SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taariikhda Imaam Shariif Cabdi Nuur Xasan.

Imaamka fiqi yaqaanka ah, usuul ruugga ah, muxaddithka qarnigga Al Callamah Shariif Cabdi Nuur waa aqoon yahan laga wada yaqaano caalamka Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna bulshada Soomaalida. Madax meel ka sareeya oo la taabto ma jiro. Sidaa daraadeed, maadaama aan ka soo sheekaynaynay xadiis yaqaanadda Muslimiinta, qarnigan waxaan ka soo qaadanay Al Bani iyo Shariifka.

 
Shariif Cabdi Nuur wuxuu ku dhashay Magaaladda Baabili sanadii 1941ee ka tirsan Ethiopia. Waxa uu ka soo jeedaa qabiiladda Ashraafta oo la yidhaahdo waxayna ku abtirsataa Aalu Baytka. Hooyaddii waxay ka dhalatay Ogaadeen, reer Cabdalle; reer Ugaasna ka ah. Sheekha waxa uu la dhashay 10 wiil oo dhammaan ka wada weyn; waana niman fuqaha ah oo Shaaficiyo ah.

Shariifku wuxuu ka bilaabay barashadda cilmigga diiniga ah magaaladda Baabili. Naxwadda ama dhismaha luuqadda Carabigga waxa uu ka bartay nin naxwe ruug ah oo la odhan jiray Sh Axmed Baaruud oo ahaa caalim Oromo ah oo gees kasta oo shariicadda ah bartay.

Sidoo kale, waxa uu ka akhristay Sh Xasan Macalin Mareexaan. Walaalkiisii ka weynaa ee ahaa Muftiggii Shaaficiyadda ee waagaas waxa uu isna ka dhigtay naxwaha iyo fiqigga. Sh Jawhar isna Shariifka naxwadda ayuu u dhigay.

Kadib kolkii uu muudsaday wixii cilmi yaalay geyigaas, wuxuu u ambabaxay magaalooyin kale, sida Herer, tani waa mid lagu yaqaano culimadda inay safraan. Muddo ayuu ku sugnaa halkaas. Kadib waxa uu tagay Jij-jiga. Sanadku markuu ahaa 1959, Shariifka oo ahaa 18 sanno joogana magaalada Jigjiga, waxa uu doonay inuu tago jaamacadda AZHAR.

Shariifku wuxuu markaas raacay dhalinyaro ay isku eyni yihiin. Waxay raaceen tareen ilaa ay ka gaadheen Suudaan. Kadib waxay ka raaceen doon ilaa ay gaadheen Masar. Sh Shariif Cabdi Nuur wuxuu markaa galay jaamacaddii AZHAR, Kuliyadda Shareecadda iyo Qaanuunka. Waxa uu dhammaystirtay aqoontiisa jaamacadeed. Kadib wuxuu u gudbay jaamacadda isagga oo ka gaadhay Usuulu fiqigga halka ugu sareysa ee Maanjisteer.

Maadaama uu soo dhammaystay aqoontiisii, waxa uu aqoonyahanku ku noqday wadankii Soomaaliya. Waxa uu tagay machadkii Xalane. Sheekhu wuxuu macalin ka noqday rugtii Boolo Tiknikoo ee Muqdisho. Reer Muqdisho waxa aad loola yaabay aqoontiisa. Xalqado waaweyn ayaa looga sameeyay masaajidada. Wuxuu bilaabay dhigidda kutubta iyo duruusta.

Wax yaabaha yaabka leh eel ala yaabay wakhtigaas waxa ka mid ah in Shariifku noqday bad cilmi ah oo soconaysa. Masaajidada wuxuu ka bilaabay dhammaan faniyada diinta. Tusaale ahaan wuxuu dhigi jiray: Fiqigga, Tafsiirka, Xadiithka, Naxwaha iyo Sarfiga iyo qaar kale. Si gaar ah wuxuu Shariifku ugu dadaali jiray dhigidda xadiithka Nebigga SCW wixii sugan.

Shariifku wuxuu dhigay kutubta xadiithka ugu waaweyn ee loo yaqaan Umahaatu Sitta dhammaan wuu sharaxay (SOO SAARISNA; TAKHRIIJ ayuu u sameeyay xadiith kasta). Shariifku wuxuu inta badan waafaqaa Albani inkasta oo meelo badan oo uu ku khilaafay xadiithka ay jiraan.

Marka aad loo baadhona la ogaanayo in Shariifku saxsanyahay. Shariifka waxa la xidhay sanadkii 1978. Xadhigu waa sunne ay maraan culimadda aan ra’yigooda diinigga ah ee ay cabiraan ku adkaysta, sida Axmed Binu Xanbal iyo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyyah.

Soomaaliya waxa ka dilaacay dagaalo sokeeye. Shariifku markaa wuxuu u kicitimay wadanka Sucuudiga halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Sanadku wuxuu ahaa 1984 kii.Waxa macalin sare USTAAD ka dhigtay jaamacadda caanka ah ee Jaamacatu Malik Sucuud oo waagaas la odhan jiray Dirciya.

Shariifka waxyaabaha lagu xasuusto ama dadka booqda ay ku arkaan, amaba ardaydiisu ku arkaan waxaa ka mid ah: aqoon bislaatay; sheekha waxa la yidhaadaa waa afarta caalim ee soomaray Muslimiinta qarnigan ee laga marag furay sida uu ugu bislaaday cilmigga xadiithka( 1990 dhammaan UMMAHATU SITTA wuu sharaxay; wakhtigaas culimadda Soomaalidda weli mey bilaabin tegidda dibaddaba), usuulka, fiqigga, iyo luuqadda( Machadka Riyaad ayaa uu ka qaatay Maajisteer Luuqada Carabigga ah) guud ahaan iwm.

Waxa intaa dheer inuu yahay qof ILLAAHAY akhlaaq ku manaystay oo aan weligii dhib laga soo sheegin. Marar badan oo culimo uu ka aqoon badan yahay wax ka sheegeen, waa uu diiday inuu u jawaabo ( Sheekh Muqbil oo sixun ugu xadgudbay, Shariifku wuu u bixiwaayay wuunna diiday inuu u jawaabo); xataa yadoo laga codsaday in uu u jawaabo. Waxa lagu xasuustaa sida uu uga saahiday aduunyada. Waa nin aad ugu adag sunnada oo leh mawaaqiif adag oo meel mar ah wakhtiyada culimo badan tanaasulaan oo ay ka noqdaan mawqifkooda.

Dhinaca kale, dadka Shariifka duraa waxay ku sheegaan inuu yahay nin wax ka sheegay dawladda Sucuudiga oo yidhi gaaladda ayay u shaqeeyaan (1990 Saancadaalihii Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa Boqortooyaddu Dhulka Barakaysan u ogalaadeen). Waxa kale oo Shariifka lagu qabsaddaa inuu fitnaddi Khaliijka wax ka sheegay Culimadda Sucuudiga ee dowladda la saftay wakhtigaas. Shariifku wuxuu markaas sheegay in culimada Sucuudiga culays ka saaran yahay xagga dawladda, fataawadooda siyaasigga ahna lagu kalsoonaan Karin.

Sidaa si lamid ah waxa Shariifka lagu haystaa inuu ogol yahay in xarakooyinka ama jamaacaatka Muslimiintu khayr doon yihiin isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo Tacasubka ama qaraabo kiilkanna la iska ilaaliyo. (Sh Maxammed Ibrahim, Sh Ibnu Baaz iyo Sh Ibnu Cuthaymiin arinkaa ayay Shariifka ku raacsan yihiin; Dheegasho; Fatwo Shariifka laga soo weydiiyay wadanka London oo ah sharaxaadda xadiithka Xudeyfa ee Iftiraaqa Ummadda). Waxa isagu ku qaadacay Sh Albani iyo culimo kale oo uu ku jiro Sh Rabiic Al Madkhali iyo Sh Rabiic.

Si aad u kooban oo dul mar ah haddaan u tibaaxo macnaha uu Shariifku xadiithkaa saaray waa sidan: Xadiithka Xudeyfa lagulama dul dhici karo jamaacaatka kheyr doonka ah sida Jamaacatu Ansaru Sunna, Ehlu Xadiith oo Hindiya ka jirtay iyo Ittixaad oo Soomaaliya ka jirtay, Tabliiq iyo Akhwaanul Muslimiin. Ee xadiithku wuxuu u yaalaa Muslimiin isku haysta madaxtinimadda.

Laba sababood ayaa uu Shariifku tilmaamay; 1. Xadiithka waxa ku jirta ALFIRAQ, (AL : waa Cahdiya Dikriya, waxay faaideysaa, inuu gaar ku yahay, wakhtiyaddii fitanka Muslimiinta. 2. Xadiithka waxa ku jirta TILKA oo ah damiir ama maga u yaal, oo faaideysa tacyiin ama cayimid. Tani waxay ku tusinaysaa sida uu Shariifku ugu bislaaday Usuulka iyo luuqadda guud ahaan. Dhammaan xadiithyaqaanadda oo uu ugu horeeyo Xaafidku sidaas ayay marayaan.

Shariifka waxa kale oo dadka qaar ku qabsadaan inuu qabay wakhtigii maxaakiimta in lala jihaado Itoobiyaanka oo wadanka laga saaro. Jihaadna ay tahay xaq ah. Askarta Soomaalida ee Itoobiyaanka la socdana loo digo, lana laayo hadday yeeli waayaan, gaaladana soo raacaan. Hal meel oo xaasaasiyad badan ayaa ah in Shariifka iyo Albani ay ku kala ra’yi duwan yihiin in jihaadku u baahan yahay imam iyo in kale.

Albani wuxuu leeyahay in jihaadku u baahan yahay imam halka uu Shariifku leeyahay uma baahna imam. Waayo Shariifku wuxuu leeyahay ma jiro imam maanta kulminaya Muslimiinta oo laga amar qaadanayo – waana wax la yeeli karo aragti aqoon hagayso weeyaan.

Isku soo wada xooriyoo, Shariif Cabdi Nuur waxyaabaha lagu haysto, inta badan waa masaail ijtihaad u cuntama( Khilaaf Saaiq ah ayaa ka yaala) oo aan lahayn in lagaga hor imaado. Tan ah qadiyada Sucuudiga boqolkiiba boqol isaga ayaa ka saxsan ragga dawladda daba dhilifka u ah ee ka cabsada. Waxa Shariifka ku raacay Fitnadii Khaliijka Sh Albani, Dr Safar Al Xawali, Dr Salman iyo Sh Muqbil.

Haatan Sheekhu waxa uu dagan yahay Magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama, wuuna xanuunsanayaa muddo dheer. Alle waxaan uga baryaynaa inuu caafiyo, aduunyo aakhiroba xifdiyo; cimriggiisa dheereeyo, inagana Alle ha inaga dhigo kuwii cilmiga uu ummada uga tagay ku dadaala oo ummadanna uga faaideeya.


Guuleed Maxamed Yaasiin Dalxa





No comments:

Post a Comment