarigan isaga ah aya waxa ka mida,in uu yahay nin baaxad ahaan iyo jidh ahaan ka buuran ama waxooga ka laf-wayn ninkan uu ilaalada u yahay,taasi oo looga jeedo in dhamaantii uu qarinkaro muuqaalkiisa Madaxwaynaha marka uu daba taagan yahay.

Ninkani Askariga ahi waa nin hubaysan, kuna jira xiliga diyaar garawga,waxaanu ka shidaal qaadanayaa ,maahmaahdii Somaliyeed ee ahayd, laba talabo dhexdeeda ayaa talo ka dhalataa,ha ku dagmin ninkaasi isaga ah waxa uu u diyaar yahay in uu difaaco hadii ay timaado xalad khatar galin karta madaxwaynaha uu waardiyaha u yahay.

Mararka qaar waxaa dhacda in ay madaxwaynaha ku lugdaraan ,una raacaan goobaha uu markaasi isaga oo socda uu booqanaayo,taasi ayaa waxa ay askartani ku keentaa niyad jabwayn,marka ay arkaan madaxwaynaha oo aan marnaba ogolayn in ay garabkiisa istaagaan,waxa kaloo intaasi u dheer iyaga oo markasta laga doonaayo in ay ku labisnadaan dharka ay shaqada ku hayaan oo darajadooda wata.

Madaama aynu kasoo sheekaynay,waxyaabaha la odhan karo ninkan isaga ahi waa uu ku shaqo leeyahay, mararka qaarna la iswaydiin karo ,malaha ninkan isaga ahi waxaabu hayaa shaqo aad u fiican oo aan loogaba maarmayn,taasi oo ah in uu si farshaxanimo ku dheehan tahay uu u ilaalinaayo Madaxwaynaha.

Waxaa dhici karta in dadka qaar is yidhaahdaan,alaylahe ninkan waa loo baahan yahay,shaqadiisuna wa mid loo bogay, balse waxaa meesha taala in Madaxda maanta ay iyagu leeyhiin ilaalo iyo waardiyayaal aad u farabadan,taas awadeeedna la is odhan karo Askarigani waxa uun hada ay shaqadiisii kusoo af-goday in uu noqdo astaan iyo calaamad lagu garto Madaxwaynayaasha Kibirka badan.

Hadaba iyada oo sifaha noocan ahi gabi'ahaanba uu yahay mid dhaqanka Islaamka iyo kan Bini'aadnimadaba kasoo horjeeda, ayaa hadana waxaa kala wanaagsan Madaxda ay askartani shaqadan gumaysiga ah ay u hayaan.

Dhaqankan iyo cadadani waxa kaliya oo ay ka jirtaa wakhtigan xaadirka ah Afrika badankeeda,waxana la sheegaa in cadadani ay inta badan kasoo bilabantay dawladahii Shuuciyada ee Dunida soo xukumi jiray iyo Boqoradii dunida soo maray qaar ka mida.

Hadaba waxa hada wax lala yaabo ah in Madaxdii Somalida oo markooda horaba Ilahay xaalkooda og yahay in ay hadda isugu faanaan in ay dhabarkooda iyo gadaashooda ay istaajiyaan qof sharaf iyo ixtiraam ka mudan.

Miyaanay sharaf daro ahayn,in aad dhabarkaaga marsiiso nin kula xuquuq ah,kaasi oo aadan wax talo ama tusaalo ah marna aadan waydiinayn isla markana aanad markaliyan aadan la hadlayn,una ogolayn in xataa uu halmarna uu nuuxsado,haduu taas sameeyana uu shaqada ku waayaayo.

Madamaa aynu nahay dad Muslim ah,waxaa fiican in waxaasi laga tanasulo oo la iska daayo ninkan la joojinaayo dhabarka Madaxwaynayaasha taasi oo aan aniga iyo dad badan oo ila mid ahiba aanu u aragno in ay tahay iihaano iyo shaqo xun oo aan sharaf lahayn.

Madaxwaynayaasha Somalida mid aan samaynini ma jirto, waxa aan aad iiga qosliyay xataa markaan ku arkay Axmed Madoobaha Jubaland xukuma oo isna dhabarkiisa danbe soo qotomiyay hal Askari oo uu Madaxda aduunka ugu faantamo.

Waa shaqo aad u liidata aniga sida ay ila tahay,waana shaqo ku tusinaysa in aad markasta ka hoosayso nin qayrkaa ah,sababta oo ah halkii aad Ilahay hortii aad uga fooftagi lahayd ayaad waxa aad ku soognaanaysaa in aad sanado farabadan taagnaato dhabarka nin Madax ah.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment