SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tahriibe aan ka warhayn khatarta Dhulka uu maraayo iyo dagalada ka jira!

Waxaa maanta warbaahinta Dunida oo ay u horayso tan Somalidu laga waramay lana sheegay in ay ku dhinteen dad ka badan sodoneeyo qof ,kuna dhawac-meen tiro aad u badan oo aan wali la xaqiijin inta ay yihiin,tahriibayaashaasi oo ka cararayay khatarta kasoo cusboonaatay dalka Yemen una Cararaayay sida la sheegay dalka Sudan.

Somali in badan ayaa kaga maqan kuna dhimatay khatarta Tahriibka aan loo midaan dayaynin,kaasi oo ay ku nafwayeen kumaankun dhalintii Somalida ahayd oo doonaysay in mar uun ay gadhaan wadamada ay markaasi hiigsanayaan.

Mukhalisku waa ninka ku qalqaaliya ama ku dhiiri galiya in ay dadkaasi ku safraan dhul ama Bad halista iyo dhibatada ku xeerani ay tahay mid aan la saadaalin karin,Mukhaliska uu dilaaga aan Somalidu wali fahmin,balse ay u haysato nin isagu ku shaqaysta oo kaliya in uu dadku ku taakuleeyo tegida iyo safarka meesha ay doonayaan.

Waxaa maanta baraha iyo Idacadaha Somalidu ay aad uga waramayaan ,iyaga oo ka tiiraanyaysan ,Doon ay sarayeen Dad Somaali ah oo wakhtiyo ka hor tahriib iyo dhibaato kaga cararay dhulkoodii kadibna silic iyo saxariir ku tegay dalka Yemen.

Kadib markii ay wadanka Yemen ay ka dhaceen dagalada aadka loogu hoobtay ee u dhaxeeya Shiicada ay dawlada Iiraan dabada ka riixayso iyo Suniyeenta ay kaalmaynayaan wadamada Muslimiintu gaar ahaan dawladaha KHaliijku.

Dagaladaasi oo ilaa hada sii socda marba marka ka danbaysana sii xoogaysanaaya ,ayaa waxa dhacday in Dadkii Somalida ahaa ee ku dhaqnaa wadabnka Yemen ay ilaa hada yihiin kuwo kasoo barakacaaya Yemen.

Hadaba sida wararka lagu heelaayo ayaa waxa la sheegayaa Doon ay sarayeen dad Somali ah oo ku socotay sida la xaqiijiyay dalka Sudan,ayaa waxa la leeyahay waxaa duqayn u gaysatay diyaradaha Isbahaysiga la dagalanka Shiicada,kadib markii ay arkeen doonta ay saaran yihiin dadka aadka u faraha badani.

Waxa dhici karta in Doontaasi uu dadkaasi maatida ah uu soo saaray Mukhalas Dilaga qarsoon oo aanay dadku dhadayn,balse hadii aynu wax iska waydiino dadkaasi meesha ay marayeen iyo khatarka ay u badheedheen sida ay tahay.

Inkastoo aan la sheegin dadkaasi Dekada ay safarka ka bilabeen,balse la cadeeyay oo kaliya dekadii ay kusoo xidheen markii ay dhibatadu kusoo dhacday ,taasi oo ah Dekeda ku taala magalada Al-Xudayda oo ay wakhtigan haystaan Xuutiyiinta Shiicadu ,iyaga oo la sheegay in ay ku wajahnayeen ama safarkoodu uu ahaa dadkaasi Somalioda ah wadanka Sudaan.

Haddaba waxa iswaydiintu ay tahay ,Somalidu miyaanay wax iska waydiinayn khataraha ay galayaan xiliga tahriibka,maxaa ugu wacan in markasta ay ku dhex tahriibaan dhul colaado iyo dagaalo ay ka dhex jiraan.

Markii aan anigu dhankayga fikiray isla markaana aan qiimeeyay safarka ay dadkani maanta ay ku dhinteen khatarta uu lahaa, waxaa ii muuqatay in dadkii Somaliyeed ay khataro badan oo Aduunka jira aanay kaba warhaynin.

Sida ii muuqata dadkani waxa ay ka dhoofeen Dekeda magalada Al-Xudaydiya waxaana aan maqlay in ay ku wajahnayeen Sodan ,sida aan filayana Dekeda amma meesha ugu dhaw ee ay Sudan Doonta kaga degi lahayeen waxa ay tahay Dekeda Purt Sudan .

Hadaba Purt Sudan iyo Al-Xudayda waxa ay isu jiraan masaafo dhan 802 Klm, fogaanta masaafada waxaa ka daran waxa ay Doonta ay saaran yihiin la maraysaa badh-tamaha gacanka BADA CAS oo ah meesha kaliya ee dagaalku uu ka socdo ;goobtaasi ay safarka ku ahayeen waa Xeebaha kaliya ee maanta ugu khatarsan Aduunka.

Waxa kaloo iyana intaasi dheer,aaga ama goobta ay dadkani ku safrayaan waxaa ku taala saldhiga wayn ee ay dawladaha Khaliijku ay markasta ka duqeeyaan Xuutiyiinta qabsaday dalka Yemen ee ku yaala dalka Eritareya.

Magalada Assab ee wadanka Eritariya waxa ay ku taala Bada Cas ,waana goobtan ay ku safrayeen dadkan Somalida ah,taasi oo ay adagtahay in ay sinaba uga badbadaan duqaymaha iyo weerarada ay Diyarada Isbahaysigu ay samaynayaan.

Hadii aynu nahay dadka Somalida,waxaa ii muuqatay in ay inagu adag tahay in aynu ka fikirno safaradeena ay galayno iyo khataraha markasta ku xeeran,balse waxaa inoo muuqata oo kaliya meesha aynu hiigsanayno,sawmaaha in aynu khatarkasta oo ka jirta dhulka aynu safarka ku marayno in aynu wax iska wadiino.

Dadkan Walaladeena ee Dhintay Ilahay waxaan uga baryaynaa in uu Jannooyinkiisa galiyo , kuwa dhaawaca ahna waxa aan Rabbi uga baryaynaa in uu cafimaad siiyo,iyada oo loo baahan yahay in gacan loo gaysto oo aan Ducada oo kaliya lagu dhaafin.

Mukhalasku waa dilaaga qarsoon ee dhalintii Somalida dabar jaray,waxa laga yabaa in Mukhalasiintu wakhtigii ay bilaabmayeen ay ahayeen kuwo dadka u sahamiya ama xog ka siiya xaladaha ay marayaan,balse maanta Mukhalasiintu waxa ay yihiin Dilaaga iyo dabar-gooyaha dhalinta Somalida.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar
 

No comments:

Post a Comment