SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso cajiib ah: Xerowgii Diinta khaladka ka fahmay iyo xaalkisii !

Xer ama Xeraw hadaad maqasho ,waxaa markiiba maskaxdada kusoo dhacaaya in ay tahay koox Dineed isu urursatay in ay bartaan ama ay dadka baraan aqoonta iyo barashada Diinteena Islamka ah.

Xerow waa koox Diined leh hal sheekh oo ay wax ka bartaan, kana wada danbeeyaan,waana urur laga yaabo in ay u adeegaan sidii ay bulshada wixii ay Diinta ka yaqanaan ay u gadhsiin lahyeen,inkasoo malaha wakhtigan xadirka ah ay ku yaryihiin magalooyinka una badan yihiin dhulka Miyiga ah,kadib markii ay magalooyinka kala wareegeen niman dhalinyara ah oo iyaga ka aqoon badan dhankasta.

Hadaba nin dhalin yara ah oo ku nool meel Tuulo ah ,ayaa waxa uu inbadan dhagahiisu ay maqleen in uu jiro nin sheekh ah oo aad cilmigiisa loo hadal hayo,ninkaasi sheekha ah oo marka ay dadku hadal hayaan ay ku sifeeyaan in uu yahay nin Ilahay SC uu cilmi siiyay.

Waxa uu ninkan dhalinyarada ahi ku fakari jiray maskaxdiisana kusoo noqnoqan jiray ,sidii uu ula midnoqon lahaa sheekhaasi ay dadku carabka ka dhigi la'yihin , waxa hamadiisa iyo rabitaankiisii oo dhamiba uu kusoo koobnay sheekhaasi Ilahay cilmiga u dhiibay sidii uu ugu tagi lahaa ardayna ugu noqon laha.

Ninkii dhalin yarada ahaa waxa uu ku tashaday in uu ka tago Tuuladan uu joogo ee uu wakhtiga badani kaga lumay,waxaanu go'aan saday in uu u cilmi doonto ninkaasi ay umada oo dhami isku wada raacday sheekh nimadiisa.

Ninkii dhalin-tayaraa, safarkii dheeraa ee uu usoo galay barashada Cilmiga sheekha dadka oo dhamo ay afka ka dhigiwayeen amaantiisa iyo aqoontiisa Diineed ,waxa uu soo socdaba waxa uu soo goodhay xaruntii uu sheekhu fadhiyay isaga iyo xertiisu.

Madamaa uu ninkan dhalinyarada ahi uu ku cusub yahay Xertan uu u yimi , doonaayana in uu Xertaasi kusoo biiro waxna ka barto sheekha ,waxa horaantiiba loo geeyay si loo baro sheekhii uu inta badan maskaxdiisu ku taamaysay in ay aragto waxna ka barato .

Sheekhii markii loo keenay ninkan dhalinyarada ah ee daalibal cuilmiga ahaa, waxa uu u soo dhaweeyay si gacaltooyo ku jirto, waxaanu u gacan qaaday sidii lagu yiqiinay nin caalim ah ama sheekh ah ; waxaanu u sheegay ardaygii in laga bilaabo maanta uu Xerta ka mid yahay,taasi oo farax galisay ninkii dhalinyarada ahaa ee cilmi doonka ahaa.

Hadaba sheekhii waxa uu bilaabay sidii u caadada ahayd ,in uu xertiisii wacdi u jeediyo , wiilkii dhalinyarada ahaana waxa uu noqday mid soo xaadira xalaqadii ama goobta uu sheekhu xertiisa oo uu iminka ka mid yahay uu wacdiga uga jeedinaayo.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu isu arkay in ay maanta tahay maalintii uu aduunka intuu noolaa uu ugu nasiibka badnaa ,madaamaa uu hor-fadhiyo sheekhii iyo shariifkii uu mudada badan ku taami jiray in uu noqdo ardaygiisa iyo xertiisa mid ka mida.

Waxaa ku fogaatay isla markaana uu raadsaday inta uu sheekhu hadalka bilaabayo,waxa uu dhagaha iyo maqalka maskaxdaba siiyay sidii uu u xafidi lahaa hadala iyo wacdiga diiniga ah ee sheekha afkiisa kasoo burqan doona ,waxaanu ugu talagalay in wacdiga sheekha uu xaraf-xaraf u xafidi doono ,madamaa uu sheekhu ula muuqdo nin Ilahay cilmi siiyay.

Ninkii dhalinyarada ahaa isaga oo niyad iyo kalgacal u haya wax ka barashada sheekha,hamiga iyo hilawga ku jiraana uu yahay sidii uu aakhirka sheekhan oo kale uu u noqon lahaa,ayaa sheekhii waxa uu guda galay wacdigisii maanta usoo diyaariyay xertiisan barakaysan.

Sheekhii waxa uu hadal ku bilaamay Bisinka iyo balaayo xijaab, sida u caadada ah culimada iyo dadka Muslimiinta badankoodaba,kadibna waxa uu sheekhii si tartiib ah u gudagalay mawduucii uu maanta Xertiisan baraykansan uu rabay in uu kala ahadlo Xertuna ay sugaysay,waxa uu ku bilaabay hadalkii :-

Waxa aan maanta ka hadlayaa qiimaha iyo fa'iidada ay leedahay dadku in ay shaqaystaan oo ay cududooda malaan,waxa kaloo isla sheekhu uu markaba iyana kalimaad kooban ka yidhi beeraha iyo waxsoosaarka iyo sida loo baahan yahay in ay dadku waxa ay cunayaan lasoo baxaan.

Ninkii dhalin yarada ahaa ee Xerta ku cusbaa,hadalada iyo kalmadaha sheekha afkiisa kasoo baxay isaga wax saamayna kuma yeelan,umanuu arkayn in arimaha uu sheekhu ka hadlayaa ay yihiin kuwo loo baahan yahay,halka Xerta kale ee sheekha mudada xaruuntiisa degal-fadhiga ahayd ,iyagu ay ahayeen kuwo ku diirsaday wacdiga uu sheekhu saaka Mixraabka lasoo fadhiistay.

Sheekhii isaga oo aan wali madawcii uu Xertiisa usoo diyariyay aan ka bixin ,ayaa waxa uu ku dheeraaday abaaraha dad iyo duunyaba degelkii babiyay iyo sida ay tahay in looga hortago,waxa uu sheekhu ku nuux-nuuxsaday in muhiimadu ay tahay in ay dadku daaqa iyo cawska ay ilashadaan.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu markiiba noqday mid dib u fadhiista,waxa ku dhacay niyad jab iyo hamadii uu qabay oo hoos u dhacday,waxa uu filaayay in sheekhu markaaba uu Qaala-laahu iyo Qaala Rasuulu scw in uu wax ku bilabi doono, kana hadli doono faa'idada Salaada iyo Soonka,halka uu ka hadlaayo faa'iidada Beeraha iyo Biya xidheenada.

Waxa kaloo qayb ka ahaa niyad jabka ninkan dhalinyarada ah ee Xerowga ah ,markii uu sheekha ka waayay ,Qiyaamkii iyo xalaqadii wareegsanayd ee loo samayn jiray marka Mawliidka la qaadaayo ; balse sheekhii waxa uu ku dheeraaday biya-la'aanta dalka ka jirtay iyo sidii looga bixilahaa.

Sheekhu isaga oo shucuurtii iyo dareenkii Xertiisa kiciyay, ayaa waxa uu hadalkii kusoo gunaanaday ,in la xidho Biyaha loona sameeyo godad iyo goobo Biyaha badaha inaga galaaya aynu ka xafidano,hadalkasi oo farax galiyay dhamaan Xertii sheekha ,iyaga oo ka dareen cilinaaya aqoonta iyo ilbaxnimada sheekhooda ku jirtana waxa ay sheekha kula balameen in ay arimahaasi guntiga-dhiisha iskaga dhigayaan,kana bilaabi doonaan Tuuladan ay deegaanka ku yihiin sidii ay Biyo ugu samayn lahayeen.

Sheekhii markii uu Xirtisii baraykaysnayd uu Khudbadaasi ku wajahnayd waxsoosaarka dhirta iyo daaqa uu u jeediyay,Xertisiina ay noqotay mid ku faraxday sida fiican ee ay u arkeen in uu sheekhu u fahamsiiyay fa'iidada ay leedahay dalaga Beeraha oo la qotaa,ayaa Wiilkii dhalinyarada ahaa ee xirta ku cusbaa waxa uu noqday mid aanu u cuntamin wacdiga iyo waanada sheekha.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa qaadan-waa ku noqotay,maskaxdiisana ka waynaatay,fikirkii iyo garashadii uu ka haystay ninkan sheekha ah,ee ay dadka oo dhami uga markhaati kaceen aqoonta iyo garashada uu Diinta u leeyahay iyo wadaadkii oo uu kala kulmay hadalo iyo wacdi aanu uga baran culimadii isaga ka horaysay,kaasi oo ku saabsan Qodaalka iyo Biyo-xidheeno la sameeyo,taasi oo uu ninkan dhalinyarada ahi uu ka maqli jiray oo kaliya dadka Dawladaha u shaqeeya.

Ninkii dhalinyarada ahaa,inta uu dhabanka iyo gacanta isa-saaray ,ayaa waxa uu maskaxdiisa iskula hadlay,Iga-walaw kani aanu sheekhba ahayn,waxa kaloo uu muujiyay dareen iyo fikir odhanaaya,sheekh hadaad qaala Laahu iyo Qaala Rasuulu aad ka waydo sheekh maaha iyo shaydaan cumaamadan.

Ninkii dhalin yarada ahaa oo yaaban, isuna arkaya in uu yahay mid ku khasaaray,safirkii dheeraa ee uu usoo galay barashada Diinta Islaamka, garawsadayna in sheekhii uu u haystay in uu yahay nin cilmiga diinta ku ciraystay ,balse isagu aragtidiisa ula muuqday nin ka sheekaynaaya Xagaafka iyo qodaalka Beeraha,ayaa waxa uu u tegay qaar ka mida Xeertii sheekha in muda ahba wax ka baranaysay .

Waxa uu ninkii dhalinyarada ahaa ku yidhi xertii,waxa aan idin waydiiyay sheekhan oo aan in badan xogtiisa hayay ,la iiguna sheegay in uu yahay mid cilmiga Diinta aqoontiisa meel iska dhigay (xariif ku ah) balse waxa aan maanta kala kulmay hadalo iyo kalmado aanay ku jirin Qaala-laahu iyo Qaala Rasuulu,markaa siday ayay Xeray wax yihiin? miyaan soo qaldamay ? mise sheekha ayaan sheekhii ahayn?

Waxa kaloo oo ninkii dhalinyarada ahaa uu Xertii waydiiyay,waxa aan filaayay in uu Sheekhu jeedin doono hadal iyo duruus Ilahay loogu dhawaato,balse waxaa ii muuqata in aanu sheekhu wax Kidaababa isa-soo hordhigin,waxa kaliya oo inagala hadlay waxa ay ahayd Beer,Xagaaf,Biyo ceshi iyo Xoolo dhaqato,shaqadaasi oo ay leeyhiin Dawladahu, markaas Xeray waxaan idin waydiiyay sheekhu ma sidan ayuu sheekh idiinku yahay mise Sheekhu Dawlada ayuu u shaqeeya.

Xertii iyaga oo yaaban,fahmayna waxa ka qaldan ninka dhalinyarada ah ee cilmi doonka ah,garawsadayna in uu yahay nin degdegaaya una baahan in waxbadan horta loo sheego,madamaa Diinka iyo wacdiga uu si qaldan uu u fahmay,ayaa waxa ay ku yidhadeen:-

Sheekhayagii maanta wixii Ilahay loogu dhawaan lahaa waa uu inoo sheegay,kaliya waxa aynu u bahanahay in aynu qaadano kuna camal falno,adigana waxa aanu kugula talin lahayn in aad degdega iska ilaaliso,Isha Allah waxa aad gaadhi doontaa waxa aad ku haminayso iyo halka aad doonayso in aad ka gaadhi barashada iyo aqoonta Diinta.

Ninkii dhalin yarada ahaa waxa uu u arkay in aan halkan waxbarasho oolin,waxaanu dhalinyaradii xerawda ahayd ku yidhi,anigu hadii an doonaayo in aan Beero iyo xagaaf ka shaqeeyo,waxa aan camal u doonan lahaa dawladaha ,iminkana waxa aan idin leeyahay anigu halkan sheekh aan wax ka bartaa iigama muuqdee ,waxaan raadsanayaa sheekh wax i bara oo aan Beero iyo Biyo-xidheeno aan igala hadlin !!

Hadaba arintaasi waxa ay ku tusaysaa fahamka khaldan ee dadka qaarkii ay Diinta ka amin san yihiin,khaladkaasi oo aan isleeyahay waxaa u sabab ah culimada,waayo aniga laftaydu maan arkin inta aan xasuusto ,sheekh inta uu kutub la kala baxay dadka ku wacdinaaya Beerashada iyo qabashada Biyaha Badaha ku shubmaaya,marka laga tago waxoogaa kalimada oo ay ka yidhaadan arimahaasi ama in ay Roob doonaan marka xaaladu ay faraha ka baxdo,iyada oo aan ogahay in Quraanka iyo Axadiista Nabiguba csw ay aad uga warantay wax soosaarka iyo qorshaynta nolosha oo dhan.

Waxa aan kula talin lahaa culimada in ay barnaamijyadooda wacdiga diiniga ah ay ku darsadaan in ay muxadarooyin iyo duruus dheeri ah ka bixiyaan waxsoosaarka iyo horumarinta dhanka beeraha iyo Biyaha ee dalka .

Culimadeenu waxay u badan yihiin in ay inta badan dadka ka wacdiyaan tuugada,cayda,dilka,salaada,soonka,sakada iwm,taasi oo aan u arko in ay tahay mid aad u fiican ,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayaa waxa aynu u baahanahay in ay Culimado xooga saraan dhinaca adeegyada kale ee ay bulshadu u baahan tahay isla markaana aanay ku dayn oo kaliya dawlada iwm .
Wabilaahi tawfiiq.

twitter @khadar_aar

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment