SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso cajiib ah : Duqayn ayaa maskaxdeena ku socota !!

Wakhtiyadan danbe waxaa Dunidan aynu ku nool nahay kusoo kordhay aalada Intenetka,taasi oo dadka badan kiisii ka dhigtay kuwo had iyo goor u garba-duuban mashquulna ku ah indha sarcaadka aalada Internetka.

Dhalin-yardii waxa ay ku aafawday adeegsiga Internetka ,kaasi oo aanay inta badan u isticmaalayn waxyaabo naftooda faa'iido u leh, waana ta sababtay in markasta ay dhalintii dhex mushaxayaan duni aanay arag dawashadeedana ,kuna indha-daraandareen.

Adeegsiga iyo ku mashquulista aalada Intirnedka ee aan macnaha badan lahayni ,waxa ay ina gaadhsiisay heer aanu xataa qofku aanu booqan ama aanu xaal ogaan ehelkisii iyo dhamaan dadkii loo baahnaa in uu ka warhayo xaalka iyo sida ay markasta ku nool yihiin.

Booqashadii iyo iska warhayntii waxa ay kusoo ururtay adeegsiga Internedka oo laga wada xidhiidho,balse waxaa meesha ka maqan booqashadii iyo isu socoshadii dadka, waxaa la gaadhay heel labada Guri ee jaarka ahi aanay mararka qaar is-booqan balse ay ku eekadaan in ay ku wada xidhiidhaan Internedka.

Khasaraha faraha badan ee uu soo kordhiyay Internetku maaha mid kaligeen ku kooban,balse waxaa inala wadaaga dhamaan dunida oo dhan,taasina waxa ay keentay in dhalintii ay ku koobnaato wakhtigooda badi fiirsashada iyo fara ku haynta Internetka.

Internetku waxa uu leeyahay khasaare aad u farabadan oo dunida oo dhan aafeyay waxa kaloo uu leeyahay fa'iido aan lasoo koobi karayn,waxana la odhan karaaba dunidaba horumar waxaa ugu horeeyay intii la helay Internedka oo waxyaabo badan oo faa'ido leh loo isticmaalo.

Hadaba khasaraha uu inoo gaystay Internetku ayaa aniga si gaar ah ii taabtay,kadib markii ay dad aanu saxiib iyo ehelba nahay ay igaga mashquuleen alada Internetrka kadib markii ay ii sameeyay casuumad iyo.

Waatan dhibatadii u yarayd ee uu aniga Internetku uu gaystay:-

Waxaa maalin maalmaha ka mida casuumad qado ah ii fidiyay laba nin oo dhalin yaro ah,waxa ay si kadisa ah ila soo hadleen aniga oo markaasi gurigayga jooga,waxanay ii shegeen in ay jeclaan lahayeen in aanu maanta wada qadayno.

Runtii markii ay fariintaasi oo talafon ahayd ay iga timi labadaasi nin ee akhyaarta ah,maan *laba-labayn,waanan ka aqbalay,waxanan u diyar garoobay sidii aan marti galintaasi uga qayb gali lahaa.

Waxa gurigii aan ku jiray iigu yimi oo ay iyagu isoo direen nin akhyaar ah oo markaasi qayb wayn ka ah marti galin tayda, ninkaasi oo intii aan gaadhiga saarna aanu si fiican isu baranay,madama uu ahaa nin kasoo jeeda magaladii markaasi aan u dhashay .

Waxa aan tagay goobtii ama gurigii ay jogeen labadii nin ee casuumada qadada ah ii fidiyay,salaan iyo boogadin ka bacdi waxa aan fadhiistay kursi aan sidaasiba iiga dheerayn,aniga oo markaasi ka fikiraaya in aanu maanta labadan nin wada sheekaysan doono ,madamaa wadamadan qurbaha ay adag tahay ,sida markasta la isu haleelaa .

Markii aan kursigii fadhiistay,ayaa waxa ay labadii nin mid ka mida uu si toos ah u gudagalay in uu casuumadii qadada uu markaasi aan imi uu karinteedii bilaabo,waana shay iska dabiici ah marka aad Yurub iwm aad joogto in ay dhici karta in cuntada markaas dhariga ama dabka la saaro,hadii aanba lagaga soo saarin Talagada cunto iyadu muddo ku jirtay.

Halkii aan ka filaayay in aanu sheeko iyo is xaalwaraysi aanu kala bogan doono labadii nin ,ayaa ninkastaaba waxa uu gaar ahaan tiisa ugu mashqoolay talafoonkii gacanta ee uu markaasi haystay,iyada oo midkastabana uu dhagaha gashaday alada loogu talagalay in uu qofku gaarkiisa u dhagaysto waxa uu doonaayo.

Taasi waxa ay sababtay in ilaa wakhtigii ay cuntadu noo bislanaysay ,ay adkayd in ninkaygii martida ahaa iyo dhalintii aan markaasi martida u ahaa in aanu wada sheekaysano, madamaa aanu mudo aad u badan anaan is waraysan.

Anigu dhankayga waxba lamaan yaabin,waayo waxa aan dareesanahay alada Internedku halka ay maanta inala marayso,balse hadana maskaxdayda kamay bixin wixii aan filanayay oo ah in aanu waxooga sheeka ah aanu qadaa dhigno iskana waraysano wayaha iyo wadankii.

Markii la gaadhay xiligii ay cuntadu noo bislaatay,isla markana aanu u diyar garawnay in aanu gacanta galino,daqiiqadii iyaga ahaa ayaa aanu helnay wax firaaqo ah oo aanu ku sheekaysan karo ,tasoo waliba ay dhacaysay in Mobeladii oo dacaladooda yaala ay marba baalla daymodaan, iyaga oo kulba fiirinaaya messejka iyo faruimaha usoo dhacaya.

Markii aanu ka faraxalanay cunto cunistii ,waxa saxibadaydii dhalinyarada ahaa halkii uga bilaabmay barnaamij koodii fiir-sashada iyo ku foognaanta mobiladooda,iyada oo ay mararka qaar dhacaysay waxooga hadal kooban oo ay igusoo turayeen si ay iyaga laftoodu ii dareen siyaan in aanay mooganayn ee ay la socdaan xaalkayga.

Waxaa kaloo jiray in aniguna aan mararka qaar ku yar tuuraayay kalmado iyo hadalo aan ku yar baraarujinaayo in aan jeclaan lahaa in waxoogaa sheeka ah ay na nexmarto,balse adaaba sheegaaya.

Dhalintan iyaga ah ee aan u imi,marti qaadkana ii sameeyay maaha kuwo aniga i neceb *xaasha,waa dhalin aan ku tilmaami karo in ay yihiin kuwa ugu caqliga iyo garashada badan dadka Somalida,balse waxa ay ku sar-go'an yihiin xaalka Aduunka iyo himilada indha-sarcaadka ah ee Internetka taasi oo ah mida iga mashquulisay.

Waxaa laga yaba iina muuqatay in dhalintaasi waxa kaliya ee ay igaga mashquleen uu yahay,barnaamij markaasi ka socday qaybta dawashada ee loo yaqaano Youtube ,taasi oo aan isleyahay waxaa ka socday Kubad ,waxa kaloo aan ka madhnayn fariimaha inta badan isla *heehaaba facebooka iyo dawashada magalada wayn ee Facebook.

Wakhtigu waxa uu markan gadhay xiligii la tukanayay salada Maqrib,waxa aan waydiistay dhalintii iyaga ahayd in ay ii tilmamaan Suuliga ama Musqusha qofba sida uu u yaqaano,kadibna waxaa si halhaleela farta la iigu fiiqay Suuliga iyo halka uu ku yaalo.

Markii aan Musqushii kasoo baxay,shaygii labaad ee aan waydiiyay waxa uu ahaa,in ay isiiyaan hadii Guriga ay taala Sijaayada lagu tukado,kadibna madama ay ahayeen niman salaad sax ah waxa markiiba mid ka midii uu ii sheegay in aan kasoo qaato Sijayada salaada lagu tukado meel aan markaasi iga fogayn.

Tukashadii salaada Maqrib ka bacdi , waxa isna fadhigii guriga nagusoo biiray ninkii sadaxaad ee saxibadan qadada ii kariyay guriga la galayay,kaasi oo ahaa nin runtii muxtarim ah,bariido iyo salaan na-kala gaadhay ka dib ,waxa iisna bilaabay in uu markaba dharka iska bixiyo ,kadibna uu lasoo baxo Bobil kisii ,halkaasi oo ka bilaabay hawshii ay saxiibadii hayeen mid la mida.

Akhristayaal ma ogtihiin markii ay arintu halkaasi marayso, aniga laftaydu kiiska iskamaan waalin,waxanan horaantiiba lasoo baxay markii aan arkay xaalku halka uu maraayo, Mobilkaygii kadibna waxa aan halkaasi ka bilawday dalacashada wixii barnaamij aan markaasi xiisaynayay.

Markii ay arkeen dhalintii in aniga laftaydu aan jeef-cabee galay,qalabkaygiina aan istaadhay,ayaa waxa ay igu kaalmeyeen in ay Mobilkayga ii galiyaan Internetkii guriga ugu jiray,si aanu lacagta markaasi iigu jirta iiga dhamayn ilayn iyaba waa sad'e,waxa aan si halhaleena u guda galay wixii markaasi aan islahaa waad xiisaynaysaa,arinti waxa ay noqotay "ninkii qayrkii loo xiirayoow soo qoyso adiguna.

Hadal iyo dhamaantii,markii la gaadhay saacad aan is-odhan karo waa xiligii Cishaa-iga,ayaa waxa aan akhyaartii ka codsaday in ay ii balamiyaan uguna yeedhaan Taxsi-gii markii hore isoo qaaday,oo kolayba ii iman lahaa,balse xaalku waa in uu wakhtigii uu filayay in uu yimaado in uu kasoo hormaro.

Ninkii Taxsiga waday oo magaciisa lagu magacaabo *ekuT,ayaa markii uu ii yimi waxa uu ii sheegay in uu filaayay in aanu wakhti aad u badan aanu sheekaysan doono aniga iyo akhyaartan,balse waxa aan u sheegay in ay xaladu markiiba isu badashay jawi ah in lakala mashquulo balse aanay xumaani ku jirin.

Madamaa uu ahaa ninkan Taxi-ga waday nin la odhan karo waxoogaa waa uu ka waynaa ragan dhalinyarada ah una muuqday nin waaya-arag ah,waxa uu dareemay in aniga iyo asxaabtii isoo casuumtay waxa kaliya ee nakala mashquuliyay uu yahay Internetka.

Ujeedada aan sheekadan yar ee kooban u qoray maha in aan xumaan iyo ixtiraam la'aan aan ka tirsanayo saxibada casuumada ii fidiyay "xaaaaaaaasha" balse waxa aan doonayaa in aan dadka u sheego in aalada Internetku ay tahay mid nolosheenii qayb wayn ka qadatay.

Somaliyeed Internetku waxa uu weerar culus ku hayaa nolosheena qayb wayn oo ka mida,ku talagala in aad uga fa'idaysataan oo kaliya dhinaca waxtarka,wakhtiga iyo saacadaha dahabiga ee aynu haysanana ha ku luminina,Martidana yaan laga mashquulin kk.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment